Dowladda Ingiriiska oo Safiir Cusub u magacowday Soomaaliya

 

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Midowga Boqortooyada Ingiriiska, ayaa safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, kaddib markii la beddelay safiirkii hore u fadhiyey Muqdisho.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyda Ingiriiska, , safiirka cusub ee dowladda Ingiriisku u magacowday Soomaaliya, ayaa ah haweenay lagu magacaabo Kate Foster, taas oo beddeli doonta safiirkii hore ee Ingiriiska Mr Ben Fender.

Ms Kate Foster oo Shantii sanno ee u dambaysay ka soo shaqaynaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo ay boosas kala duwan ka soo qabatay, ayaa la filayaa inay si rasmi ah xilka ula wareegto bisha February ee sannadkan 2021-ka.

Danjire Foster oo markii u dambeysay ahayd sarkaal ka hawl-gala Waaxda Gargaarka Caalamiga ah ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, ayaa 2005-tii ilaa 2012-kii k asoo shaqaynaysay hay’adaha Gargaarka ee Caalamiga ah gaar ahaan qaaradda Afrika.

Somalilandpos.net

contact@somalilandpost.net