Dooni Sida 222 Qof Oo Qaxoonti Reer Yemen Ah Oo Soo Gaadhay Dekeda Berbera

Berbera, (SLpost)- Dekeda magaalada Berbera ayaa waxa galabta soo gaadhay doon siday 222 qof oo qaxoonti ah, kuwaasoo ah dad Soomaali kazoo qaxay dagaalada dalka Yemen.

Doontan oo lagu magacaabo Nasrullah ayaa qaxoontiga kazoo qaaday dekeda Mukha ee dalka Yemen, waxaana magaalada Berbera ku qaabilay maamulka gobolka iyo degmada iyo hay’addaha caafimaadka iyo kuwa samo-falka.

“Doontani waxay ka timi dekeda Mukha waxay soo socdeen laba habeen iyo laba maalmood, dad badan ayaa saran oo gaadhaya 222 qof, waxaanay u badan yihiin carruur iyo dumar, waxa kale oo ku jira shan qof oo Itoobiyaan ah iyo ilaa 20 qof Yemeniyiin ah.” sidaa waxa yidhi maareeyaha dekeda Berbera Cali Xoor-xoor oo warbaahinta la hadlayay.

Sidoo kale waxa isaguna ka hadlay dadkaas qaxoontiga ah ee doonidu siday guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, waxaanu sheegay inay diyaar u yihiin xukuumad ahaan inay dadkaas tabaalaysan taakuleeyaan oo ay qabtaan wixii karaankooda, iyagoo la kaashanaya hay’addaha qaxoontiga iyo kuwa ka shaqeeya caafimaadka.

Doonidan maanta ku soo xidhatay dekeda Berbera ee siday dadka qaxoontiga ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee sida dad qaxoonti ah, isla markaana soo gaadha dekedaas.

 

Somalilandpost.net