Dr Maxamed Fadal oo Iska Casilay Xilkii iyo Xubinimadii uu ka hayey Xisbiga Waddani iyo Sababta ka dambaysa

Hargeysa (SLpost)- Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayey xisbigaas oo muddooyinkii u dambeeyey uu ka mid ah xubnaha udub-dhexaadka u ahaa dhaq-dhaqaaqyada mucaaradnimo ee xisbigu ku hayo xukuumadda Siilaanyo.

DR FADALSida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga Mucaaradka ee Waddani, Dr Fadal waxa uu is-casilaaddiisa ku shaaciyey qoraal uu u gudbiyey madaxda xisbiga, waxa uu is-casilaaddiisa ku sababeeyey inay la xidhiidho Arrimo shakhsi ah oo uu xusay inay saamayn ku yeesheen hawlihii iyo masuuliyaddii uu xisbiga u hayay. Balse waxa uu meesha ka saaray inay jiraan wax khilaaf ah oo uu shaqada iyo xubinimada xisbiga uga tagay.

Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa ka mid ah siyaasiyiiinta Xisbiga ugu cad-cad dhinaca mucaaraddada ee inta badan ka hadli kari dhaliilaha xukuumadda, haseyeeshee lama garanayo nooca shaqada ka mashquulisay hawlihi uu xisbiga ka qabanayey, inuu noqon doono siyaasi madax-bannaan iyo inuu isaga baxo saaxadda siyaasadda.

SOMALILANDPOST.NET