Dowladda Taiwan oo $500,000 Ugu Yaboohay Dib-u-Dhiska Suuqa Waaheen

Taipei (SLpost)- Dowladda Taiwan, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ugu deeqday $500,000 si ay qayb uga noqoto gurmadka dhaqaale ee lagu taakuleynayo Ganacsatada Xoolahooda ku waayey Suuqa Waaheen oo gubtay horaantii bishan.

Sida ay maanta ku shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan, qaadhaankan lacageed ayaa loogu tala-galay in gargaar bani’aadamnimo loogu fidinayo dhibbaneyaasha uu saamaynta ku yeeshay dabka ka kacay suuqa ugu weyn Somaliland ee Waaheen.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Joanne Ou, ayaa sheegtay in dowladda Somaliland soo dhaweysay deeqda lacageed isla markaana ay sheegtay inay munaasibad ballaadhan u qabanayso la wareegista deeqda lacageed ee dowladda Taiwan.

Waxa ay afhayeenku sheegtay inay dowladdoodu ka shaqaynayso sidii ay dowladaha Caalamku uga caawin lahaayeen Somaliland dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

Guddiga heer Qaran ee Taakuleynta Suuqa Waaheen oo qiimayn hordhac ah soo saaray, ayaa sheegay in dabku ka kacay Suuqu uu sababay khasaare gaadhaya $2 Bilyan.

Dowladda Taiwan ayaa si weyn uga qayb-qaadata taakulooyinka iyo gargaarka ay dalalka Caalamku siiyaan Somaliland tan iyo markii xidhiidh labada waddan si toos ah u taabbagalay sannadkii 2020-kii oo ay is-weydaarsadeen xafiisyo dublomasiyeed oo laga furay caasimadaha Hargeysa iyo Taipei.

Dowladda Taiwan, ayaa sidan oo kale uga qayb-qaadatay gurmadka Abaaro baahsan oo badhtmaha sannadkii hore ilaa horaantii sannadkan ku dhuftay Somaliland, waxaanay dowladda Taiwan ku wareejisay Xukuumadda lacag dhan Nus Milyan Dollar ($500,000).

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net