Dublomaasiyiin Maraykan ah oo sheegay inay Isku Xidhan yihiin Aqoonsiga Somaliland iyo taabba-galka Dowladnimada Soomaaliya

Washington (SLpost)- Dibloomaasiyiin u dhashay dalka Maraykanka ayaa rejo beel ka muujiyey in Soomaaliya noqoto waddan madax-bannaan oo cagihiisa isku taagi kara 14 sanno kaddib markii dalkaas laga dhisay dowlad beesha caalamku aqoonsan tahay, iyadoo dhammaadka sannadkan uu wakhtigu kaga eegyahay sharciyadda joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalkaas loo geeyey nabad-ilaalinta iyo taageerada xukuumadda Muqdisho.

Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Afrika u qaabilsan Maraykanka iyo Ergaygii hore ee Dowladda Maraykanka u qaabilsanaa waddamada Gobolka Sahel ee Afrika, ayaa labadooduba su’aal geliyey jiritaanka dowlad iskeed cagaha isugu taagta oo ka hirgasha Soomaaliya kaddib marka uu dhammaado muddada ay ciidamada Amisom Mandate-ka u haystaan joogitaanka Soomaaliya oo dabayaaqada bishan December ku beegan.

Tibor Nagy oo hore u soo noqday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Afrika u qaabilsan Maraykanka iyo safiirka Maraykanka ee Guinea iyo Itoobiya, ayaa qoraal nuxurkiisu yahay su’aal furan oo dowladnimada Soomaaliya ku saabsan kula wadaagay bartiisa Twitter-ka, waxa uu ku yidhi, “AMISOM Waxa la aasaasay sannadkii 2007 si ay u caawiso dowladda la aqoonsan yahay ee Soomaaliya si ay uga adkaato Alshabaab. Muddadii loogu talo-galay hawl-galkooda waxa uu dhacayaa bishan December,” sidaas ayuu yidhi Danjire Tibor, waxaanu intaas ku daray, “Ma jiraa qof aaminsan in xilligan oo ay tahay 14 sanno kadib ay dowladda Soomaaliya noqon karto mid iskeed cagaha isu taagi karta?! Waxa laga xumaado dheh!”

Qoraalka uu Danjire Tibor Nagy su’aasha ku soo bandhigay, waxa ka jawaabay  Dr. J. Peter Pham oo hore u soo qabtay xilka Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan dalalka laysku yidhaahdo Sahel oo ka kooban Shanta waddan ee kala ah Mauritania, Mali, Niger, Burkina Faso iyo Chad.

Dr. J. Peter Pham oo xilkan hayay wakhtigii xukuumaddii Donald Trump, xilliganna ka tirsan Golaha lagu falan-qeeyo siyaasadda arrimaha Dibadda Maraykanka ee Atlantic Council, ayaa sheegay in Soomaaliya u qalanto in dib loogu celiyo gacanta Qaramada Midoobay iyadoo boodhka laga tumo heshiiskii Sharci ee lagu maamuli jiray Soomaaliya xilligii guumaysihii Talyaaniga si loogu tabobaro nidaamka dowladnimo.

Waxa uu dibloomaasigani sheegay in xalka dowladnimo waarta oo Soomaaliya yeelato ku xidhan tahay iyoadoo beesha Caalamku aqoonsi buuxa ku amaal-mariso Somaliland oo ah waddan xasiloon oo dimuqraadi ah si ay uga gacan-geysteen dedaallada ay Qaramada Midoobay ee dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale, marka laga yimaaddo shakiga ay dibloomasiyiintani galiyeen dhismaha dowlad iskeed cagaheeda isugu taagta oo Soomaaliya yeelato, waxa jira siyaasiyiin Soomaaliya ah oo aamisan in aayo-ka-talinta iyo maamulka dowladnimo ee Soomaaliya gacanta ugu jiro Qaramada Midoobay iyo Dowlado shisheeye.

Shaqsiyaadka arrimahan hore uga hadlay isla markaana caddeeyey in maamulka Soomaaliya gacanta ugu jiro Qaramada Midoobay waxa ka mid ah Raysal-wasaare ku-xigeenkii hore iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fooziya Yuusuf Xaaji Aadan oo rejo-beel ka muujisay nidaamka dowladnimo iyo jiritaanka haykalka maamul ee Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay inuu yahay waddanka kaliya ee aanay dadkiisu gacanta ku haynin aayo-ka-talintiisa iyo gaadhista go’aamada aasaaska u ah jiritaankiisa.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo dalliishanaysa waayo-aragnimada ay u leedahay siyaasadda beesha Caalamku kula dhaqanto Soomaaliya maadaama ay hore u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda xilligii madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa ay bannaanka soo dhigtay fadeexado ku gedaaman hab-dhaqan iyo siyaasad gaar ah oo beesha caalamku u jidaysay in lagu hoggaamiyo dalkaasi Soomaaliya.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxa ay sheegtay in majaraha siyaasadda Soomaaliya ay diyaariyeen isla markaana ay soo jaan-gooyaan shaqsiyaad ajaanib ah oo loo xil-saaray, kuwaas oo ay xustay in fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxa kale oo ay xustay in siyaasadda Soomaaliya lagu hoggaamiyo laga soo dheegay Cutubka Toddobaad (Chapter 7) ee dastuurka Qaramada Midoobay oo sida ay sheegtay ka dhigan inaanay Soomaaliya ahayn waddan madax-bannaan, kaas oo burinaya isla markaana ka hor imanaya Dastuurka dalkaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net