Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay wax heshiis ah oo Dekedda Berbera ku saabsan kala saxeexdeen Imaaraadka Carabta

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa beenisay inay dalka Imaaraadka ka wada-hadleen ama ay kala saxeexdeen heshiiska maalgeshiga ee dekedda Berbera, waxaanay sheegtay in xidhiidhka arrintaas ku saabsani ku kooban yahay oo kaliya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Laanta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa todobaadkan baahisay waraysi uu Wasiirul-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadku siiyey Laanta Carabiga ee Idaacaddaas oo tarjumaadda waraysigiisa soo qaadatay, kaas oo uu wasiirku ku sheegay inay dowladda Soomaaliya kala saxeexdeen heshiiska maalgeshi ee Dekedda Berbera iyo Saldhigga Milatari ee Imaaraadku ka samaysanayo garoonka diyaaradaha ee Berbera.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE