Dr Gabboose oo Shaaciyey inuu ka fadhiistay Xirfadda Dhakhtarnimo iyo Siyaasadda

Hargeysa (SLpost)- Dr Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa shaaciyey inuu ka fadhiistay mihnaddii dhakhtarnimo iyo Siyaasadda oo uu muddo badan ku jiray isla markaana wixii hadda ka dambeeya uu isugu biyo-shuban doono hawlaha samafalka iyo ka-shaqaynta arrimaha Diinta.

Dr Gabbose oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu sheegay inuu isaga baxay siyaasadda oo Dhowr iyo Labaatankii sannno ee u dambeeyey ku jiray iyo xirfadda dhakhtarnimo oo uu muddo nusqarni ku dhow ku hawl gali jiray.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Dr Gabboose

“Waxaan ku qancay in wixii hadda ka danbeeya aan u soo jeedsado hawlaha samafalka, diinta iyo ka warqabka caruurta, waxaan go’aansaday inaan ka fadhiisto dhakhtarnimadii aan muddada dheer ku soo jiiray, iyo sidoo kale siyaasadiii aan mudda dheer ku soo jiray ayaan iyadana ka fadhiistay,” Sidaas ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdi Gabboose.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net