Dowladda Ethiopia oo ka hadashay Heshiiska Dhexmaray Somaliland iyo Kenya

 

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Itoobiya ayaa si kooban uga hadashay socdaalkii uu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka Kenya iyo weliba isfahamka diblomaasiyadeed ee dhexmaray Hargeysa iyo Nairobi.

Warbixinta toddobaadlaha ah ee The Horn ee ay wasaaradda arrimaha dibadda dawladda Itoobiya ku falanqayso gobalka Geeska Afrika, ayaa waxa ay shalay si kooban ugaga hadashay arrinta Somaliland iyo Kenya, waxaanay si gaar ah u soo qaadatay qodobka ku jiray war-murtiyeedkii labada madaxweyne ee Kenya iyo Somaliland ee ku saabsanaa inay Kenya qunsuliyadka furato Hargeysa, taasoo ay sheegtay warbixintu inay kor u sii qaaday xiisadda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya.

“Kenya waxa ay qunsuliyadka furan doontaa Somaliland, taasoo u ololaynaysa aqoonsi caalami ah, taas sii kordhisay is-faham-waaga u dhaxeeya dawladda jaarka ee Soomaaliya,” ayay tidhi warbixintu, waxaanay intaas raacisay, “Xafiiska waxa caasimadda Somaliland ee Hargeysa laga furi doonaa dabayaaqada bisha March. Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta iyo dhiggiisa Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidan ku sheegay war-murtiyeed Salaasadii December la soo saaray.” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta todobaadlaha ah ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ka soo saarto dalalka mandaqadda

Warbixinta Itoobiya oo soo dheeganaysa qodobbo ku jiray war-murtiyeedkii laga soo saaray heshiiska labada madaxweyne ee Kenya iyo Somaliland ayaa intaas ku dartay in sidoo kale ay Somaliland u kor qaadi doonto meeqaamka xafiiska ay ku leedahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

@Geeska Afrika Newspaper