Dowladda Sucuudiga Oo War Cusub Ka Soo Saaray Gudashada Waajibaadka Xajka

Maka (SLpost)- Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa war ay maanta soo saartay oo ku socda Muslimiinta Caalamka ku sheegtay in xayiraadda laga qaaday tirada xujaajta gudan jirtay waajibaadka Xajka oo la dhimay labadii sanno ee u dambeeyey.

Dawladda Sucuudiga waxa ay sheegtay in gudashada Xajku ku soo noqday sidii uu ahaa ka hor intii aanu Caalamka kala xidhin Caabuqa Corona Virus, kadib markii uu laba sano sannadood in ka badan hoos loo dhigay tirada dadka u socdaalla Masjidka Baraykaysan ee Xaramka.

Waajibaadka Xajka oo ah Rugni Diini ah oo ku waajibinaya qof kasta oo Muslim ahi inuu ugu yaraan hal mar soo guto haddii uu awoodo, waxa sannad kasta isugu taga malaayiin muslimiin ah waxaanu ka mid yahay goobaha waaweyn caalamku ee la isugu yimaaddo.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee dalka Boqortooyada Sucuudiga Tawfif Bin Fawzan Al-Rabiah, ayaa maanta sheegay in wixii hadda ka dambeeyey magaalada Maka loo soo celiyay tiradii hore ee u tagi jiray gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo aanay jirin wax xayiraado ah oo la xidhiidha arrintaasi, sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Sucuudiga.

Warkan ayaa imanaya kadib muddo saddex sano ah oo dadka Xajka soo gudanayaa ay la kulmayeen xayiraado iyo tirada dadka loo oggol yahay waddan kasta oo la dhimay, taasoo sababtay inay dad badan oo awood u lahaa inay soo gutaan gudashada waajibaadka Xajka ay fursad u heli waayeen.

Somalilandpost.net