Dowladda Taiwan oo Gargaar hor leh soo gaadhsiisay Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Garoonka diyaaradaha Egal International Airport ee magaalada Hargeysa, waxa Axaddii shalay ka soo dagay diyaarad sidday gargaar daawooyin ah oo ay Somaliland ugu deeqday Dowladda Taiwan.

Ma jiro war arrintan ku saabsan oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland, balse Dowladda Taiwan, ayaa sheegtay inay Somaliland gaadhsiisay 150,000 xidhmo tallaalka COVID-19 ee Medigen oo lagu farsameeyey Gudaha dalkaas.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan, ayaa lagu sheegay in Axaddii shalay magaalada Hargeysa la gaadhsiiyey 150,000 xidhooyin tallaalka Medigen, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi iyo Wakiilka Dowladda Taiwan ee Hargeysa, Allen Lou.

“Iyadoo laga duulayo qiyamka aanu wadaagno ee Dimuqraadiyadda iyo Xoriyadda, dowladda Taiwan waxay sii wadi doontaa xoojinta xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya labada waddan, waxaananu si wada-jir ah ula dagaalamaynaa masiibadan caalamiga ah,” sidaa waxa lagu yidhi war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan.

Tallaalka Medigen ayaa ilaa hadda haysta aqoonsi caalami ah oo xaddigan, balse waxa taageero weyn u muujiyey dowladda Taiwan oo maalgelisay samayntiisa maadaama waddankaasi ka war-warsan yahay in dalka Shiinuhu caqabad ku noqdo soo-iibsiga tallaalka Covid-19.

Masuuliyiinta dowladda Taiwan oo ay ugu horeyso madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa qaatay tallaalka Medigen si ay kalsooni u siiyaan una dhiirrigeliyaan shacabka Dalkaas.

Dowladda Taiwan ayaa ballan-qaadka gargaarkan hore ugu shaacisay Kulan bishii December 2021-kii Hargeysa ku dhexmaray Wasiirka Caafimaadka Somalilad Xasan Maxamed Gaafaadhi iyo Safiirka Taiwan u fadhiya Hargeysa Danjire Allen Lou.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net