Doorashada Dalka Britain Oo Barri Loo Dareerayo Iyo Saadaasha Guusha Oo Aan La Malayn Karin

London, (SLpost)-  Dadweynaha reer UK ayaa barri u dareeraya cod bixinta doorashada dalkaas, iyadoo xisbiyada tartamayaana ay maanta soo gabagabeeyeen ol’olahoodii, isla markaana mid weliba soo bandhigay waxa uu qaban doono.

Xisbiyada waaweyn ee ka dhisan dalka Britain aan la saadaalin karin inuu midna helo doorashada, isla markaana waxa la filayaa inaanu xisbina heli doonin cod awood u siinaya inuu kusoo dhiso dawlad, balse waxa muuqata inay aad isugu dhaw yihiin codadkoodu.UK

Sannadkii 2010-kii inkasta oo uu codka ugu badan kuraasta baarlamaanka ku guulaystay xisbiga muxaafidka ah oo ahaa 323, haddanay muu ahayn cod ku filan oo aqlabiyad ah oo uu kusoo dhisi karo dawlad, waxaana muddo toban sanno ka dib lagu qasbay inuu is-bahaysi la galo xisbi kale, waxaanu la galay xisbiga Liberal Democrats.

Saadaasha doorashada ee xilligan ayaa u dhaw mid taas la mid ah, waxaanay dadka siyaasadda faaleeyaa sheegayaan inaan la saadaalin karin sida ay noqon doonto sida la isu bahaysan doono, balse waxa muuqata inay saamayn keeni doonaan doorashadani, isla markaana waxa warwar badan qaba shacabka, iyadoo laga cabsi qabo in maalmaha doorashada ay nolosha dadka si taban ay u dareemi doonaan.

Somalilandpost.net