Dokumentiyo sir ah oo muujinaya Qorshe uu Osama bin Laden ku beegay 10-guurada dhacdadii 9/11

Washington (SLpost)- Waraaqo sir ah oo laga helay gurigii uu ku jiray Osama bin Laden ka dib geeridiisii ayaa muujinaya in hoggaamiyahaas ay u qorshaysnayd inuu mar labaad weerarro ka fuliyo magaaalada New York iyo Washington wakhti ku beegan sannad-guurada 10aad ee dhacdadii 9/11.

Sidaa waxa jariiradda Washington Post u sheegay saraakiil ka tirsan milatariga Maraykanka kuwaas oo ku doodaya inay jireen qorshayaal weerar-celin ah oo uu Osama damacsanaa.

Warka noocan ah ayaa ku soo beegmay wakhti uu todobaad kaliya ka hadhsan tahay sannad-guurada 10aad ee la sheegay inay Osama u qorshaysnaayeen, waxaana hadda aad loo adkeeyay amaanka magaalooyinka waaweyn.

Mid ka mid ah booliska magaalada New York ayaa laga soo xigtay, “Waxaanu galnay feejignaan dheeri ah maxaa yeelay waxa isku xidhan wakhtigan soo dhow iyo qoraallada sirta ah ee laga helaay gurigii Osama, waxaana dhici karta in qorshahan loo gudbiyay dadkii fulin lahaa oo ay gacanta ku hayaan.”

Sarkaal Maraykan ah oo ka tirsan waaxda daba-galka argagixisada ayaa sheegay in munaasibadda xuska 10aad ay muhiimad gaar ah u leedahay Al-Qaacida isla markaana ay xusuusinayso hoggaamiyahoodii.

Waxa heegan la geliyay ciidamada FBI iyo waaxaha nabadgelyada magaalooyinka New York iyo Washington iyada oo boolisku xoogga saarayo ilaalinta munaasibadaha, garoomada diyaaradaha, tareennada iyo meelaha xaasaasiga ah.

Filim documatari ah oo maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda laga sii dayn doono Telefishanka Fox News, ayaa tilmaamaya in nimankii diyaaradaha afduubay weerarkii 9/11 ay jireen shabakado isku xidhan oo kaalmooyin iyo taakulayn siinayay una sahlay afduubka iyo weerarkaba.

Sida lagu sheegay dokumentiyo la daah-furay, waraysiyo gaar ah, numbarro telefoon oo ay heshay idaacadda la iska arko ee Fox News, qaar ka mid ah xubnihii laga shakiyay ee shabakaddii Al-Qacida taageeray, waxay dalka Maraykanka galeen toban sanno ka hor intii aan hawl-galka la fulin halka qaarkoodna ay hadda si madax-bannaan isaga nool yihiin.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland