Dood Cilmiyeed Lagu Lafo-gurey Hanaankii Diiwaangalinta Iyo Kala Reebista Ururada Siyaasadda oo Kulmisay Ururada Hadhay, Kuwa Soo Gudbay iyo Ururada Bulshada

Hargeysa (SLpost)– Machadka Cilmi-baadhista Bulshada iyo Horumarka ( SORADI) ayaa soo qab-qaabiyay dood cilmiyeed si mug leh loogaga dooday looguna lafo guray Hanaankii Gudida Diiwaangalintu u martay, Diiwaangalinta iyo Kala Reebista Ururada SIyaasiga ah. Doodan waxa kasoo qayb-galay Hogaamiyeyaasha Ururada Siyaasiga, ururada la reebay, kuwa soo gudbay, xubno kamid ah asxaabtii hore iyo xubno ka tirsan ururada bulshada. Kulanka Waxaan kasoo xaadirin Gudida diiwaangalinta iyo Ansixinta Ururada Oo Lagu casuumay kulanka dooda.

Ujeedada Kulankan ayaa ahaa in bulshada rayidka ahi ka hawlgasho sidii si cilmi-yeysan loogaga hadli lahaa arinta murugsan ee u dhaxaysa ururada siyaasada iyo gudida diiwaangalinta Iyo sidii loo dhex-dhexaadin lahaa labada dhinaca, xal-na loo gaadhi lahaa, loona soo afjari lahaa muranka iyo khilaafka si loo badbaadiyo Hanaanka Dimuqraadiyada iyo Jiritaanka Qarankan Somaliland.

Kasoo qayb-galayaasha kulanka ayaa si qiimo leh doodooda ugu dhiibtay khilaafka taagan talooyina kasoo jeediyay sidii xal looga gaadhi lahaa. Su’aalaha lagaga doodayay kulanka waxa kamid ahaa : Maxay ahaayeen guulihii iyo caqabadihii soo waajahay gudida diiwaangalinta iyo ansixinta ururada siyaasadu?  Qiimayntii la sameeyey ma ahayd mid wax ku ool? Maxaa la sixi karayey ama ay ahyd in la sameeyo? Sidee bay uga qayb qaateen qaybaha kale ee bulshadu arintaas? Maxaa la samayn karaa si loo horumariyo shaqada gudida diiwangalinta ururada siyaasada?

Waxa dhamaan kasoo qayb-galayaasha dood-cilmiyeedani isku raaceen inay jireen khaladaad badan oo ka jira dhinaca Xeer Lab. 14 iyo xad-gudubyo ay sheegeen inay gudidu ku samaysay sharciga.  Waxa sidoo kale madasha laga sheegay in ururada siyaasadu laftoodu ay qayb ka ahaayeen khaladaadkii dhacay maadaama ay ogalaadeen sidii gudidu wax u maamulaysay.

Inkasta oo garabka Gudida diiwaangalintu ka maqnaa madasha, oo aan jawaab loo helin dhamaan su’aalaha iyo tabashooyinka ay sheegayeen ururada siyaasada ee la reebay, waxa dood dheer oo socotay mudo ilaa 3 saacadood ah kasoo baxay qodobadan hoos ku xusan:

1.    In dhamaan qaybuhu u hogaansamaan sharciga dalka u yaala. Ururada Siyaasiga ahina si sharciga waafaqsan isla markaasna salmi ah u soo diyaariyaan cabashooyinkooda una gudbiyaan Maxakamada Dastuuriga ah

2.    In Gudidu dadka soo hor fadhiistaan isla markaana qanciyaan waxay u cuskadeen qiimayntii ay sameeyeen Si gudidu u muujiso dhex-dhexaadnimo

3.    In Bulshada Rayidka ahi door wayn ka qaadayo isu soo dhawaynta iyo heshiisiinta labada dhinac.

4.    In la sameeyo cid madax-banaan oo cilmi baadhis ku samaysa wixii khaldamay iyo habka iyo hanaanka loo sameeyo gudiyada si looga fogaado khilaafaadkan oo kale mustqablka.

5.    In xukumadu soo dhex gasho arinka oo ay dhex dhexaadin samayso.

6.    In danta guud laga wada shaqeeyo oo layku tanaasulo

SLpost News/Hargeysa