Doorashada Ururada Maxkamada Sare Ayaa Xukuntay Meel looga Laabtaana Ma Jirto ~ Xukuumada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Somaliland Axmed Aadan Buuxane, ayaa sheegay inay wali furan yihiin albaabada wada-hadallo xal loogu raadinayo muranka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu sheegay inaanay jirin wax gor-gortan ah oo xukuumaddu galinayso doorashada Ururrada Siyaasadda oo uu sheegay in go’aankeedu ka soo baxay maxkamadda Sare.