Dowladda Ethiopia oo Dacwado Argagixiso ku oogtay Jawar Maxamed iyo Siyaasiyiin kale

Jawar Maxamed - [Sawirka: Tiksa Negeri/Reuters]

 

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Itoobiya ayaa ka gudbiysay dacwado argagixiso oo loo haysto Jawaar Maxamed oo ah siyaasi mucaarad ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalkaas, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha Guud Sabtida maanta.

Jawar Maxamed oo ah aasaasaha warbaahinta Oromiya Media Network, xubin firfircoonna ka ah xisbiga Oromo Federalist Congress, ayaa la xidhay bishii Juun ee sannadkan xilli ay socdeen rabshado baahsan oo ka dhashay dilkii loo geystay fannaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeessaa oo u dhashay Qoomiyadda Oromada.

Jawar Maxamed – [Sawirka: Tiksa Negeri/Reuters]
Jawar iyo 22 xubnood oo suxufiyiin, aqoonayahanno iyo siyaasiyiin ka mid yihiin, kana mid yihiin Bekele Garba oo ah hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka Oromada, ayaa loo haystaa dacwado laxidhiidha inay ku xad-gudbeen sharciyada la-dagaalanka argagixisada, sharciyada ka-hortagga qaababka sharci-darrada ah ee adeegsiga isgaadhsiinta iyo hubka, sida lagu sheegay qoraal uu baraha bulshada soo dhigay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya.

Bayaanka ka soo baxay xafiiska xeer-ilaayaha Guud ayaa lagu sheegay in eedaysaneyaashan la hor-geyn doono Maxkamadda maalinta Isniinta ah ee todobaadkan.

Jawhar oo hore xulufo ula ahaa raysal-wasaare Abiy Ahmed ayaa kaalin muhiim ah ku lahaa isu-soo-baxyadii Oromada ee Abiy xukunka ku helay sannadkii 2018, haseyeeshee waxa uu markii dambe isu rogay mucaarad ka soo horjeeda siyaasaddiisa, isaga oo ku eedeeyay inuu ilaalin waayey danaha Oromada.

Tuuli Baayyis oo ah qareenka u doodaya Jawar, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay barashada bulshada ka ogaadeen eedeymaha loo soo jeediyay balse aan loo soo gudbinin waraaqo rasmi ah oo ka hadlaya eedamaymaha lagu soo oogay.

Eedaymaha loo haysto Jawar Maxamed, ayaa la xidhiidha Isku-dhacyo dhimasho sababay oo bishii July ee sannadkan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalkaas.

Ugu yaraan 140 ayaa ku dhintay bannaan-baxyo ka dhacay gobolka Oromada iyo caasimadda Addis Ababa ka dib isku dhacyo dhex maray ciidamada amniga iyo dibadbaxayaal dalbanayay in xorriyadooda loo soo celiyo siyaasiyiinta mucaaradka Oromada ee la xidhay.

Qalalaasaha ka dhex aloosan Oromada oo muddooyinkii u dambeeyey sii xoogaysanayay ayaa muujinaya caqabadaha horyaala raysal-wasaare Abiy ka hor doorashooyinka hore loogu muddeeyey inay dhacaan bishii August ee sannadkan balse markii dambe dib loogu dhigay dhibaatada xannuunka Covid-19.

 

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net