Dowladda Ethiopia oo Shuruudo hor leh ku xidhay wada-xaajood dhexmara TPLF

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Federaalka ee Ethiopia ayaa Khamiista maanta soo bandhigtay shuruudo ay ku xidhay wada-hadallo dhex-mara xoogagga mucaaradka ee Tigray, kaddib dedaallo dibloomaasiyeed oo maalmihii u dambeeyey ay labada dhinac ka dhex-wadeen ergooyin ka socda beesha caalamka.

Xukuumadda Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed ayaa dagaal muddo sannad iyo dheeraad ah socda kula jirta Jabhadda TPLF oo dhowrkii bilood ee u dambeeyey ku soo siqayey dhinaca Caasimadda oo la sheegay inay u jiraan masaafo lagu qiyaasay 250km, iyagoo ku hanjabay inay weerari doonaan Addis Ababa.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ehiopia, ayaa war-fidiyeennada u sheegay in mid ka mid ah shuruudaha wada-hadalladu ku xidhan yihiin oo uu carrabka ku adkeeyey inaan wali laysku raacin uu noqon karo in ugu horeyn xoogagga TPLF ka baxaan gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo ciidamadoodu ku sugan yihiin.

“Waxa jira shuruudo; Ugu horeyn, ha joojiyaan weerarrada. Ta labaad waxa weeyaan inay dib uga gurtaan gobollada ay qabsadeen (Amxaarada iyo Canfarta). Shuruudda saddexaadna waa inay aqoonsadaan sharcinimada dowladdan,” sidaa waxa yidhi afhayeenka u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia oo lagu magacaabo Dina Mufti.

“Si kastaba, ha qalad fahmina hadalkeyga. Lama odhan karo waxa la gaadhay go’aan ah in wada-xaajood la galo,” ayuu hadalkiisa raaciyey Dina Mufti, sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka AFP.

Afhayeenka xoogagga TPLF, Getachew Reda oo toddobaadkan u warramay AFP, ayaa wax aan suurto-gal ahayn ku tilmaanay inay xoogaggoodu ka baxaan gobollada Amxaarada iyo Canfarta iyadoo aanay wada-hadalladu bilaabmin.

Kooxda TPLF ayaa dalbanaysaa in la soo afjaro wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay go’doon dhinaca gargaarka bini’aadantinimada ah oo lagu hayo gobolka Tigray oo la aamisan yahay inay xaalad macaluul ah ugu nool yihiin boqolaal kun oo Shacab ah.

Ergooyin beesha caalamka ka socda ayaa maalmihii u dambeeyey xoojiyey dedaallo waan-waan oo dagaalka lagu joojinayo. Waxaana ergooyinkaas horkacaya ergayga gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman oo Arbacadii shalay ka dhoofay dalka Ethiopia kaddib dhowr maalmood oo uu ku sugnaa dalkaas oo kulamo kula qaatay masuuliyiinta dowladda Federaalka, sida ay sheegeen saraakiil ka warbixiyey dedaallada waan-waanta ah ee Ergayga Maraykanka.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria, Olusegun Obasanjo oo xilligan ah ergayga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u Qaabilsan gobolka Geeska Africa, ayaa Khamiista maanta ka dhoofay Addis Ababa kaddib kulankiisii u dambeeyey oo uu la qaatay Raysal-wasaare Abiy.

Ergayga Midowga Afrika, ayaa dhawaan gaadhay caasimadda gobolka Tigray ee Mekele, waxaanu halkaan kulamo kula soo qaatay hoggaamiyeyaasha TPLF.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Marayanka, Antony Blinken ayaa Arbacadii khadka telefonka kula hadlay Obsanjo, waxaanu u sheegay in dowladdiisu taageero xooggan siinayso dedaalladiisa dhex-dhexaadineed, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Dedaallada dhex-dhexadineed ee Mr Obsanjo ayaa abuuray rejo laga qabo wada-xaajood dhexmara labada dhinaca, haddana ilaa immika ma cadda sida laysugu soo dhaweyn karo mowqifyada labada dhinac oo aad u kala durugsan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net