Doorashadii Dallada SONYO iyo Farro Galintii Xukumadu ku Sameysay – W/Q: Cabdiraxmaan Isbatoore ~ (Q.1aad)

Waa Qormo Taxane ah oo Tooshka ku Ifinaysa Farro Galintii Qaawan ee  Xukumada Madaxweyne Siillanyo ku sameysay Dallada Dhalinayarada Somaliland ee SONYO, Wakhtigii uu Socday Shirweynihii 6aad  oo ka qabsoomay Hotel Ambasadoor ee  Maglada Hargeysa, Socdayna Muddo Labba Maalmood ah 27/28/November/2012.

 Iyada oo Qormadani  Daaha Ka Rogeysa Xubno Golaha wasiirada Somaliland oo Farro Galintaasi u Idmanaa in ay Kala Xushan Musharixintii u Dartamaysay Dalladaasi, Waxana  Wasiirada sidda cad ugu foogna Farro galinta Dallada Sonyo ugu Cadcadaa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xassan, oo ka mid ah Wasiirada ugu awooda Badan Xukumada Siillanyo, Isaga oo Hawlaha iyo Faragalinta Ka Hagayey Daah damadiisa.

Su’aasha Ugu Weyn ee Meesha Tallaa Wax ay Tahay Sababta Dawladu ay ugu badheedhay in ay faro galin toos ah ku sameyso Shirweynahaasi Dallada Dhalinayrada ee Sonyo?. iyada oo Dalladu Shaqaynaysay Intii Xukumadii hore ay jireen, Mise Taani waxay ka mid tahay Farro galinta Dawladu ku sameysay Meel Kasta iyada la og yahay Ceebihii ka raacay Xukumada Meello badan oo ay Farro galin ku sameysay, Taas oo maahmaah Somaliyeed ay Tidhado “Ceebteed Ma ahee Waa Cadadeed).

Akhriste Haddii aynu Dib u Milicsano Taariikhdii iyo Heerarkii kala Duwanaa ee ay soo Martay Dallada Dhalliyarada ee Sonyo Waxay u Dhigan tahay Siddan.

Sida uu qeexayo xeerarka iyo Dastuurka Dallada SONYO,  waxay ka madax banana tahay Siyaasada isla markaana dhexdhexaad ka ahayd dhaqan ahaan intii ay dalladu soo jirtay, dallada waxaa ku bahoobay 53 Urur  oo  isugu jira Ururo iyo Jaamacado ( 51 Urur iyo 2 Jaamacadood)  waxaa labadii sanaba  hal mar la qabtaa shirweynaha lagu doorto Hoggaanka sarre iyo Guddoonkooda.

Waxay SONYO Caan ku ahayd marka shirweynaheedu soo dhawaado in guud ahaanba laga dareemo hirdanka dhalinyarada ku loolamaysa hogaankeeda guud ahaanba Gobbalada iyo dagmooyinka dalka oo dhan.

 hase ahaatee wax faragalina ah  kumay yeelan jirin xukumadii Hore ee uu madaxda ka ahaa Daahir riyaale taasi oo u suuragalisay in si madax banana dhalinayarad Dalladu ku bahawday u doortaan hogaanka ay bidayaa hawlkarnimo iyo aqoon si loo dardargaliyo waxqabadkii Kobcayay ee dallada waxaana Gudoomiyaashii Soo Maray Dallada Waxay kala ahaayeen.

SHirweynihii 1 aad: Mahamed Hassan

Shirweynihii 2 aad: Maxamed Xassan oo Mar labaad Dib loo Doortay Basle isaga oo aan Dhammeysan Xilka ayaa Sanadkii Ugu Danbeyey uu Xilka kala wareegay Ibraahin Suldaan oo Muddadaasi sii hayey Xilka.

Shirweynihii 3 aad: Mahamed Culimo

Shirweynihii 4 aad: Yahye Ubahle

Shirweynihii 5 aad Ahmed Wacays

Shirweynihii 6 aad Mubarik Taani

Dhamaan shirweynayaashaasi marka laga reebo shirweynahan  6 aad waxaa go’aaminta Gudoomiyaha si madax banana iskaga lahaa inta ay khusayso  oo ah Ururada iyo jaamacadaha xubnaha ka ah dallada SONYO .

Akhriste waxaa is weydiin leh ma SONYO ayay wax iska badaleen? Ma Xukumadan ayaa xukumaddii hore ka dabeecad duwan? Maxayse saamayn taban ama togan ku yeelan kartaa mustaqbalkii dallada SONYO? Maxaase ka jira in ay dallada SONYO  noqon doonto hay’ad si dadban  u hoostagta Wasiirka madaxtooyada lasoco qaybta 2 aad——————————