Diyaarad Todoba Duulimaad samaysay iyadoo sidata qof meyd ah

planeMoskow (SLpost)- Diyaarad rakaab ayaa la sheegay inay todoba duulimaad ku sidatay qof meyd ah khaanada taayirada, ka hor intaan shaqaalaha diyaaradaasi dareemin.

Diyaarada iFly Airbus A330-300 oo dhamaysatay duulimaad ay u kala gooshaysay dalalka Talyaaniga iyo Ruuska Khamiistii, ayey shaqaalahii dayactirku arkeen dhiig ka soo qubanaya khaanada taayirada.

Dhiigaa ayaa la sheegay inuu ka soo baxay meydka ninkaa oo ku geeryooday halkaa, sida baadhitaanka lagu sheegay.

“Ninkaa ayaa la sheegay inuu tigidh la’aan diyaarada soo raacay,” sida guddi baadhitaan Ruushku sheegeen.

Baadhitaano ayaa socda lagu ogaanayo sida ninkaasi u galay taayirada diyaarada. Saraakiisha ayaa sheegay, in ninka aoo sitay baasaboor dalka Georgia, soo fuulay diyaaradaa afar maalmood ka hor intaanu dhiman, sida lagu baahiyey Barta Internetka ee news.com.au.