Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir). Qormooyinka 8aad & 9aad

 

 

“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,

Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,

Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,

Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,

Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,

Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”

Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Muuqaalka Axmed Aadan, waxa kale oo Mujaahid ku tusay xarunta Nabadsugidda Mujaahid Qureysh iyo Mujaahid Maxamed Oomaar. Sidii ay looga-qaateenku ii sheegeen, Mujaahid Bashiir wuxu ahaa qof keliya ee magaalada Hargeysa kelidii lugeyn jiray maalintii maa-daama uu Xamar noloshiisa intii badnayd ku soo qaatay oo aan la garanayn.

 

Maa-daama uu dhaqankaa qosol-ku-jabka ah dadweynaha tusi jiray, wuxu heli jiray wararka ugu badan ama xogta ugu badan ee jabhaddii hubeysnayd ee SNM. Sidaas ayay SNM-na ugu arkaysay in uu yahay cadowga 1aad ee ay ku leedahay Hargeysa. SNM wuxu u ahaa yool shiishku haysto oo mar walba laga fekerayay khaarajintiisa.

 

Haddii aynu tusaale kale barbar dhigno, waxa jiray nin isaguna ba’naa oo Jeneraal Gaanni la odhan jiray. Bahal qallafsan oo cadow ah ayuu ahaa. Xanuunkii iyo xasuuqii uu dadka ku hayay, dadweynuhu aad ayay uga cadhoon jireen oo ay u kici jireen, dhinaca SNM-tana ugu soo biiri jireen. SNM-tu, waxay u taqaannay ‘Diiriye.’ Ninkan Axmed Aadan se, waa uu ka duwanaa oo isagu marka indhaha SNM lagu eego, wuxu noqonayay Seexiye ama Suuxiye. Halis aan la malaysan karin ayuu ku ahaa halgankii hubeysnaa. Wuxu ahaa nin dadka buste saarayay oo u sakhirayay nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre. Sidaas ayuu ku noqday yool mar walba u tagnaa in la abbaaro oo khadka laga saaro, inta kalena lagu cabsi geliyo oo sas iyo sakati lagu beero. Nidaamkii Siyaad Barre ayaa laga bartay qaababka saska iyo sakatiga loo abuuro. Heesihiisii waxa ka mid ahaa: “Hadhkaagaa lagu diray, Haatuf kula socdaa jira.”

 

Mujaahidiinta SNM waa ay dhammaysteen sahankooda iyo qaabka ay u hawl-gelayaanba. Mujaahid Maxamed Oomaar oo Mujaahidiinta hawl-galka fulinaysay baabuurkiisa ku sii qaaday ayaa igu yidhi, mar aan arrintaa ka wareysanayay:

 

“Annaga oo iska qayilaynay habeennimadii oo dhammaantayo wada joognay, ayuun baa Bashiir oo aan is-idhi malaha waa uur-ku-baalle mar qudh ah nagu yidhi: ‘Ina kiciya caawa ayaynu hawl-galkii fulinaynaa oo ninkii aynu meeshii ka helaynaaye.'”

 

19/12/1986kii, goor ay saacaddu ku beegnayd ilaa sagaalladii habeennimo, ayay ciidankii hawl-galka fulinayay oo afar Mujaahid ahaa hor fadhiisteen Dhakhtarki la dumiyay ee haweenka lagaga ummulin jiray ee Cosob oo u dhow Xarunta Wargeyska Jamhuuriya. Saaqiyadaha biyo-mareenka ah ayay dukl fadhiyeen. Cabbaar haddii ay halkii fadhiyeen oo ay ku sugayeen Taliyaha xafiiskii Nabad-sugidda ayuu ka soo baxay xaruntiisii oo ahayd halkan dibudejintu deggenayd.

 

Waa baabuurkiisii oo Pajero midabkiisu boodh yahay ahaa. Waa ay dabo-socdeen ilaa meel ku dhaweyd tiyaatarka oo uu dhaqan iyo caadaba u lahaa in uu tago. Meel u dhow ayay Mujaahidiintu baabuurkii kaga degtay ka dibna rasaastii ayay bilaabeen. Halkii waxa ku qudh-baxay shan qof oo uu Axmed Aadan ku jiray.

 

Muuse Biixi oo ka hadlayay hawlgalladii iyo dagaalladii uu ka qayb-galay Mujaahid Bashiir, wuxu yidhi:

 

“……..Intaasi waa inta ugu mudan wixii uu gudha ka qabtay, bal se inta hawl-gallo ah ee ciidammada uu dibadda (xuduudda) kula galayna waa ay yaraayeen oo kii Balli-cabbane waa uu nala galay, weerarkii Geed-ballaadhna waa uu nala galay ee dhibta badnaa, ragga badanina ku dhaawacmi jireen waa uu nala galay oo labadaba gaadhiga ayuu la socday oo waan xasuusta.”

Habeenkii hawl-galka ka-dib iyo Mujaahid Bashiir

 

Ma maqli jirteen: “Ka-rog oo mid kale saar.” Mujaahid Abaadir ayaa hadba sheeko hor leh oo walaalkii Shahiid Bashiir la xidhiidha inoo saraya. Bal markanna wuxu inoo marinayaa, habeenkaa markii uu dilkaasi dhacay, halkii uu Mujaahidku tegay iyo sidii uu yeelay.

 

Habeenkaa hawl-galkaas waxa la fuliyay xilli ay saacaddu ku beegnayd ilaa tobannadii habeennimo. Afartii Mujaahid ee hawl-galkaa fuliyay Bashiir iyo Nuur Muhindis dhinac ayay isu raaceen, Cismaan Awr-liqena dhinac kale ayuu u baxay, Maxamed Oomaar oo baaburka ku sidayna isagu markii uu dhigayba wuu ka tegay hawl-galkaba hortii. Sidaas ayay laba jiho u kala qaadeen. Xilli ay sacaddu ku beegnayd 12.00kii habeennimo ayay Bashiir iyo Nuur Muhindis iyaguna kala leexdeen ama kala tageenba oo midba meel gabbaad u doontay. Mujaahidiintu dhowr habeen ayay sii joogeen Hargeysa.

 

Bal hadda immikana aan ku yar raasukhno sheekadan uu u mariyay Ismaaciil Xasan Xirsi, waxaanu ka weriyay Abaadir oo uu yidhi:

 

“19/12/1986kii, habeennimadii markii uu dilka fuliyay wuxuu u yimid Ismaaciil Xasan Xirsi oo aanu Ima-adeer ahayn oo ‘waashimaan’ ka ahaa geerash weyn oo ku yaal Gannad korkeeda. Geerashkani wuu sii jiraa mana shaqeeyo.”

 

Bal hadda immikana aan Ismaaciil ka yar gurno markii uu Bashiir u yimid tallaabooyinkii uu qaaday, waxaanu intaa hore ku kabay:

 

“Bashiir gurigii yaraa ee aanu deggenayn ayuu ka wada saaray alaabtii taallay. Shamaciina waa uu ka qaaday. Sibidhkii oo khali ah ayuu soo reebay, wuxuu soo qaday fur wayn oo foosto-gobolo. Dab ayuu ku dul shiday isla qolka dhexdiisii. Salli aad u googo’an oo aanu tuuray ayuu dhulka ii dhigay, gacanta midigna aad ayuu ii duubay saliid badanna wuu ku shubay. Salligii ayuu i jiifiyay barkimo xun oo aad u usgag badnaynna wuu ii dhigay. Barkimadaas ayuu qorigiisiina ka hoosaysiiyay, isaguna shaad usgagoobay iyo macawis xoog u jactadday oo aan iska beddelay ayuu xidhay.  Guriga marka la soo galo waxaad mooddaa dad aanay nafi u dambaynini in ay galaan.”

 

Isla habeennimadiiba hay’adihii nabadgelyada ee nidaamku waxay soo rogeen bendoo aanay cidina dhaqaaqi karin iyo magaalada oo dhan in si dhakhso isla habeennimadaas loo baadho. Waa sida aanu ka soo xigannay looga-qaateenkii saraakiishii xilalka haysay ahayd markaas ama berigaaba.

 

Ismaaciil oo uu Mujaahid Bashiir ku soo dhuuntay buulkiisii yaraa ayaa sheekada inoo wada, waxaanu intaa hore ku kabayaa, sida uu Abaadir qoraal iigu soo gudbiyay:

 

“Habeennimadaas ayaa albaabkii geerashka xoog loo tumayaa. Wuu kacay, wuu furay, waxaana soo galay askar aan ku qiyaasay ilaa tobaneeye. Siday u soo yaacayeen ayay I dul yimaaddeen, markii ay waayeen wax ay baadhaan oo ay ku raagaan ayaa inta aanay su.aal na weydiin ayuu Bashiir ku yidhi: “Odeygan oo aabbahay ah oo geerashkan ku jabay ayaan meesha ku hayaa.

 

Deg-deg ayay guriga uga wada baxeen. Geerashkii ayay muddo saacad-ku-dhawaad ah baadhayeen oo ay ku raageen. Ka-dib markii ay waxba ka waayeen ayay iyaga oo tallaabada deddejinaya naga baxeen. Waxay galeen guri daso ahaa oo uu geli jiray Cismaan Xasan Xirsi. Waa ninkan geerashka ‘waashimaanka’ ka ah walaalkii. Dasadan ama buulkan ay galeen waxa yaallay qori RBD ah oo Mujaahid Bashiir hore ugu keenay, waxaanu ku jiray saqafka sare ee buulka caws-saloollo dhexdood. Waxoogaa ayay galalafeen. Waxba way ka waayeen, deg-deg ayaanay nooga baxeen.”

 

 

 

Sheekada idin kama kala jaro e’, qormadan 9aad waxay ku soo beegantay 29-guurada hawl-galkaas colka wadhaf ma lagu dayayTaana Ilaahay ka badbaadi. Marka uu masiibo ka badbaadaba mid kale ayaa meel u sii taal. Weli Ismaaciil ayaa inoo kalwinaya. Waxa qoraal ahaan iigu soo tebiyay, Mujaahid Abaadir oo uu uga sheekeeyay, sidaas ayaan aniguna hadba hadhuub idiin soo darayaa. Intaa hore wuxu ku sii karayaa:

”Cismaan Xasan Xirsi gaadhi-ximaar ayuu ku shaqaysan jiray, waxaanu u ahaa xuddun udub- dhexaad ha oo uu xataa ku dhuuman jiray, waayo buullooyinka noocan oo kale ah wax muhiimmad ah adigaagaasi ma siin karaysid qof dirqi-ku-nool ahi wuxu haleelayoba ayaa iska yar. Laba bilood ka-dib dilkii Axmad Aadan waxa la qabtay Cisman Xasan Xirsi, isaga oo ay basaaseen dad nidaamka u shaqaynayay. Gurigiisa oo xoog loo baadhay waxa laga helay hal qori oo dabo-laab ahaa. Qabashada Cismaan kama annaan dabo-tegin. Ma jiro qof xaafadda ah oo ka xaadiray meelihii ninkaa lagu ciqaabayay. Saddex toddobaad ka-dibna waa la khaarajiyay. Cismaan Xasan Xirsi waxa lala dilay lix nin oo kale oo Hargaisa laga soo xidh-xidhay, isaga qori ayaaba lagu qabtay e’, waxa igu maqaale ah in lixda nin ee kale ay ku jireen qaar ganacsadayaal ahaa oo la iska qabtay uun.”

Sida aanu xogta ku hellay Bashiir iyo Nuur Muhindis dhowr habeen ka dib markii ay hawl-galka fuliyeen ayay Hargeysa xagga woqooyi uga baxeen iyaga oo u sii jeeday saldhigyadii SNM ee xuduudda ku yaallay. Sida uu noo sheegay Mujaahid Maxamed Oomaar oo si dhow ula socday hawl-galladaasi, labada Mujaahid ee Bashiir iyo Nuur Muhindis waxay sii mareen jiiddaa Horu-haadlay, ka dibna waxay ku hagaageen Guluc iyo gurigii abtigii ee lagu gunnayn jiray ama xilliyadaas oo kale loogu loogi jiray. Waxa sheekada naloogu daray intii ay jidka sii socdeen in ay sii abaal-mariyeen dabo-dhilifyo nidaamkii dalka ka talinayay u adeegi jiray.

Marwo Mujaahid Aamina Xasan Suldaan oo ah xaaskii Sheekh Muuse Sheekh Cabdillaahi oo ka muddaakaroonaysay xaaladdii uu xilligaa ugu yimaaddeen labada Mujaahid, waxay noo sheegtay in Mujaahid Bashiir ay labada lugoodba saantu ka baxday oo uu ku duudduubay garankiisii oo uu jeex-jeexay. Waxay intaa noogu dartay in Nuur Muhindis isaga ka yar roonaa oo iska ladnaa.

Fal-celintii Nidaamkii Siyaad Barre ee hawl-galkii Axmed Aadan

 

Isla habeeenkii dilku dhacayba, bendoo ayaa magaalada lagu soo rogay. Baadhis ballaadhan oo aan meelna la dhaafin ayaa magaalda lagu galaa-bixiyay. Subaxnimadii ama maalinnimadii xigtay ee 20/12/1986kii, waxa la qaaday bendoodii, waxaana la bilaabay baadhis lagu raadinayo ciddii dilka geysatay.

 

Maxamed Oomaar wuxu ii sheegay in ay isaga iyo Bashiir 20/12/1986kii oo ahayd maalintii ku xigtay dilkii Axmed Aadan ay ka qayb-galeen xaflad lagu xusayay 43-guuradii dhismihii ciidanka booliska oo ahayd 1943kii oo ku qabsoontay Tiyaatarka Hargeysa, halkaas oo ay goob-joog ka ahaayeen. Wefdi culus oo Xamar ka yimid maalintaas ayaa xuskan ka soo qayb-galay oo uu hoggaaminayay Axmed Maxamuud Faarax oo ka tirsanaa Guddidii Siyaasadda.

 

Jeneraal Moorgan oo markaa ahaa Taliyihii Qaybta 26aad oo xarunteedu Hargeysa ahayd ayaa 20kii bishii Diisambar, 1986kii, subaxnimadii isugu yeedhay saraakiil badan oo ay ku jireen qaar u dhashay magaalada Hargeysa. Jeneraal Morgan, hadal koobnaa oo uu halkaa ka jeediyay wuxu ku sheegay in weli la baadho dilkii John F. Kennedy ciddi geysatay. Waxa kale oo subaaxdaa yidhi sidaa darteed, in kasta oo uu Axmed Aadan dhintay weynu ku qasban nahay in la baadho oo la helo cidda dilkiisa geysatay. Wuxu hadalkiisii ku soo gunaanaday isaga oo ku yidhi saraakiishii reer Hargeysa idinka ayaa meesha deggen oo nooga faro-dhuudhuuban e’ aad uga hawl-gala. Looga-qaateenkii sheekadaa ii marinayay ee maalintaa goob-joogga ka ahaa markii uu intaa igu lahaa, ayuu isu jawaabay oo yidhi: “Taasina runtiis ayay ahayd.”

 

14kii, Jeeniweri 1987kii ayay ciidammadii SNM daahir-yaa-shamis maalin cad soo weerareen saldhigga booliska ee Burco. Dhimasho iyo dhaawacba waa ay geysteen, hal baabuur oo gurmad ahaana miino ay u dhigeen ayaa la kacday. Waa uun 25 maalmood ka dib dilkii Axmed Aadan.

 

Ninkii Morgan ayaa Taliskii Guud ee Xamar iyo Madaxtooyadii canaan dhegaha goosteen oo lagu yidhi adigana berrito adiga oo iska fadhiya qudha ha kaa jareen. Arrintii ayaa dareen hor leh Morgan ku dhalisay, ka-dib wuxu ku tallaabsaday tallaabooyinkan hoos ku taxan:

 

  • Bendoo ayaa Burco iyo Hargeysaba lagu soo rogay,
  • Saraakiil badan ayaa la xidhay.
  • Burco iyo Hargeysa waxa laga soo raafay oo la xidhay ilaa 85 odey oo muddakarkii shacbiga ahaa,

 

Saraakiishaas oo qaarkood xidhnaayeen laba bilood, qaarna lix bilood inta la soo daayay ayaa dhammaantood loo mastaafuriyay koonfur. Markii la soo daayay, intii aan la mastaafurin ayuu dhammaantood Morgan u yeedhay oo ku yidhi hadal u ekaa waa la idin xidhay, waad dhibsateen xadhigga, annaguna dib idiin aammini meyno. Ilaa 19 sarkaal ayaa nimankaa la iigu sheegay.

 

Waxa kale oo la toogtay ilaa toddoba qof oo uu ku jiray Cismaan Xasan Xirsi oo ay Bashiir Ilmo-adeer ahaayeen isla markaana lagu helay qori dabo-laab ah oo Bashiir gurigiisa keenay.

 

Sidii uu ku shahiiday Mujaahid Bashiir

 

Mujaahid Bashiir wuxu shahiiday 3/4/1987kii xilli uu waqtigu ku beegnaa barqadii. Wuxu ku shahiiday guriga Reer Abshir Xuseen oo ku yaalla xaafadda Biyo-dhcay ee Hargeysa. Ilaa maantadaa aan joogno la iskuma raacsana qaabkii uu u shahiiday Mujaahid Bashiir. Dhowr aragtiyood oo kala duwan ayaa arrintan ka jira oo weli lagu muransan yahay. Bal hadda aan aragtiyahaa ama fikradahaa xabbad-qaadno:

 

  1. Aragtida Ciidammadii cadowga ee ku xeersanaa: Nimankaas oo badnaa oo saraakiil iyo dabley isugu jiray caddaymo sladhigga dhexe ee booliska ee Hargeysa lagaga qaaday oo laga saxeexay waxay ku sheegeen in ay Mujaahid Bashiir iyagu toogteen iyaga oo iska difaacayay rasaas baastooladeed oo uu ku soo riday. Nimankaas oo dhowr iyo toban ahaa waxay iska dabo-mareen in ay guriga oo wada xidhnaa qol-qol ay u baadheen, hal qol mooyaan e’. Waxay caddaymahooda oo saxeexan, taariikhaysan oo intooda badani makiinad ku garaacan tahay ku sheegeen in iyaga oo sii baxaya qol xidhnaa oo ay ka tageen oo aanay jebin rasaas laga riday. Sida ay ku andacoonayaan, inta ay dib ugu noqdeen ayay albaabkii jabiyeen. Waxay leeyihiin waxa halkaa ka dhacay dagaal faraha la isula tegay  kaas oo ay ku dhaawaceen Khadar Abshir, halka Mujaahid Bashiir ku dhintay. Waxay qiraalkoodaas ku qoreen in labadaba dhaawac ku qaadeen bal se Mujaahid Bashiir naftu ka baxaday markii dhakhtarka la gaadhsiiyay. Waxa kale oo ay sheegeen in Khadar Abshir ay caloosha kaga dhacday, halka ay Mujaahid Bashiir ku sheegeen in uu gafuurka dhiig ku lahaa.

 

 

Boobe Yuusuf Ducaale

(La soco berri haddii Eebbe idmo)