Dr Garry Miller: Baadarigii Kitaabka Quraanku Qanciyey

Dr Garry Miller: Baadarigii Kitaabka Quraanku Qanciyey Waa khabiir u dhashay dalka Kanada (Canada) ee waqooyiga qaaradda Ameerika, aqoon fogna u leh cilmiga xisaabta loojiga (Logics). Waa wadaad Kiristaanka fidiya oo aad ugu adeega in Kiristaanku meel fog gaadho. Waxa uu doodo adag la gali jiray wadaada amma khubarada Islaamka. Wuxuu ka mid ahaa ragga ugu adag ee aadka uga horyimaad culimada muslimka oo ay jilbaha is-daraan doodaha. Ninka aan ka hadlaynaaa waa Prefessor Gary Miller oo Jaamacadda Toronto University caan ka ahaa, wuxuunna hayaankiisa bilaabay 1977-kii si uu u ogaado Islaamka, khaladaadna ugu helo. Wuxuu aad u jeclaa xisaabta, waana sababta keentay inuu aad u jeclaado macquuliyada waxyaabaha ku dhisan Logic) iyo ka fikirkooda. Waxa uu go’aan ku gaadhay inuu akhristo Quraanka. Dan iyo muraad toona kama uu lahayn wanaagga ku jira, balse wuxuu doonayey inuu khaladaad iyo xumaan u raadiyo si uu dadka Muslimka ah ugu qanciyo in ay Kiristaanka ku biiraan. Maankiisa waxa ku jiray in Qur’aanku yahay buug qadiimi ah oo qarniyo badan ka hor la qoray. Buug ka hadla saxaraha Carabta iyo waxyaabo la halmaala. Cajiib waxa ku noqotay iyo u qaadan waa waxyaabaha uu ka helay. Waxa uu kala kulmay Qur’aanka waxyaabo aan buuggaagta kale ee dunida ka jira ku tilmaanayn. Waxa uu markii hore raadinayey inuu kala kulmi doono noloshii adkayd ee Nebi Muxamed (NNKHA) soo maray sida dhimashadii xaaskiisa Khadiija amma dhimashada wiilashiisii amma hablihiisii. Sidaa darteed, waxyaabahaas kama uu helin. Waxa uu la jaha-wareeray inuu Qur’aanka ku arko suurad dhan oo Maryam ka warramaysa qiimaheedii iyo waliba ixtiraam badan u muujinaysa, kaas oo aan xataa kitaabka Kiristanka ee Bibile ku qornayn. Waxa maskaxdiisa ka guuxday sababmaa suurad kaliya oo Quraanka ah loogu magac dari waayey ‘Faadima Rasuul” amma xaaskiisii Caa’isha. Maskaxdiisa oo su’aalo badan isu dirtay ayaa waxa kaga daba yimi markii uu Quraanka ka helay Nebi Ciise (NNKHA) oo kitaabka 25 jeer lagu xusay, halka Magaca Nebi Maxamed lagu xusay 4 jeer oo keliya. Arrintu way uga dartay. Baahinta Maankaab.com Waxa halkaas uga bilaabmay safarkiisii akhriska Qur’aanka iyo fahmidda macnahiisa, laakiin wali wuxuu ku adkaysanayey inuu ka helayo khaladaad. Waxa ammakaag ku noqotay oo uu fajac iyo yaab galay markii uu Quraanka ka helay aayadda 8aad ee Suuratu Al Nisa. “Quraanka miyey u tixgeliyaan si taxadir ku jiro? Ma Ilaahay cid aan ahayn buu ka yimi? Waxa ay ka heli doonaan hubaal wax badan.” “Mabaadiida ugu caansan ee sayniska waa mabda’a helida khaladka amma raadinta khaladka aragtiyaha cilmiga (Theory) ku jira ilaa inta laga caddaynayo in ay sax tahay (Mabda’a beenaynta (Falsification test). Wuxuu ahaa cajiibka ah in Quraanku Muslimiinta iyo kuwa aan rumaynba waydiinayo inay isku dayaan in ay khalad ka helaan kitaabka, waxaannu u sheegayaa in aanay waligood helayn, waxaannu odhanaya khalad wuu ka madhan yahay, balse Quraan waxa uu idiin sheegayaa in aan khalad ku jirin, isla markaana aad u raadisaan, maxaad uga heli waydeen?” ayuu yidhi Dr. Miller. Sidoo kale, Dr. Miller oo baadhitaankiisa sii waday waxa soo jiitay aayadda 30aad ee Surat Al Anbiya; “Miyaanay kuwa aan muuminiinta ahayn arkayn in samada iyo dhulku ay mid ahaayeen (Hal unug oo abuur ah noqonayaan), ka hor intii aanaan kala saarin? Waxa aannu noole kasta ka abuurnay biyo. Miyaanay rumaysnayn?” Waxa ay cajiib ku noqotay in aayaddan ay is-waafaqeen cilmi-baadhis saynis oo ku guulaystay billad Noble Prize ah sannadkii 1973kii, taasoo ku saabsanayd “Aragtida kala dhambalanka dhulka” (Great Explosion). Aragtidani waxa ay odhanaysaa in dhulka amma kownku kala dhacay, taasina keentay in dunidu abuuranto oo cir iyo dhul kala noqoto Xaqu waa jid toosan, Alle marka uu kugu hannuuninayo adiga ayaa lugahaaga ku koraya haddii aad kaafir ahayd xataa. Haddaba, ninka Dr. Miller ee ku dhiirraday qodqodista xumaan uu ka raadinayey islaamka, waxa uu ku dhacay jid uga jawaabay su’aalo intii uu aqoonta maadiga ah iyo ta Kiristaanka baranayey aannu jawaab u helin. “Shaydaanna arrintan daaha kama qaadin, xataa mana awoodaan in ay soo saaraan amma sheegaanba. Xaqiiqdii xataa looma oggolaan fursad ay ku maqli karaan.” (26:210-212) oo ah suuradda Al-shucaraa iyo aayadda 98aad ee suuratul Alnaxal oo odhanaysa, “Marka aad akhriyeyso Quraanka, Alle ka hoos-gal shaydaanka la naaray,” (16:98).” Aayaddani waxa ay ka mid Baahinta Maankaab.com ahaayeen kuwa ka yaabiyey Dr. Miller intii uu baadhayey Qur’aanka oo uu ka ogaaday sida Alle ula hadlay Nebi Muxamed (NNKHA), isla markaana meesha uga baxday khurafaadkii sheegi jiray in Nebiga ay qolooyin amma shadaadiin wax u sheegaan. Waxa maskaxdiisa markiiba isu dirtay su’aallo; Waad aragtaa? Habkan ma hab khurafaad oo buug loo qori karaa? Sidee ayuu u qori karaa buug kuu sheegaya in aad Alle ka hoos gasho shaydaanka ka hor inta aanad Quraanka akhriyin? Waa aayado cajiib ah oo buug cajiiba ku qoran, una jawaabaya caqliyada odhanaysa shaydaan bay ka yimaadeen,” ayuu iskula shawray ninkan baadhitaanka sameeyey. Dr. Miller waxa kaloo uu aad ula yaabay qisooyinka dhexmaray Nebiga (NNKHA) iyo Abu Lahab, waxaannu yidhi; “Ninkan (Abu Lahab) Islaamka necbaa, daba socda Nebiga meel kasta oo uu tago si uu u bahdilo. Haddii uu arko Nebiga oo la hadlaya dad ajenebi ah wuu sugi jiray ilaa intuu dhammaynayo, kadibna wuxuu waydiin jiray; Muxamed muxuu idiin sheegay? Haddii uu yidhi waa caddaan, isaguna wuxuu odhan jiray waa beentiiye waa madaw, haddii uu waa habeen yidhaana, waxa uu odhan jiray waa maalin. Waxa uu uga dan lahaa inuu ka been-abuuro Nebiga, dadkana wahalaahaw ku abuuro.” Intaa ma ay qancin, balse waxa cajabisay Suurada Al Masad oo 10 sanno ka hor intii aanu Abu Lahab dhiman Rasuulka ku soo degtay, siina sheegtay in Abu Lahab naarta galayo, una caddaysay Nebiga in aannu islaam noqonayn, halka Abu Lahab ka yidhi; “Muxamed waxa uu sheegay in aanan Muslim noqonayn, cadaabtana aan gelayo, balse waxaan kuu sheegayaa imminka in aan Islaam noqday. Hadda Muxamed maxaad u malaynaysaa? Ma run buu sheegayaa? Waxa uu idiin sheegay ma Allu ka yimi.” Dr. Miller waxa uu ogaaday in Abu Lahab sidaa u sameeyey sidii uu u khilaafi lahaa Nebiga, muddadii 10 sanno ah ee uu soo noolaana muu noqon Muslim. Waxa uu Dr. Miller ogaaday in kelmadahaas aanay ahayn qaar Nebigu yidhi, laakiin ay ahaayeen kelmado Alle ka yimi oo cid beddelaysaa aanay jirin. Ninka la yidhaah Dr. Miller, waxa dhakafaar ku riday sida Nebi Muxamed ku ogaaday in suuraddu caddaynayso hadalka Abu Lahab runnimadiisa. Waxa halkaas uga caddaatay in Qur’aanku yahay hadal Alle ka yimi, isla markaana Nebiga lagu ilhaamiyey Qur’aanka. Wuu soo dabcay, waxaanad moodaysay in qalbigiisu qoyayey, waxna uu fahmayey, balse haddana wuxuu ku adkaa bal inuu Qur’aanka daliil uun ka helo oo uu baadhitaanka sii wado. Aragtiyo badan oo falsafaduhu sheegaan amma niman badan sheegtaan in ay soo saareen ayuu Dr. Miller Qur’aanka ku arkay, waliba Qur’aanka oo ka horreeyey raggaas, waxana ka mid ah in Qur’aanku sheegay in aan mustaqbalka waxba laga garan karin, bani’aadamkuna aanay saadalin karin, halka aragtida beenayda amma “Falsification Test” ay u yaqaanaan sheegto in shaydada la baadho ilaa la ogaanayo in shaydaas ay sax yihiin. Tusaale, ahaan Bal u fiirso waxa Qur’aanku ku yidhi xidhiidhka Muslimka iyo Yuhuudda ka dhexeeya; Qur’aanku waxa uu sheegay in Yuhuudu yihiin cadawga ugu weyn ee Muslimiinta, taasina Baahinta Maankaab.com waxay noqotay mid Miller u caddaatay, maadaama waqtigan Yuhuuddu yihiin cadawga ugu weyn ee Muslimka. Waxa cajiib sii noqotay in Dr. Miller in si munaafaqnimo ah Yuhuuddu ay u waxyeelleeyaan Muslimka, Qur’aankuna sheegay. “Waxa aannu idiinla dhaqanaa si saaxiibtinimo leh, Quraankuna wuxuu sheegay in aan cadawgiina nahay, Quraanka khaldan mala, laakiin ma ay dhicin arrintan 1400 sannno intii lagu guda jiray, mana dhici doonto. Kuwani wa kelmado ka yimi qof garanaya wax aan la arki karin( Alle), mana aha kelmado bani’aadam,” ayuu Dr.Miller oo kolba dhinac mawjadda fahamka Quraanku ula kacaysay, lana taag darnaa beeninta Quraanka yidhi. Dr. Miller oo Kiristaan ah waxa uu la yaabay sida aan Quraanku ugu tilmaamin inay cadawgooda koowaad yihiin Muslimiinta, isla markaana islaamku u yihiin dad Yuhuudda ay cadawnimo ka dhexayso, taasi waxay keentay in ay is dhinto colaaddii uu Muslimka u qabay. Dr. Miller markii uu saynis, aragtiyo falsafadeed oo aan bani’aadamku keeni karin iyo waliba aqoon ka xeel dheer maskaxdiisa ku arkay Qur’aanka waxay keentay inuu islaamo, baadhitaankii iyo xumaantii uu baadhista Quraanka ugu wadayna u horseeday in Alle ku hannuuniyo jidka toosan. “Waxa shaki ku gelinayaa kuma jiro. Waxa aad ku arkaysaa waxyaabo cajiib ah Quraanka, cid gaar ah uma jeedo, waxa uu ku siinayaa macluumaadka aad u baahan tahay oo dhan, waxaannu kuu sheegayaa waxaanad hore u aqoon. Tusaale ahaan, waxa uu ku tusayaa wax qayb ah oo Nebiga lagu ilhaamiyey inuu arko. Waxaad ku arkaysaa sida loo jeclaa Maryam (Nebi Ciise hooyadii Alle raalli ha ka ahaadee),” ayuu yidhi Dr. Miller. Dr. Miller waxa kale oo uu rumaystay xadiisyada iyo hadalladii nebiga ee asaxaabtiisu ka soo werinaayeen, sababtoo ah waxa uu ku qancay Quraanka, kadib markii uu daliil u waayey, kuna arkay waxyaabo aad uga yaabiyey oo dunida xaqiiqdeeda ka warramaya oo aannu ku arag Bible-ka. Prof. Miller waxa uu sannadkii 1977 dood adag la galay intii aanu Muslimin caalim Axmed Deedat, waqtigaas waxa doodiisu ku salaysnayd caqlaaniyad amma caqliga, waxaanay dad badan waqtigaas dareemeen in Miller aannu fogayn oo Islaamku cajabin doono haddii uu baadhitaan ku sameeyo. Sidaa darteed, sannadkii 1978kii ayuu diinta Islaamka qaatay, isla markaana magaciisii u beddelay Abdul-ahad. Waxa uu shaqo ka bilaabay oo uu muddo ka shaqaynayey wixii intaa ka dambeeyey Jaamacadda Oil and Minerals University (Jaamacadda Saliidda iyo Macdanta) ee Sucuudiga, wixii intaa ka dambeeyeyna waxa uu noqday caalim dacwadda islaamka fidiya oo yelefishannada ka baahiya barnaamijyo iyo muxaadirooyin aad u qiimo badan. Alle jidka toosan ha inagu wada hannuuniyee waxa uu noqday nin sabab u noqda in dad badan soo islaamaan.

W/T: Ibraahim Khadar Siciid

Xigasho Shabkada  Maankaab