Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Howard University iyo Nuxurka Kulamo uu la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka

Washington (SLpost)­- Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed C/llahi Cumar oo in mudo ah ku joogay socdaal Diplomaasiyadeed Cariga Maraykanka ayaa Kulamadiisii ku soo gabo-gabeeyey Muxaadaro uu ka jeediyey Jaamacadda Howard University oo ah Jaamacada ugu wayn ee African Amerikan-ku leeyihiin, kulankaas waxaa ka soo qayb galay Bareyaal sare iyo Ardayda iyo dadwayne kale oo xiiseeya Arrimaha Somaliland.

Dadkii Madashaasi ka soo qayb-galay ayaa wax badan ka bartay Jamhuuriyada Somaliland iyo Guulaha ay ka gaadhay Dhismaha Dawladnimo iyo Horumarka ay ka gaadhay dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabadgalyada iyo Iskaashiga Caalamiga ahba.

Jaamacada Howard ayaa iyana dhinaceeda balan qaaday inay la shaqaynayso Jamhuuriyadda Somaliland waxayna sheegtay inay ogolaatay laba arday oo diyaarinaya Shahaadada sare ee PHD in ay ku takhasusaan barashada Wadanka Somaliland.

Dhinaca kale Wasiirku waxa uu kula kulmay Jaaliyada Somaliland ee Washington DC, Shirkan oo ay Jaaliyadu ku xogwaraysatay Wasiirka ayaa taabanayay Xaalada wadanka, guulaha iyo Dhibaatooyinka jiraba, waxaaanu wasiirku uga xog waramay ujeedada Safarkiisa uu ku yimid Maraykanka.

Safarkan Wasiirku ku tagay Cariga Maraykan ayaa ahaa kii ugu horeeyey inta xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hogaamiyo  xilka ay haysay, waxaanu qayb ka yahay Dadaalka ay Xukuumadu ugu jirto ka midho dhalinta Himilada Shacabka Somaliland iyo Xaqiijinta Ictiraaf buuxa oo ay Jamhuuriyada Somaliland ka hesho Quruumaha Aduunka.

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Maraykanka.
Rashid Nur