Dr. Axmed Xaashi Oday oo ka hadlay Sababaha Xilka looga Qaaday iyo Hawlaha uu Qabanyayo ee u Qorshaysan

Hargeysa, 14 March, 2012 (SLpost) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Nuur (Oday), oo ka mid ahaa raxan Wasiirro ah oo uu Madaxweynaha Somaliland subaxnimadii hore ee maanta xilka digreeto Madaxweyne kaga qaaday, ayaa caawa ka hadlay sababaha keenay xilka qaadistiisa iyo waxyaabaha u qorshaysan.

Axmed Xaashi Oday, waxa uu sheegay inaanu wakhtigan la socon wax khilaaf ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirradii uu ka midka ahaa ee xilka laga qaaday maanta, isla markaana waxa uu sheegay inuu Buugga Xil-wareejinta Wasaaradda uu xilkeeda hayn jiray inuu u gudbiyey masuulka la yidhi ku wareeji oo ah Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire.

Wasiirkii hore ee Boosaha Axmed Xaashi oo ka hadlaya sida uu u arko xil-ka-qaadistiisa, waxa uu yidhi; “Horta anigu waxaan u arkaa wax caadiya sababtoo ah carradan meelkasta oo uu ka jiro maamul dawliya ka dhaca, Wasiirna waa la magacabaa Wasiirna xilka ayaa laga qadaa, Madaxweyne ayaa doorashada laga helaa mid kale ayaa yimaadda.”

Axmed Xaashi oo la weydiiyey inuu jiray wax khilaafa oo u dhexeeyey Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirrada la eryey ee isagu ka midka yahay, waxa uu ku jawaabay; “Runtii kollay wareegtada way jirtaa inkasta oo anigu aanan furin waraaqda waxaan dhagaystay Idaacadda saaka dadkaa  ila midka ah ee xilka laga qaaday mid qudha ismaannu arag, shirarkii isugu kayo-danbeeyay wax khilafaad ah iyo wax arrin ah oo taagan maannu ku kala tagin. Laakiin, anigu waxaan u arkaa wax caadiya, waayo maanta xilka waa laguu magacaabi karaa Berritana waa lagaa qaadi karaa. Horta meesha sacaddaadu ay ku dhammaato hawshu way iska xidhmaysaa dawladahana marba ciddii la doono ayaa la magacabaa oo intan in leeg ayaa hore loo magacabay oo qaar kale ayaa la eryi doonaa. Markaa, anigu waxaan u arkaa wax caadiya.”

 “Horta, Wasiirrada iyo Madaxweynuhu waa kala laba, haddii Wasiir iyo Wasiir ku-xigeen uu khilaaf u dhaxeeyo xilka lagama qaadi karo, laakiin Madexweynaha iyo Wasiirradda khilaaf ka dhexeeya ma ogi, taa qudheeda inkasta oo aan cid la magacaabin cidda aan ku wareejinaayo waxay ku qornayd wareegtada oo waa la sheegay, waxaana la yidhi Wasiirka qorshaynta ku wareeji. Wasiirkiina Maantaba waan ku wareejiyey oo Buuggii xil-wareejintana waan siiyey oo waxa uu yidhi waan soo akhrisanayaa, markaa Berriito  ayey dhammanaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Oday oo maanta u warramay Laanta Afka Soomaaliga ku hadasha ee Idaacadda VOA.

Axmed Xaashi Oday oo wax laga weydiiyey waxa u qorshaysan inuu sameeyo mustaqbalka, maaddaama oo xilkii Wasiirnimo laga qaaday, waxa uu yidhi; “Horta Siyaasadda iyo xirfaddaada labada-ba waa la wadayaa, laakiin anigu asalkaba aniga oo Siyaasadda ka soo galay xirfadda Dhakhtarnimo oo waxaan ahay Dhakhtarka kaliya ee Xoolo leh ee ay ku dhaqan yihiin magaalada agteeda oo wax soo saarkisii magaalada ka iibiya, Hudheelada waaweyn oo dhan waxa lagu iibiyaa Caanaha Geelayga, hawshayda gacanta kala bixi-maayo. Annaga markii hore ee nala magacaabay waxaannu ahayn Xisbiga Kulmiye kuwa immika la magacaabay qaar Xisbiga ah iyo qaar aan ahayn-ba way isugu jiraan.”

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland