Dr Anthony Fauci oo Laga Helay Cudurka Covid-19

 

Washington (SLpost)- La-taliyaha Arrimaha Caafimaadka ee Madaxweynaha Maraykanka ahna Agaasimaha Macadka Daraaseynta Cudurrada Faafa, Dr Anthony Fauci, ayaa Arbaca maanta laga helay astaamaha cudurka Covid-19, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Macadka NIAID.

Dr Fauci oo 81-jir ah ayaa la sheegay inuu leeyahay asxaamaha xannuunka oo meel-dhexaad ah, xaaaladdiisa caafimaadna lagula tacaalayo daawooyin heerkoodu sarreeyo oo lagula tacaalo caabuqa Coronavirus.

Dr Fauci ayaa lagu waday inuu Khamiista Berri hortago guddi-hosaadka arrimaha caafimaadka iyo tacliinta ee Golaha Senate-ka Maraykanka si uu warbixin uga siiyo heerka wax-qabad ee dowladda dalkaasi kaga hortagtay faafitaanka cudurka Covid-19 iyo qorsheyaasha loo dejiyey in lagu xakameeyo cudurka.

Dr Anthony Fauci oo noqonaya ninkii ugu sarreeyey culimada Caafimaadka Maraykanka ee Xannuunka laga helo, ayaa astaamaha Covid-19 ka soo muuqdeen xilli la filayey inuu yaraaday ama is-dhimay xawaaraha faafitaanka cudurka, waxaanay tani soo noolaysay inay wali dunida ka jirta halista cudurka Covid-19.

Macadka daraasaadka iyo xakameynta Cudurrada Faafa ee Maraykanka oo Dr Anthony agaasime ka yahay, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay inaanu jirin wax kulan ah oo muddooyinkii u dambeeyey dhexmaray madaxweynaha Maraykanka iyo La-taliyihiisa Arrimaha Caafimaadka.

Dr Fauci ayaa xilka Agaasimaha Macadka Macadka daraasaadka iyo xakameynta Cudurrada Faafa ee Maraykanka loo magacaabay sannadkii 1984-kii, waxaanu la-taliye Caafimaad u noqday Toddoba Madaxweyne oo Maraykanka soo maray illaa xilligaas.

Dr Fauci ayaa ku soo biiray liiska masuuliyiin ka tirsan maamulka madaxweyne Biden oo laga helay cudurka Covid-19, waxaana hore looga helay La-taliyaha madaxweynaha Maraykanka ee Siyaasadda Gudaha Susan Rice, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Merrick Garland, madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Kamala Harris iyo Wasiirka Ganacsiga Gina Raimondo.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net