Donald Trump oo Qaaddacay Guusha Joe Biden iyo Shuruudo uu ku xidhay Aqbalaadda Natiijada Doorashada

 

Washington (SLpost)- Murashaxa madaxweynaha Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden, ayaa ku guulaystay inuu helo Codad ku filan oo suurta-galinaya inuu noqdo Madaxweynaha 46aad ee Maraykanka, kaddib markii boqolkiiba 99 la soo gebo-gabeeyey tirinta codadka gobolka Pennyslavania oo labada murashax si xooggan ugu loolameen.

Joe Biden oo ku guulaystay inuu helo in ka badan 270 Codadka Guddi-doorasho oo Guusha Murashaxu ku xidhan tahay, ayaa noqonaya madaxweynihii 46aad ee Maraykanka, isagoo ka guulaystay madaxweynaha xilka sii haya Donald Trump. Warbaahinta Maraykanka, ayaa saadaalisay inuu Joe Biden ku guulaystay tartanka Aqal Cad ee Maraykanka. 

Haseyeeshee, waxa arrintan waxba kama jiraan ku tilmaamay Madaxweynaha Xilka haya Donal Trump oo been abuur ku tilmaamay guusha Joe Biden, isagoo iska indho-tiray natiijada ka soo baxday codka shacabka Maraykanka.

War-murtiyeed uu Donal Trump soo saaray wax kaddib markii caawa la shaaciyey Guusha Joe Biden, waxa uu been-abuur ku tilmaamay inuu Joe Biden ku guulaystay doorashada oo uu ku dooday in la boobay isla markaana ay sharciga ku kala baxayaan.  

Trump waxa uu ku dooday in masuuliyiin ka tirsan Xisbigiisa laga horjoogsaday inay kormeeraan goobaha tirinta Codadka, taas beddelkeedana ay natiijo kasta oo ka soo baxday ku wejahayaan sharciga. 

“Dhamaanteen waan ognahay sababta uu Joe Biden ugu degdegayo inuu si been abuur ah u sheegto inuu guuleystay iyo sababta ay warbaahinta taageertaa isugu dayayaan inay ugu garab-joogsadaann. Ma doonayaan inay runta sheegaan. Xaqiiqda jirtaa waxa weeyaan in doorashadani tahay mid aan wali dhamaan.

Lama Xaqiijin in Joe Biden si rasmi ah ugu guulaystay hal gobol, iskaba daa inuu ku guulaystay mid ka mid ah gobolada loolanka adag ka socdo ee in dib loo tiriyo ku khasban. Gonolka Pennsylvania kormeerayaasha xisbiga looma ogola inay ku daawadaan habka tirinta. Codadka sharciga ah ayaa go’aamiya qofka madaxweyne ah, ma go’aamiyaan wararka warbaahintu,” Sidaas ayuu Trump ku yidhi War-murtiyeedka.

Isagoo ka hadlayey tallaabada ay xisbiga ahaan qaadanayaan, waxa uu yidhi, “Laga bilaabo Isniinta, waxaanu bilaabaynaa inaanu dacwadda u gudbinno Maxkamadda si aan u hubino in sharciyadda doorashada si buuxda loogu hoggaansamay, isla markaana qofka saxda ah ee guuleysta la ogaado.  Dadka Mareykanku waxay xaq u leeyihiin doorasho daacad ah, taas macnaheedu waa in la tiriyo dhammaan warqadaha codbixinta ee sharciga ah. Tani waa sida kaliya ee lagu xaqiijin karo in shacabku ay kalsooni buuxda ku qabaan doorashada.”

Trump oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Ma nasan doono ilaa dadka Mareykanku ay helaan Codad daacad ah oo ay u qalmaan, Dimuqraadiyaduna u qalanto.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net