DOORKA SHIRKADDA CASRIGA AH EE SOMTEL IYO ADEEGYADA BULSHADA – Warmurtiyeedka Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha

Hargaysa, 10 February, 2012 (SLpost)-Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL waxay ka mid tahay shirkadaha ka farcama Dahabshiil Group waxayna cagaha isku taagtey sannadkii 2010kii bishii March taas oo ka dhigaysa muddadii ay shirkaddu jirtey Labo Sanno . Runtii, marka laga hadlayo taabbagalnimada shirkada isgaadhsiineed, muddadani waxay u muuqataa mid aad u yar. Waa xaqiiq in aanay suurtogal ahayn in aan qoraalkan keliya ku soo koobo waxqabadkii shirkaddan intii ay jirtey.Sidaa daraadeed, waxaan isku deyayaa in aan taabto qaybo ka mid ah hawlaha muhiimka ah ee SOMTEL u qabato macaamiisheeda iyo dhammaanba bulshaweynta ku dhaqan Somaliland iyo bulshada ku hadasha afka hooyo ee Soomaaliga.

Adeegyadda SOMTEL

Shirkadda SOMTEL waxay ku caanbaxday adeeg wireless-ka / (xadhigla’) casri ah oo ay tayadiisu aad u sarrayso iyo weliba qiime aad u hooseeya oo ay ku bixiso adeegyadeeda kala duwan. Qiimaha iyo tayada adeegyada shirkaddu bixisaa waxay ku sifoobeen kuwo la mahadiyey sumcad iyo kalsoonina u soo jiidey shirkadda iyo dhammaanba ummadda ku hadasha afka Soomaaliga meel kasta oo ay ka joogaan daafaha dunida. Waxaan tusaalaha ugu horreeya u soo qaadanayaa qiimaha adeegga telephonnada oo ah mid aad macquul u ah una saamaxaya dhammaanbadabaqadaha kala geddisan ee bulshada in ay ka haqab beelaan adeegga laga helo aaladda telephonnada haddii ay ahaan lahaayeen dhinaca hadalka; farriimaha kala duwan sida SMS and MMS; GPRS/EDGE modem barnaamijka ila-soo-hadal( VoIP) ee lagu ladhay telephoonka gacanta iyo weliba adeegga maqal iyo muuqaalka 3G video call oo shirkaddu (SOMTEL)noqotay shirkaddii ugu horreysey ee keentay mandaqadda siiba Somaliland.

Waxaa xusid mudan adeegga casriga ah ee Internet-ka, iyada oo ay shirkaddu SOMTEL ku caanbaxday Internet uu xawaarihiisu aad u sarreeyo una dhigma kan laga helo waddamada hore u maray ee ay ka mid yihiin Yoruba iyo America. Waxaan isna la hilmaami karin aaladda loo yaqaanno EDGE Modem-ka ee lagu walwaasho/qaato Internet-ka guura (wireless flash-ka)oo ay shirkaddaSOMTEL markii ugu horraysey keentay kana hirgeliseyWadanka . Muran kama taagna in SOMTEL ku faani kartohoggaanka adeeggan Internet-ka oo waaayahan dambe noqday mid aan looga maarmi karin nololmaalmeedka banubasharka. Waxaa kale oo adeegyada SOMTEL kamid ah adeega Family Network service oo ah adeeg isku xidhayaa Qoys-ka iyo shaqaalaha adeegan oo ah adeeg isku xidhaaya koox(Group) si ay u wada xidhiidhaan adeega Family Network service ay shirkaddu ugu talagashay macaamiisheeda sida Koox wada shaqeysa,ama Qoys, adeegyadda Kale ee shirkaddu u soo kor dhisay macaamiisheeda waxaa ka mid ah adeega international Roaming oo loo yaqaan DALMAR SERVICEadeegan oo kuu suuragalinaaya in SIMcard-ka SOMTEL adigoo aan saarin aad ku mushaaxaysid in kabadan 200 oo dawladood

Doorka SOMTEL iyo Baahiyaha Bulshada

Dhinaca tabantaabinta adeegyada bulshada iyo taakulada joogtada ah ee ay shirkaddu (SOMTEL) ka geysato ayaa isna noqonaya mid aan marnaba la illooobi karin. Haddii aan waxyar ka taabto adeegyada bulshada ee ay shirkaddu ku bixisey hantida aan yarayn, waxaa ka mid ah waddooyinka; cusbitaallada; dhallinyarada iyo ciyaaraha; taakulayanta dadka baahan iyo carruurta agoomaha ah; ogaanshaha iyo u-gargaarka dhallaanka yaryar ee ku dacdarraysan derbiyada magaalooyinka kuwaas oo loo yaqaanno ‘Derbijiifka’; (street children) gargaarka abaaraha; taakulaynta masaajiddada iyo malcaamadaha quraanka; dhiirrigelinta iyo taakulaynta ardayda dhigata marxaladaha kala duwan ee waxbarashada hadii ay noqon lahayd mid hoose/dhexe, mid sare iyo heer jaamadeedba. Waxaa intaas dheer keenista iyo soo-bandhigista barnaamijkii laga dabadhacay ee KAS-MAAL show program kaas oo ah mid laga dhaxlayo faa’iidooyin badan siiba kobcinta aqoonta bulshada ee dhinacyada, cilmiga diiniga ah iyo kan maaddiga ahba; aqoon-dhaqameed iyo weliba mid taariikheed, IWM.

Waxaad kaloo la socotaan wacdaraha shirkadda ee dhinaca adeegga Internet-ka iyo sida ay u noqotay shirkaddii ugu horraysey ee suurtagelisey in TV yada u baahin karaan barnaamijyada si toos ah (live coverage ) oo laga daawan karo caalamka dhammaantiis. Xusuuso baahintii tooska ahayd ee shirkaddu ku sharaftay xafladdii 18ka May 2011iyolabadii ku xigey ee ay nasiibka u heleen hawlwadeennada xafiiska qurbajoogga Somaliland ( Somaliland Diaspora agency) lana xidhiidhey xafladdii xagaaga iyo kii dood-cilmiyeedkii lagu qabtay jaamadda Hargeysa isla sannadkii 2011. Aan kuugu sii daro dhacdada iminka ka socota garoonka ciyaaraha/kubadda cagta ALAMZEY stadium ee ku yaalla magaalada Burco iyo sida layaabka leh ee ay shirkaddu SOMTEL u muujisey awooddeeda dhinaca technology-ga casriga ah siiba Internet-ka iyadoo shirkaddu ku guulaysatey in ay si toos ah u quudiso tiraba afar TV iyo weliba Radio Hargeysa kuwaas oo isku waqti tebinaya geeddi-socodka ciyaaraha gobollada Somaliland.

Warmurtiyeedkan oo Ka soo Baxay Xafiiska xadhiidhka dadweynaha ee shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL kuna saxeexanyahay madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda SOMTEL

Name: Abdi Naasser Awad Mouse (DONYO)

Position: public Relation manager

CELL phone: 252 79000488

E-mail awaddonyo@Gmail.com