Dowladda Jabuuti oo Ingiriiska dacwad kaga furtay Ganacsade ay hore wadankeeda uga mustaafurisay

Jabuuti (SLpost)- Xukuumadda jabuuti ayaa Maxkamada Ganacsiga ee magaalada London dacwad kaga oogtay Cabdiraxmaan Boore oo ah ganacsade reer Jabuuti ah oo mastaafuris ugu maqan dalalka Dibadda.

Cabdiraxmaan Boore oo  xilka gudoomiyaha maamulka dekadaha ka soo qabtay wadankiisa intii u dhaxaysay sanadihii 2003 ilaa 2008, ayaa Dowlada Jabuuti doonaysa in baadhis lagu sameeyo lacagaha maalqabeenkan ugu kaydsan bangiyada kala duwan ee caalamka, kuwaas oo ay ku doodayso inay kujiraan lacago isaga iyo shirkadihiisa gaarka ahi lunsadeen intii uu gudoomiyaha ka ahaa Maamulka dekedaha.

Boreh21“Waxaanu rumaysanahay in Mr. Boreh uu lunsaday hanti balaayiin dollar ah, taas oo ah faa’iidadii kasoo baxday mashaariic Djibouti laga hirgaliyey, kuna qarsaday xisaabo (accounts) uga furan Bangiyo badan oo dunida ah,” sidaa waxa yidhi Hantidhawraha guud ee qaranka Djibouti, Xassan Ciise Suldan.

Mr Boore oo imika degan magaalada London, ayaa dacwada ka dhanka ah ay maxkamadda u gudbisay hay’ad sharci oo magaceeda la yidhaahdo Gibson, Dunn & LLP taas oo ay soo wakiilatay dowladda jamhuuriyada Djibouti.

Xukuumadda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ayaa ganacsadahan dalka ka mastaafurisay sanadkii 2009 oo hore u ahaa ninka ugu maalqabeensan wadanka Djibouti, kadib markii lagu eedeeyey inuu ka hor yimid maamulka madaxweyne Geelle, isagoo markaas isu soo taagay jagada madaxweynaha  ee dalkaas.

SOMALILANDPOST.NET