Dufcaddii ugu horreysay ee Ciidamada Sida Gaarka ah u tabobaran oo maanta tabobar loogu soo xidhay Dugsiga Ciidamada ee Mandheera

Hargeysa, 13 March, 2012 (SLpost)- Dufcaddii ugu horreysay ee Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee Booliska isla markaana loogu talo-galay inay fuliyaan Hawl-gallada Deg-degga ah ayaa ayaa Maanta tababar loogu soo gabo-gabeeyey dugsiga tabobarka Ciidamada ee Mandheera halkaas ay, waxaana munaasibaddaas kala qayb-galay wefti uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Ciidankan oo mudo saddex bilood ah tababar ku qaadanayay dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Mandheera ayaa munaasibad balaadhan oo loo sameeyay waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” ku Simaha Taliyaha Ciidanka booliska isla markaana ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska C.raxmaan Liibaan Axmed “Fooxle”,Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cali Saleebaan “Ramaax”,Saraakiil ka tirsan Hay’ada Undp oo ka taageerta Ciidanka Booliska tababarada kala duwan,iyo khabiir ka socday dawlada Ingiriiska oo  .

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” ayaa  ku dheeraaday mas’uuliyada balaadhan ee Ciidanka Boolisku u hayaan dalka isagoo sheegay in Xukuumad ahaan ay mar walba diyaar u yihiin sidii ay Ciidanka boolisku u heli lahaayeen Tababaro kala duwan oo u fududeeya gudashada waajibaadka shaqo ee looga baahan yahay,waxa uu Madaxweyne ku xigeenku cadeeyay in dufcadan uu tababarka u soo xidhay ay noqonayaan tii koowaad ee intii ka soo wareegtay aasaaska ciidankani uu yeesho kuwaas oo door wax ku ool ah ka qaadan doona ayuu yidhi waajibaadka ka saaran arrimaha nabadgalyada.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” ayaa hadal dhinacyo badan taabanaya oo uu munaasibadaas ka jeediyay ayaa ugu horayn uga  mahadceliyay dawlada Ingiriiska taageerada ay la garab taagan tahay somalilanda waxaanu ka waramay ahmiyada ay dal ahaan inoo leeyihiin Ciidankan Gurmadka deg dega ah ee  RRU.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net