“Doorasho Golaha Kamay Dhicin, Caqlina Maanta Ma Talin Ee Calooshaa Shaqaysay” Xildhibaan Siciid Cartan

Hargeysa  (SL.Post) Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah afartii mudane ee maanat diiday go’aankii  Golaha Wakiilladu ku meel-mariyeen heshiiskii dhawaan Xukuumaddu la gashay shirkada DP World ee Dekeda Berbera, ayaa sheegay in Xildhibaanada u codeeyay heshiiskan ay danta Umamdda ka daroor bideen danahooda, islamarkaana ay codkoodii dhaqaale ku badasheen.

 

 

 

“Doorasho Golaha kamay dhicin, caqlina maanta ma talin ee Calooshaa shaqaysay waana ayaandaro la soo daristay Golaha Wakiillada, maantana waxa inoo bilaabmay mustacmarad cusub ayaa kow inoo noqonaysa. Maanta haddii la wareejiyay Dekedii oo iyadoo wax heshiis ah oo cad  oo Docmenti ah la keenay aanay jirin oo farta loo taagay taas oo aan sheegay in aanu caqli talin ee calooshu shsaqaysay.” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan

 

 

 

Xildhibaan Siciid Cartan waxa uu intaas ku daray ” Waa ayaandaro la soo daristay Somaliland maanta , Mugadibaanay ku dhacaday. God madow baanay ku dhacday.”

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa