Diyaaradaha Pakistaan oo duqeeyey xarumaha Taliban

Pakistaan(SLpost)Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Pakistaan ayaa duqeymo xoogleh la beegsaday gobalada waqooyiga Wasiristaan.

pakistan airforce

Goobaha la duqeeyey ayey ku jiraan xarumo ay kooxda Talibanka tababar ku siiyaan dagaalyahanadooda, waxaana la sheegay in duqeymahan ay ku dhinteen 30 kamid ah Talibanka iyo tiro dad rayid ah oo goobahaasi ka ag dhawaa.

Dowlada Pakistaan ayaa todobaadkii tagay bilowday duqeymaha gobalada ay ku sugan yihiin Talibanka kadib markii kooxdaasi dishay 21 askari oo ka tirsan ciidamada Pakistaan oo afduub loo heystay tan iyo sanadkii 2010.

Wadahadaladii bishan u furmay dowlada Pakistaan iyo Talibanka ayaa hada u muuqda kuwo lagu fashilay

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland