Doodo Sharci Oo Ka Dhashay Go’aanka Komishanku Ku Cayimay Maalinta Doorashooyinka: DEDAFAYN, IS-DIFAACIS, TILMAAN IYO TALOOYIN

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa si rasmi ah u shaaciyey waqtiga qabsoomidda doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ay u cayimeen 1-da bisha June ee sannadka dambe 2016, kadib markii ay dib uga dhacday waqtigii hore ugu qorshaysnaa oo ku beegan 26 June 2015.

Go’aankan ayaa xubnaha Komishanka Doorashooyinku kaga dhawaaqeen shir-jaraa’id oo ay saxaafadda ugu qabteen xaruntooda Hargeysa barqadii shalay, iyagoo markaa kadibna hortagay Golaha Wakiillada si ay ugu faahfaahiyaan jadwalkooda, halkaas oo su’aalo badan wax lagaga waydiiyey qorshe-hawleedkooda doorashooyinka is-barkan.

xubnaha KomishankaHaseyeeshee, cayimaadda waqtiga cusub ee Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqeen, ayaa waajahday dood sharci oo ay kala horyimaaddeen qaar ka mid ah xildhibaannada Wakiillada oo ka qaybgalay fadhigii shalay oo Guddigu su’aalo kala duwan lagaga weydiiyey go’aanka muddaydnta maalinta doorashada, kuwaas oo deedafeeyey sharciyadda qorshaha Komishanka oo ay ku tilmaameen mid ka soo horjeeda dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka oo awoodda sharciyadda qabsoomidda doorashada muddo-dhaaftay siinaya Golaha Guurtida, halka Guddiga Doorashooyinkuna ku doodeen in qorshe-hawleedkoodu yahay mid aan ka horimanayn waajibaadka dastuurku siiyey Guurtida, balse ku salaysan fulinta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo muddaynta xeerkeedu sheegayo.

Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali-barre) oo ka mid ah mudanayaasha muxaafadka ah ee xisbiga KULMIYE, ayaa sharraxay farqiga u dhexeeya qorshaha cayimaadda doorashada ee Komishanku iclaamiyey iyo sida dastuurku dhigayo, isagoo xubnaha Guddiga Doorashada su’aalay inay caddeeyaan sharciga ay adeegsadeen go’aankooda, waxaannu yidhi, “Sharciyadda dalka ee annagu halkan ku fadhinno, Komishanku ku joogo, Madaxweynuhu ku fadhiyo ee dalkuna qaran ku yahay waa dastuurka iyo shuruucda ka dheegma. Haddaba, dastuurka qodobkiisa 42aad, faqraddiisa 3-aad iyo qodobka 83aad faqraddiisa 5aad waxay caddaynayaan marka doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu waqtigoodii rasmiga ahaa ku dhici waydo, waxa qiimaynaya xilliga duruufaha lagaga bixi karo iyo waqtiga doorashadu qabsoomayso oo cayimaya Golaha Guurtida, cid kalena ma cayimi karto oo awoodeeda Madaxweynuhuna ma leh, Komishanna ma leh ee Guurtida ayaa leh. Waajibkiinnu wuxuu ahaa inaad Madaxweynaha u gudbisaan in aan doorashadu xilligeedii ku dhacayn, Madaxweynuhuna u gudbiyo Golaha Guurtida, kadibna sugtaan inta waqti la idiin sharciyeynayo aad ku shaqaysaan.

Hase ahaatee, shaqadiinna (Komishanka) waxaad ku salayn kartaan markaad waqti sharci ah haysataan, kaasina wuxuu ku xidhan yahay Guurtida, markaa maalinta doorashada aad u cayinteen ee ah 1-da bisha June 2016 sharcige ayaad u cuskateen, illeyn xeerkii doorashadana kuma yaal, dastuurkana kuma yaal ee xaggeed u cuskateen?”

Guddoomiyaha Komishanka Doorashada Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa si kooban uga jawaabay su’aasha xildhibaanka, “Sharciyadii aad soo saarteen (Golaha Wakiillada) iyo farsamadii ayuun baannu is-barkinnay annagu.”

“Guurtida hawsheeda kuma farogelinayno oo wixii ay leedahayna way leedahay, wixii Komishanku leeyahayna way leeyihiin, xeerka aannu ku shaqaynayna waxa weeye intii aannu is lahayn komishan ahaan waxaad u leedihiin xaq.”

“Arrinka ku saabsan Guurtida xeerkana kumaanu arag meel ay ahayd in aannu kala tashanno Guurtida muddada aannu soo saarayno, laakiin waxay tahay mid farsamo oo aannu ku sar-goynay xeerka diiwaangelinta iyo warqaddii Madaxweynaha ka soo baxday, markaa waxaan filayaa in taas Guurtida in iyaga la waydiin doono insha Allaah.” Sidaana waxa yidhi Cabdifataax Ibraahim Xasan oo ka mid ah xubnaha Komishanka oo isna ka jawaabayey su’aal la xidhiidhay inay baalmareen sharciga.

Sidoo kale, xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale, ayaa isna hordhigay Komishanka sida uu noqonayo qorshahoodu haddii Golaha Guurtida oo xaq u leh qiimaynta xaaladdu kordhiso muddo ka duwan waqtiga ay go’aamiyeen, “Xilli kastoo wax la doortaa waqti buu leeyahay oo shan sannadood ayey tahay innaga muddo-xileedkeennu. Muddadaas ayey tahay in doorashada lagu qabto, haddiise doorashadu ku qabsoomi waydo waxay u baahannaysaa waqti sharciyad ah oo waxa la wareegta Guurtida oo kordhisa markay xaaladda qiimayso. Idinku (Komishanka) waxaad halkan kaga dhawaaqdeen jadwal aad tidhaahdeen sannad baannu hawsha ku dhammaynaynaa, markaa haddii Guurtidu kordhiso sagaal bilood ama sannad iyo badh amaba waxay doonaan jadwalkiinnaa doorashada ee aad hadda noo sheegteen xaggee ayuu qabanayaa?”

Markale Cabdifataax Ibraahim Xasan oo ka jawaabayey su’aashaas ayaa yidhi; “Waqtigan aannu ku dhawaaqnay waxay ka dhalatay muddadii Guddiga Doorashooyinku u sameeyeen inay ku dhammaystiranto diiwaangelinta codbixiyayaasha, taasina waxay ahayd go’aan isla saddexda xisbi qaran qaateen farsamo ahaan muddada ay suurogal tahay inay diiwaangelintu ku dhammaystiranto, isla markaana loo gudbiyey Madaxweynaha Somaliland oo digreeto ku soo saaray. Sidoo kale, sharciga diiwaangelinta ee aad idinku (Baarlamanka) soo saareen wuxuu dhigayaa in Komishanka Doorshooyinka uu soo saaro diiwaangelinta codbixiyayaasha lix bilood ka hor maalinta doorashadu dhacayso, iyadoo la qiimaynayo oo la tixgelinayo xeerkaas Baarlamanka ayey muddadan Komishanku imminka sheegeen ku salaysan tahay.”

Dhinaca kale, xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo tafsiir ka bixiyey cayimaadda Komishanka ee doorashada, ayaa ku tilmaamay inuu yahay waqti-hawleed wargelin ah oo aannu ahayn go’aan kama dambays ah, si aanay u dhicin muddo-kordhin Guurtidu ku salayso siyaasad.

“Komishanku wuxuu xaq u leeyahay inuu sameeyo Jadwal. Jadwalkaasi wuxuu yeelanayaa maalin go’an oo ay leeyihiin waqtigaas bay hawshu noogu dhammaanaysaa, markaa qorshahan ay soo saareen go’aamin ma aha ee waa wargelin oo ay wargelinayaan Goleyaasha Qaranka iyo xukuumadda, asxaabta iyo dadweynahaba. Markaa waxaan jeclaan lahaa waqti-hawleedkaas in aydaan duuduub ku sheegin ee waxa lagu qanci karaa inaad dadka u gudbisaan oo hay’adahan ay khusayso u keentaan oo aannu qiimayno in waqti-hawleedkiinu yahay wax macquul ah iyo in aannu ahayn.

Waqti-hawleedka Komishanku iyagaa leh, muddo-kordhintana Guurtida ayaa leh, waxana laga cararayaa in markay Komishanku qorshe-hawleedkooda keenaan in fadwo siyaasadaysan Guurtidu soo saarto oo tidhaa intaas ayaannu go’aaminnay, laakiin Guurtidu waa inay ka duushaa jadwalka Komishanka ileyn iyagaa doorashada hagayee,” ayuu yidhi Md. Jirde.

Sidoo kale, xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Marreexaan) oo isna ka mid ah mudanayaasha aragtidooda iyo waydiimahaba u bandhigay xubnaha Komishanka Doorashooyinka, ayaa ku taliyey in laga wadashaqeeyo in aanay Guurtidu samayn muddo-kordhin siyaasadaysan iyo in aan hawsha Komishanku noqon mid culays saarta dalka iyo dadkaba, waxaannu yidhi “Waa run oo sidii xildhibaan Cabdiqaadir Jirde sheegay qorshe way keeni karaan Komsihanku, balse qorshahaasi hadduu dhaafo muddadii caadiga ahayd ee doorashadu ku qabsoomi lahayd wuxuu u baahan yahay sharciyad, markaa wuxuu noqonayaa soo jeedin aan weli sharci ahayn, waxaannu dastuurku arrintaa qiimaynteeda siiyey Guurtida, idinkuna (Komishanka) waxaad sugi doontaan marka xayndaabka sharciga la idiin ansixiyo.”

“Laba arrimood ayuun baa loo baahan yahay, in aan muddo-kordhin siyaasadaysan dhicin iyo in aanay dhicin culays fuula Komishanka iyo qaranka oo waxaan suurtogal ahayn lagu dirqiyo, taas oo dib innoogu soo noqon doonta. Labadaas arrimood ayaa yaal in la iswaafajiyo,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Marreexaan.

 

Courtesy: Jamhuuriya