Door Intee Le’eg ayuu Xornimada Afrikada Madaw ku lahaa Mr. KWAMI NKRUMA? – W/Q: Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)

Kwami Nkruma  waxuu ahaa ninkii waddammada Afrikada madow u horseeday inay ka xoroobaan Isticmaarkii Yurub. Isagu waxuu u dhashay dalka Ghana. Isagoo dhalinyaro ah ayuu Maraykan tegay. Maalintiina Jaamacad ayuu wax ka baran jiray, habeenkiina Huteellada wax laga cuno  ayuu ka shaqayn jiray, si uu kharashkiisa uga helo.

Waxuu ku guulaystay shahaadada PhD. Dabadeed waxuu ku noqday Ghana oo Dalka Ingiriisku xukumayey,  waxuuna bilaabay halgankii xornimo doonka ahaa , khudbadihiisa waxaa ka mid ahaa  ‘’Let us manage or mismanage our own affairs’’ Dadla Ghana kuwooda caamada ahaa waxay aaminsanaayeen  khuraafaad ay ku sheegayeen in Nkruma marka la xidho uu isu rogi jiray bisad oo Garaa’idka albaabka qolka uu ku xidhnaa ka dhex bixi jiray, si uu magaalada taageerayaashiisa ugula kulmo, dabadeedna isagoo hadana bisad isu rogay ku noqon jiray  isla habeenkii qolkiisa xabsiga, taas oo wareerisay Askarta ilaalinaysay.

Waxaan markii ugu horraysay Nkruma kula kulmay shir sanadeedkii Qaramada Midoobay ee 1960-kii. Lix iyo tobankii dal ee Afrikaanka ahaa ee sanadkaa xornimadoodii ka qaatay gumaystayaashii Yurub, kuna biiray Qaramada Midoobay ayuu huteelkuu deganaa nagu casuumay.

Waxaa ii xigtay markii aan Safiirka Somalia ee Soviet Union ahaa, ayuu Nkruma Moscow noogu yimid. Anagoo Safiirada Afrika ee Moscow joogay ah ayaanu gurigii uu deganaa ku booqanay. Waxay ahayd berigii Khrushchev odhan jiray in Soviet Union Qumbulado Nuclier ah oo Konton iyo Boqol Ton ah qarxin doono.

·Nkruma waxuu noo sheegay inuu Khrushchev weydiiyey waxa Soviet Union uga baahan yahay hubka halista ah ee qaradiisu kontonka iyo boqolka tan tahay. Waxuu ugu jawaabay in dawladaha hantigoosadka waxay la mid yihii ayda dadka iyo xoolahaba cuna oo nadayn maayaan.sidaas  daraadeed  waa inaan budhadh waaweyn oo aanu iskaga celino u samaysanaa.

Hadal iyo Dan Ghana waa dalkii ugu horeeyey ee Afrikada Madow ah ee 1957-kii ka xoroobay Gumaystayaashii Yurub.

Madaxweyne Nkruma isagoo dalka China maraya ayaa Koox Millatery ah oo uu hogaaminayey Jerry Rowling afgembi Ghana ku qabsadeen. Nkruma waxuu u tegay saaxiibkii Seko Tuure, Madaxweynahii Genie Conakry, halkaasuu cudurka Cancer-ka ugu dhintay.

W/Q: Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)