Dowladda Imaaraadka oo Gaadiid fara badan iyo Qalab kale oo Ciidan ugu deeqday Ciidamada Soomaaliya.+Sawiro

Muqdisho (SLPOST) Maxamed Al-Cuthmaan Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa ku wareejiyay dowladda Soomaaliya Deeq ka timid Dowladda Imaaraadka carabta oo isugu jirtay qalab kala gaddisan oo loogu talo galay ciidamada ammaanka Soomaliya.

01-5-500x376

Deeqdaasi ayaa isugu jiraty Direyska ciidamada iyo gaadiid fara badan , waxaana halkaasi ka hadlay Safiirka Imaaraaaka, Maxamed Al-Cuthmaan wuxuuna sheegay in deeqdaasi ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladda Imaaraadku ugu jirto inay kaalin ka qadato nabad iyo xasillooni ku soo celinta dalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in xidhiidhka walaalnimo iyo taariikheed ee ay wadaagaan labada dowladood iyo labada shacab ay keentay in deeqdaasi iyo kuwo kaleba u soo dirto Dowladda Imaaraadka dalka Soomaaliya.

“Waan sii wadi doonnaa taageerada aan la garab taagannahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda” ayuu yidhi Maxamed Al-Cuthmaan Safiirka Imaaraadka Carbta oo Deeqdaasi gudoonsiiyay Taliyaha nabad-sugidda Soomaaliya, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Taliyaha nabad-sugidda Soomaaliya ayaa isagana u mahad-celiyay Dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay in Deeqdaasi loogu deeqay ciidanka nabad-sugidda Qaranka, isagoo sheegay inay taasi qeyb ka tahay taageerada ballaaran ee dowladda Imaaradku la garab-taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaalia

 

01-5-500x376 01-3-500x376 01-10-500x376 01-91-500x376 01-11-500x376 01-500x376 01-61-500x376

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland