Dr. Maxamed Cabdillaahi Oo Ka Hadlay Saamaynta Iyo Dhaawaca Uu Bixitaanka Midowga Yurub Ku Keeni Karo Somaliland Iyo Saddex Qodob Oo Uu Madaxweynaha Kula Taliyay

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamig ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa go’aanka ay Midowga Yurub ku xidhayaan xafiiskooda Hargeysa ku tilmaamay mid ay hoos ugu dhigayaan ahmiyadii ay siin jireen Somaliland, waxaanu ku macneeyay talaabo u muuqata inay horudhac u tahay qorsheyaal cusub oo uu Midowga Yurub ku waajahayo Somaliland.

20130326042017-266x300

Dr. Maxamed Cabdillaahi, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya waraysi siiyay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in xafiiska Midowga Yurub uu hadda xaruntiisa ka dhiganayo magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya halkaas oo ay doonayaan inay Somaliland-na ka maamulaan.

Dr. Cumar, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo kula taliyay saddex qodob oo uu ku waajihi karo siyaasadda dibadda Somaliland. Waraysigaas oo uu Maxamed Cabdillaahi sidoo kale xisbiyada qaranka ugu baaqay inay arrinta Midowga Yurub ku waajahaan midnimo, wuxuu u dhacay sidan:

Sideed u aragtaa siyaasadda cusub ee ay Midowga Yurub kaga guurayaan xafiiskooda Hargeysa oo ay kaga tagayaan laba qof oo shaqaale ah oo iyagana la gaynayo xafiis kale?

Waxaan u arkaa go’aanka Midawga Yurub ee la xidhiidha xafiiskoodii  Somaliland mid hoos  u dhigaya ( down grading) muhimaddii  ay siin jireen Somaliland, waxaana muuqata  in talaabadani ay horudhac u tahay qorshayaal  cusub oo ay leeyihiin oo ku wajahan  Somaliland.

Midawga yurub wuxuu ka  mid yahay deeq bixiyayaasha ugu cimriga dheer  ee Somaliland la soo shaqeeyay, xafiis muuqdana ku lahaa. Maqnaanshiisu  wuxuu muujinayaa  isbedel siyaasadeed oo ka socda xagga Midawga Yurub.

Maxaad filaysaa inay siyaasadan cusub ee Midowga Yurub keentay, maxayse saamayn ku yeelanaysaa Somaliland?

Xafiska Midawga Yurub ee qaabilsan Somaliya wuxuu hadda xaruntiisa ka dhiganayaa Mogadisha, waxaana muuqato in hawlihiisa Somaliland halkaa lagu wado in laga maamulo.

Miyaad aaminsantahay inay dhaqaale xumo ku qasabtay go’aankan midowga Yurub mise sida ay dad badani aaminsayihiin waa siyaasad ka dhalatay muddo kordhinta guurtida oo ay beesha caalamka ee Somaliland taageertaa ka soo horjeedsatay?

Ma qabo in ay dhaqaale yaraani kaliftay  go’aankan ay qaateen, waayo lacag  badan oo  shaqaale dhimid iyo xafiis xidhid  ugu badbaadaysaa  ma jirto. Go’aankii Guurtidu ee khilaafsanaa heshiiskii saddexda xisbina inkastoo uu ka cadhaysiisay haddana ma keeni karo isbedelkan intaa le’eg, waayo beesha caalamku  intooda badan way ka boodeen arrinka Guurtida. Go’aankan Midawga Yurub  wuxuu ka turjumaysaa qorshe  iyo isbedel siyaasadeed oo cusub oo ku waajahan  Somaliland.

Waxaan u soo jeedinayaa xukuumadda iyo xisbiyada  qaranku inay ku baraarugaan isbedeladan  oo aan la siyaasadayn lagana wada hawlgalo waayo waxay yeelan karaan saamayn  siyaasadeed  oo baahsan.

Maxaad u soo jeedinaysaa Madaxweyne Siilaanyo oo dhinaca siyaasadda dibadda ah maadaama oo aad wakhti dheer ahayd wasiirka khaarajiga.?

Dhinac siyaasadda Dibadda waxaan Madaxwaynaha u soo jeedinayaa saddex arrimood oo muhiim ah. Kaw, waa in fariimaha xukuumadda ee ku waajahan  beesha  caalamku  ay ka soo baxaan meel kaliya  (Wasaaradda Khaarijiga) iyagoo urursan, kana turjumaan mawqif kaliya. Hadda waxaa soo gaadha diblomaasiyiinta caalamka fikrado kale duwan oo iskhilaafsan oo aan soo marin wasaradda khaarijiga, kana turjumayn Madaxwaynaha siyaasaddiisa, arrintaasi may dhici jirin barigii hore, waxaan ku talinayaa  in la joojiyo.

Labo,  in xoogga la saaro Kiiniya  oo ah halka beesha caalamku ka ma’amusho  Somaliland, xafiiskii Somalilandna dib loo soo  celiyo. Safiirka cusub wuxuu bilaabay hindisayaal fiican oo u baahan in la taageero oo la dhiso.

Saddex,  in Xisbul  xaakimku door muuqda oo kaabaya xukuumadda ka qaato wada shaqayn ta beesha  caalamka.

Xigash Geeska Afrika