DOQONIIMO KUGU DAAHDEYBAAN CIDI DABIIBEYN Qalinkii Libaan xaji fagadhe

DUBE MADAXA WEYSKALA DHACNAA ,DAAYIN ABIDKIISE
GOORTEY ISWADA DOOXATEYBAA ,DAAD USOO GALAAYE
DUL IYO HOOSBA WAAN UGU DHIGEY ,WAA DIX DHAGAXEEDE
ANUUNBAA DAMQANAYEE ,DHAGO UMA DALOOLAANE
DADKAAN LA HADLAYAABAAN LAHEYN ,DUX IYO IIDAANE
BAL INAY DALOOLTAHEY ,CAQLIGA DOONI LAGA SAAREY
WIXII HOREE SOO DAASHADEYBEY ,DUGASHANEYSAAYE
Waa murtidii Alle ha unaxariistee Timacade

Waa masiibo lagu muujindoono taariikhda madow ee masuuliyiintan , waa arin murugale oo marin loo asteeyey waa maqal la kowsadey siyaasadan ABAAH QASKA AHE aan milicsado malafsiga maqal la liyihii malaayuunta lagu cuney iyo shaqaalahan la mirey ee mood wixii ay lahaayeen afrikaanka madow iyo hindiga laga macsuumey .image
Lix bilood iyo lix iyo toban cisho ayaa laga joogaa xiligii xadhiga uu madaxweynuhu ka jarey idaacadii aheyd 100 kw ee la sheegey in dunida ay gaadheyso waxa ay hawada ka maqantey 5 cisho iyadoo ay qalab muhiim ahi ka gubteen , maxaa looga fikiriwaayey dhal dhalaalka jaynaha (china) kasoo gudub maxaa looga fikiriwaayey halaba keene nin sancadeed yaqaana oo ileyn waa bire xataa inuun baxnaasha oo sabaaleeya.

Taasi waa mid seegtey madaxwrynaha iyo dadkan uu xigaal ahaan ama reer ahaan meesha ukeeney amaba magaca mujaahid ee kulmiye ee qaar lagu shaqo siiyey aflagaado walow ay kaba mid ahaayeen magac ku ciyaarka mujaahidiinta madaxweynuhu uu abaal gud ku gudoonsiiyey markii ay soo qabteen inay maalin iyo habeen caayaan marwadii sharafta inaga mud neyd ee marwo Huda barkhad aadan oo aheyd xaaskii madaxweynihii sadexaad ee soomaaliland Daahir Riyaale oo darajada ceydii uu caayey lagu darajo siiyey iyadoo waliba waalid u aheyd .
Aniga iyo inta ila midka ahba marwooyinkii hore iyo marwadan iyo marwo kastoo timaadaa waxay naga mudan tahey milgo iyo maa muus ay nagu ladeey.

Bishu waa May waa bishii ay ugu munaasibadaa badneyd somaliland oo ay idaacadii qaranka ee ninka miyiga joogaa iyo kamagaalaba uu halkaa kala socdey nasiib daro hawada kamaqantey oo waliba waftigii uu madaxweynuhu hogaaminayeyna iyadoo gubatey safarkiisii kunoqonayo dalka.
Hadaan maanta sharciga la marin nimankaa ama wiilashaa danta gaarka hantidii qaranka idaacad aantayo laheyn lacagtii ay kulunsadeen aan loo soo taagin maxkamad oo aan dad baadha loo sameyn markaa Madaxdu kitaabkey ku dhaarteen kumay dhaqmin ee way gees mareen abaal koodana Alle ha unaxariistee waxaa ka gabyey Timacada ilayn waa tan oo shaqaalihii khibrada ulahaa waa tan marka loo keeno mid aan aqoonteedii laheyn uu markiiba eryaayo ama mid aan fahmeynba shaqadan xigaal loogu dhiibaayo kii la dulmiyeyna dabadaha wareegayo ee kolba dacal ka eegaayo waxaanu Timacade murtidiisii ka mid aheyd alle ha unaxariistee

image

 

UBIXIINII WAA DAADISEEN ,WAANA DUBATEENE
DUBAAXDIISA WAAD WADA CUNTEEN ,DUHUR DHARAAREEDE
DARIIQ TOOSAN MADAXDAAY ,WAA LAGA DAGAAYE
DARAJADA ILAAHEY KII ,DOONAYAA HELA E
NINKA DU DEY DIGTOORKIYO ,WAXYIGA DIINTA KA CAROWYE
DUGSI MALE QABYAALADI ,WAXAY DUMISO MOOYAANE
HADEYNAAN XUMAANTIYO DILKA IYO DEYNIIN KALA QAADKA
DABADAAN KA JOOGNAA SHARCIGA ,DAACADA ILAAHE
DAMBARKEEDU WAA JAHANABA IYO ,DOGOBKII NAAREEDE

waxaa waajiba in gudi loo saaro soo baadha sababta gubashada idaacada cusub oo waliba sharciga lamariyaa Waayo waxa gubay waxa Ka mid ah iyadoo aan lasoo iibin idaacadii uu qaranku miisaaniyada ku bixiyey iyo farsamo xumada meesha hadheysey ee aan aqoonta loo laheyn.

Maqalka wasaarada iyo marba maalootiyo darajo hantida ku maxaabsanaaya ayaa kolba mashruuc keena oo miisaaniyada ku qaata bal hada eeg mashruuca dhowrka cisho socda ee lagu bixiyey lacag dhan 20.000 $ wax yaabo uu tvgu 2010 heystey oo loo yaqaan (software) uu isticmaalaayey oo maanta wax cusub looga dhigey oo lasiiyey nin madow iyo hindi uu ka cilmi badanyey kii 2011 xataa shaqada bilaabey sanadaa 2010 tvga qaran waxyaabahaa hantida lagu lunsadey anaa tvga ku wareejiyey iyagoo aan ku bixin hal shilin oo somaliland waa markhaati madoon isla sanadii 2012 kuwii socday anaa shaqaale badan computeradooda ugu shubey oo waa ay joogaan waana kuwii sanadaa lagu shaqeynaayey oo aan intii ubaahneyd siiyey. Waa ayaan darooyinka ku habsadey wasaarada waxa ay sameeyeen agasimaa guud/Agaasimaa farsamada iyo Maareyaha tvga qarankoo la wadaagayaa in ay hantida qaranka kulunsadaan intaa iyo in kale oo qarsoon oo ubaahan in la baadho nasiib daro si loo cuno waxaa shaqada laga joojiyey dadkii ka aqoonbadnaa hindiga iyo ninka madow oo somaliland udhashey mr.Abokor diino waxa kaloo ay cadaadinayaan ilayn mashruuc jirimaayee shaqaalo dhalinyaro ah oo aqoontii le iyadoo loo hanjabaayo waxa haboon in la baadho hantida qaranka ee la lunsadey oo shaqaalahan dulmiga lagu hayana la soo gaadho gaba gabadii waxaan odhanlahaa cidii qaranka iyo shaqaalaa iyo shacbigaba danayneysaa ha soo gaadho.

Nimankii mabda?a reer Galbeed, nagu maddiiddeeyay,
Haddii maamulkii hore dhintoo, maasuq lagu beeray,
Maantaba malkaa inagu qummane, yaan la gees marine,
Marka aanad hammoon noloshu waa, mooyi dabadeede,
Murtidii Timacade ayey Ka mid aheyd.
DHAMAAD

GUUL ALLE