Maraykanka oo ku Qancay Jawaabta Wefti Xaqiiqo-raadin ah oo ay u soo direen Somaliland iyo Qorshaha Heshiisyo Miiska Saaran

Warbixin soo bandhigay Miisaanka ay lahaayeen Weftigii Somaliland ee Socdaalka ku tagay dalka Maraykanka

Washington (SLpost) – “Xilli uu Shiinuhu Afrika ku qarqiyey balaayiin doolar oo gargaar horumarineed ah, maalgashi ballaadhan oo horumairnta kaabayaal dhaqaalah ah, iyadoo waliba ay jirto hadal-haynta saldhig milatari oo cusub, waxa jira waddan oo Bariga Afrika ku yaalla oo Maraykanka diyaar ula ah Heshiis ay sheegeen inuu ka hortagi karo isballaadhinta Shiinaha, arrintaasina waxay sababtay in Congresska Maraykanku u soo joogsado,” Sidaas waxa lagu bilaabay warbixin ciwaan looga dhigay “Waddanka Yar ee Geeska Afrika ku yaalla ee Congress-ku u soo joogsaday,” taas oo laga diyaariyey natiijada ka soo baxday kulamo magaalada Washington ku dhexmaray masuuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka iyo Wefti ka socda Somaliland oo bishii hore safar shaqo ku tagay Dalkaas.

Warbixinta oo maanta lagu daabacay Majaladda Politico oo ka mid ah warbaahinta ugu saamaynta badan dalka Maraykanka ee khuseeya arrimaha siyaasadda, waxa lagu xusay in dowladda Maraykanku si weyn u soo dhawaysay qorshe-siyaasadeed oo weftiga Somaliland miiska u saareen dowladda Maraykanka, taas oo natiijada ka dhalatay sababtay in wefti Xaqiiqo-raadin ah oo ka socda Aqalka Congress-ku socdaal ku yimaaddaan Somaliland bishan December.

Warbixinta Majaladda Politico oo ka warramaysa natiijada safarka weftiga Somaliland ee gaadhay dalka Maraykanka, waxa lagu yidhi, “Bishii hore ee November 2021, wafti ka socda Somaliland oo ah dal aan wax xidhiidh ah la lahayn wadamada horumaray ee dunida, ayaa booqasho shaqo ku yimi Caasimada Maraykanka ee Washington D.C, waxayna dhex mushaaxeen Capitol Hill oo ay ku yaaliin badi xafiisyada looga taliyo dalka Maraykanka, waxay la fadhiisteen mudanayaasha 2-da aqal ee Senate ka iyo Congress ka, Madaxda Wasaaradaha Difaaca, Tamarta iyo Arimaha Dibada, waxa kale oo ay la kulmeen Gudida mihiimka ah ee Amniga Qaranka Maraykanka.

Waftiga Somaliland waxay soo bandhigeen, doodo macquul ah, bogcada juquraafi ee muhiimka ah ee ay Somaliland ku taalo iyo in ay leedahay dekeda ugu biyaha dheer gobolka, taasi oo shirkada caalamiga ah ee DP World ay ku maalgelisay adduun dhan $442 million oo lagu dhisay qayb cusub oo Xamuulka Containers ah. Dekedan Berbera waxay u ogolaanaysaa Ciidamada Badda (US Navy) awood ay ku ilaaliyaan Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika, taasi oo ah mid dhinaca Amniga u soo jiidanaysa Taliska Ciidanka Maraykanka ee AfricaCom oo saldhiggiisa Djibouti meel u dhow uu ku yaallo Saldhig Milatari oo Shiinuhu ku leeyahay,” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta ay qortay Politico.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Bashiir Goth oo warbixintani soo xiganayso, ayaa faahfaahiyey arrimaha ay dowladda Maraykanka kala hadleen, waxaanu u sheegay Politico, “Waxaanu Maraykanka u nimid in aanu tusno in aanu wada leenahay cadow kali ah  oo ah Shiinaha, qorshahayaga guudna uu yahay in aanu ku soo dhawaano Dimuquraadiyada iyo suuqa dhaqaale ee Maraykanka. Anagu waxaanu joojinaynaa is balaadhinta iyo saamaynta Shiinaha ee Geeska Afrika, waananu istaahilnaa taageerada Washington,” sidaas ayuu yidhi Bashiir Goth.

Waxa ay Majaladda Politico sheegtay in safarka dibloomaasiyeed ee Wefiga Somaliland ee uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL Dr Essa Keyd ku tagay Washington uu sababay Isbeddel saamayntiisa iyo sida uu Maraykanku u danaynayo Somaliland la dareemay toddobaadkii kaddib markii Somaliland booqasho ku tageen wefti ka kooban hawl-wadeenada Congress ka Maraykanka, kuwaas oo lagu tilmaamay inay yihiin weftigii ugu sarreeyey dowladda Maraykanka ee muddo 10 sano ah socdaal ku yimaadda Somaliland.

Piero Tozzi oo La-taliye Sharci u ah Xildhibaan Chiris Smith oo ka tirsan Golaha Senate ayaa warbaahinta Politico u sheegay in weftiga Dowladda Maraykanka oo xildhibaankani qayb laxaad leh ku lahaa imaanshiyahooda ay ku qanceen Qiimaha ay Somaliland u leedahay Maraykanka marka laga hadlayo loolanka ka dhexeeya Shiinaha iyo dagaalka Maraykanka ee lidka ku ah isbalaadhinta ama saamaynta Shiinaha ee Gobolka.

“Maadaama ay muuqato, shirqoolada daynka ah ee Shiinuhu uu siinayo Afrika, sida qaamaynta Djibouti iyo la wareegida garoonka diyaaradaha Entebbe ee Uganda,  si arimahaas looga jawaabo, Muhiimadda Somaliland leedahay ayaa si muuqata u kordhaysa,” Sidaas ayuuu Tozzi u sheegay warbaahinta Politico, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Anigu waxan rajaynayaa in Xukuumada Maraykanku toos ula xidhiidhi doonto Xukuumada fadhigeedu yahay Hargeisa, halkii ay ka soo mari lahayd Muqdisho, oo ay ku biiri doonto wadamadii marka horeba xidhiidhka dublamaasi ula yeeshay Somaliland oo ay ka mid yihiin United Kingdom, Ethiopia iyo UAE oo dhamaantood Wakiilo u fadhiyaan Hargeisa.”

Warbaahinta Politico oo sawir qiimayn ah ku samaynaysa hawl-galka dublaasiyeed ee ay ku tallaabsadeen Weftiga Somaliland oo ka koobnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Essa Keyd iyo Ergayga Khaaska ah ee Madaxweynaha Dr Edna Aadan,  waxa ay xustay in weftigu ku tallaabsaday galaangal dublamasi oo heerkiisu sareeyo markii ay booqdeen Aqalka Congress Maraykanka ee Capitol Hill bishii hore.

Waxa ay warbaahintani xustay in Wafdiga Somaliland ka codsadeen Xukuumada Maraykanka in ay ka saarto liiska heerka 4aad oo Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanku ku dartay Somaliland wadamada aan loo safri Karin, liiskaas oo ku jirto Soomaaliya oo ay halakeeyeen khilaafyo siyaasadeed, falal argagaxiso oo ay sheegeen inay sameeyeen kooxda argagixisada ah ee gacan saarka la leh al- Qaeda ee al-Shabab.

Waxa warbixinta lagu heegay in xildhibaan Chris Van Hollen oo ka tirsan Gudi-hoosaadka Xidhiidhka Arrimaha Dibada ee Africa u qaabilsan Aqalka Odayaasha Maraykanka uu sheegay in uu si buuxda ugu qanacsan yahay muhiimadda wayn ee Maraykanka ay u leedahay Dekeda Berbera.

“Wadankan go’doonka dublamasi ku jiraa waxa uu siinayaa Maraykanka fursad wajigabax ku ah dadaalada Shiinuhu ku doonayo in uu ku kharribo dhaqaalaha dunida,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Van Hollen oo la hadlay Politico.

Xildhibaan Van Hollen oo hadalkiisa, sii watay, waxa uu sheegay, “Aragtidayda, waxan qabaa in Maraykanku kor u qaado xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland, waxa aanu sugaynaa hadda waa xafiiska danaha Maraykanka oo laga furo Somaliland, kaasi oo noqonaya wakiil dublamasiyadeed iyo mid fulinaya arrimaah Ciidan Ciidan,” ayuu yidhi Mudane Van Hollen, waxaanu intaas ku daray, “Qaabka faa’iidada ganacsi ee Shiinahu u adeegsanayo danahiisa Qaarada, iyo xaqiiqada ah in Shiinuhu awoodiisa dhaqaale kula wareego wadamada Qaarada ayaa ka dhigaysa fursadan Somaliland mid Maraykanku ku balaadhinayo saamayntiisa dublamaasiyeed ee gobolka.”

Warbixinta Politico, waxa ay xustay in Weftiga Somaliland iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Maraykanka ay kulamo midho-dhal ah la yeesheen madax ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga, Golaha Qaran ee Ammaanka Maraykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Gargaarka dibadda u qaabilsan Maraykanka ee USAID.

Warku waxa uu intaas ku daray weftiga Somalilaland madaxda Maraykanka u bandhigeeen in waddankoodu leeyahay xeeb dhererkeedu yahay 530 miles oo ku fidsan Gacanka Cadmeed isla markaana ay noqon karto saaxiib cusub oo Washington ku yeelato Qaarada Afrika.

Warbixinta oo soo xiganaysa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Essa Kayd ayaa sheegay in ay Saraakiisha Xukuumada Maraykanka isku waafaqeen in la aasaaso qorshe (framework) seeska u dhigaya iskaashi dhexmara Maraykanka iyo Somaliland. Waxaana la sheegay in heshiiskaas ay ku jiri karaan in Hay’adda u Qaabilssn Maraykanka Kaalmada dibadda  ee USAID ay ka hawlgaliso Somaliland xafiiska isku-dubaridka kaalmada ee Gobolka iyo arrin aan wali shaaca laga qaadin oo ah in gudaha Somaliland ay ka hawlahaan Ciidamo Maraykan ah.

Warbaahinta Politico, waxa ay warbixintan ku soo gunaanadday inaanu jirin wax hadal oo ilaa hadda ka soo baxay Hayada Kaalmada Maraykanka ee USAID, Waaxda Difaaca iyo Waaxda Arimaha Dibada Maraykanka oo aanu midkoodna shaaca ka qaadin arrimaha ay isla qaateen wefdiga Somaliland, balse waxa ay dhamaantood caddeeyeen in ay danaynayaan kana shaqaynayaan sidii uu iskaashi labada dhinacba u ah loola yeelan lahaa Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net