Dooxa Degmada Cadaadley oo baabiyay Beero biyoodkii iyo qaylo dhaanta Beeralayda + SAWIRRO

Hargeysa (SLpost)- Roob balaadhan oo ka da’ay Degmada Cadaadley ayaa khasaare balaadhan u gaystay beero biyoodkii ku yaalay Dooxa Siik. Dooxa siik oo ku yaala Degmada Cadaadley ee Gobolka Maroodi jeex oo 90km dhinaca bari ka xigta Magaalada Hargeysa ayaa roob dhawaanahanba ka da’ayay wuxuu khasaare balaadhan u gaystay beerihii ku teedsanaa dhinacyada dooxa ka dib markii uu dooxa maray biyo tan dhaafiyay balaca iyo jooga dooxa kaas ku fatahay beeraha isaga oo mawjadiiusan aad u xooganayd.

5Weriye Xasan Cumar Xasan oo booqday goobta khasaaruhu ka dhacay ayaa la kulmay qaar ka mid ah Beeraleyda oo sheegay in dhir midhoodkii ,saricii, ceelashii, injiiadii biyaha sinayay beeraha iyo qalabkoodii uu gebo ahaantoodba dooxu qaday inta badan beerihii halkaas ku yaalay “ 66 jir ayaan ahay daadka noocaasi ahi namuu soo marin intaan garaadsaday, markaas dooxani waa dooxii siik ee Degmada Cadaadley halkan aan taagay waxay ahay beer imikana waa banankaas aad arkayso oo dhirtii waxna waa seexiyay waxna waa la tagay, ceelkii, iyo qalabkii biyaha laga soo saari jiray sida injiinkii iyo tuubooyinkii waa la tagay ceelkiina waa kaas ah bar banaan oo anad mooday in weligii ceel laga qoday markaas waxaan doonayaa in Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda ku shaqada lehi inay gurmad nala soo gaadhaan oo wax tar iyo siidhba waanu u baahanay.” Sidaas waxa yidhi  Diiriye Xuseen Xasan (Diriye Case) oo ka mid ah Beeralayda Dooxa Siik.

6Sidoo kale Axmed Cabdi Muxumed oo ka mid ah Beeralayda wax yeelada waxaanu baaq u diray dhamaan bulshada reer Somaliland, xukuumaada iyo Hay’adda madaxbanaan “ceelkani wuxuu ahaa 7-joog iyo 10 mitir oo balac ah biyihiisu joogta yihiin imikana waa goobtaas cidlada ah, sarihii ku yaalay ee lahaa tamaadhada, basasha xabadi kama joogto, geed weyntiina waa wada rujiyay.” Sidaas waxaa yidhi Axmed Cabdi, waxaa isaguna halkaas ka hadlay Cabdilaahi Jaamac Rooble oo ka mid ah Beeralayda dooxu wax yeelada u gaystay oo isagana aan kula kulmay beertiisa oo aad haatan moodo meel aan weligeed la beerin ayaa sheegay in beertiisa aanu hada waxba haynin “ halkan aan taagay waa beeryadii imika bal eeg oo odhan maysid weligeed waa la beeray, waxaana iigu yaalay geed gaab miidhan oo si fiican u  beernaa, ceelki iyo qalabkii aan in muddo ahna ku tabcayay maanta ka moogo waxaase keenay ilahay oo waa nimcdaas dhacay waxaasne ilahay ka baryayaa inuu bedelkeeda I siiyo cidii uu wax iigu soo dhiibaayana uu iiga soo sakhiro.”

4Axmed Ibrahim Cawaale (Axmed qotox) oo ah Agaasimaha fulinta ee Hay’adda Wadaniga ah Candlelight oo isaguna goobtaas bookhasho ku tagay isaga oo u kuurgelayay khasaaraha soo gaadhay Beeralayda Degmada Cadaadley ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khasaaraha soo gaadhay dadaas danyarta ah “Berigii hore waxaa soo noqo-noqon jiray Abaraha lakiin dhawaana waxaa batay fataadaha roobku keeno markaas sababta ugu weyn ee loo aaneenaayo marka laga tago isbedelka cimilada waxa weeye xaalufinta dhirta taas oo  biyihii qunyar socon lahaa ee dhulka geli lahaa ay xawaare ku soconayaan markaas beerihii aanu soo marnay waxaanu ku aragnay in khasaare weyn ay soo gaadhsiiyeen taas oo tacab badani uu ku lumay, markaas marka bulshada ay ku dhacdo dhibaato noocaassi waxa xaalad deg deg ah, markaas waxaa waxa jira wax yaabo ay wax ka qaban karaan oo ay ka soo kaban karaan iyo mid ay cid kale kula eeran karaan, waxa aanu halkaas ku soo aragnay waa mid ka awood badan inay wax ka qabtaan, markaas waxaan baaq u soo jeedinayaa in Wasaarada Beerayaha iyo Hay’adduhuba ay gacan ka gaystaan wax la qabashada dadkaas.”

2Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Beeralayada ee Degmada Cadaadley Cabdilaahi Aw Xasan Cabdi oo sheegay wax yeelo badani soo gaadhay Deegaanka uu ku dooxu “Biyaha Dooxa marayaa waxa uu gaadhay xad aanu weligii gaadhin oo waxay ka bexeen dooxyadii oo ay waxyeelo u gaytseen beerihii ku hareeraysanaa dooxa taas oo sababtay in dhirtii geedkaabka iyo geed dheerkaba lahaaay gooyeen waxa kaloo ay qaadeen injiinadi, qalabkii beeraha lagaga shaqaynayay, waxaa kaloo uu beerahas ka aasay dhamaan ceelashii beeraha lagu waraabinayay sidoo kale waxa uu qaaday ciidii saraca lagu beeri jiray.” Sidaas waxa yidhi Guddoomiye Cabdilahi, isaga oo baaq u diraya Xukuumada iyo Hay’adda waxa uu yidhi “ waxaanu baaq u diraynaa Wasaaradda Beeraha oo aanu hore war bixinta waxyeelada u gaadhsiiyay Agaasimaha taas oo uu noo sheegay inuu koox soo diri doono, taas oo anan weli haynin markaas waa inay si deg deg ah hawshaas noogu soo diraan, waxanan hay’adda iyo xumuudaba leeyahay waa taakulo laga soo gaadho dadkaas tabaaladu ku dhacday.”

1Gebo gebadii bookhasadaas uu weriyuhu Deegaankaas ku tagay waxa wuu la kulmay isuduwaha Wasaaradda Beeraha ee Degmada Cadaadley Axmed Qoofal Liibaan ayaa sheegay in baaxda roobka deegaankaas ka da’ay uu aad u sareeyay “ Roobka Deegaankan Cadaadley ka da’ay uu joogiisu gaadhay 3 mitir taas oo dhinacwalba dooxayada ay biyuhu uga baxeen inta u dhaxaysa 50 ilaa 100, markaas khasaaraha ilaa hada aanu hayno waxaa ka mid ah 45 injiin oo daadku qaaday, 73 beerood wax yeeladu gaadhay, tirada ceelasha oo aad u badan oo aanu weli wadno tiradoodu, markaas ilaa hada waanu wadnaa tiro koobkooda, waxanan madaxda Wasaarada ugu baaqayaa inay gurmad deg deg ah la soo gaadho dadkaas dhibto gaysatay.”

Somalilandpost.net/Hargeysa