Doon ka badbaaday Dhul-gariirkii Japan oo sannad ka dib Badda Kanada laga helay

Hargeysa, 24 March, 2012 (SLpost)- Doon Kaluumaysi ay la tageen mawjadaha Baddu ka dib markii Dhul-gariir ku dhuftay dalka Japan sannadkii hore, ayaa sannad ka dib lagu arkay iyadoo dul-sabbaynaysa Badda dalka Kanada.

Doontan ayaa la sheegay inay ku jirtay hadhaa gaadhayey shan milyan oo ton oo mowjadihii baddu qaateen March 2011 markii dhulgariir xajmigiisu ahaa 9.0 ku dhuftay dalka Japan.

Sannad iyo dheeraad ka dib ayaa la sheegay in diyaarad ciidamada Kanada leeyahiin oo ilaalo ahayd ku aragtay meel masaafo ahaan 4,703 mayl ka fog halkaa dhulgariirka ka hor ay ku xidhnayd  iyadoo xagga xeebta ku soo waajahan.

Waxaana la ogaaday in doontaasi iska dul sabaynayso badda iyadoo aan wax dad ah saarnayn ilaa 11-kii bishan, waxaana ka dib digniin caalami ah laga bixiyey tafaasiisha doontaasi oo khasaare soo gaadhsiin karta noolaha badda, taasoo aakhirkii dhalisay in ciidamada xeebaha ee dalka Japan ku ogaadaan mulkiilahii doontaa, ka dib markii ay maqleen tafaasiisha doonta.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net