Diyaarad Milateri oo Caawimo Raashin ah Soo Gaadhsiisay Madaarka magaalada Berbera

Berbera (SLpost)- Dawladda Boqortooyada Kuwayt, ayaa Diyaarad sidda Mucaawimo noocyo Raashin ah isugu jirta u soo dirtay Somaliland, taas oo shalay ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Berbera, halkaas oo ay ku qaabbileen Xubno Wasiirro ah, Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Maamulka degmada Berbera iyo ka gobolka Saaxil.

Deeqdan oo Masuuliyiin Kuwait ka tirsan oo la socday Diyaarad kuwa Millateriga ah oo Caawimadaa sidday, ayaa sheegay inay Deeqdani si toos ah uga timi Boqorka Kuwait, isla markaana ay jawaab u tahay codsi uu Madaxweynaha Somaliland u diray oo uu kaga dalbaday inay dawladda Kuwait ka qaybqaadato gurmadka ay u baahan yihiin Malaayiinka Qof ee reer Somaliland ee ay Abaaruhu saameeyeen. Waxaana Deeqdan loogu talo-galay 150 Qoys, isla markaana waxay hordhac u tahay Deeq ay Kuwait ugu talo-gashay Dadka Abaaruhu ku saameeyeen Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey Caawimadan, waxaanu yidhi; “Kuwait iyo waddamada Carabtu waxay maanta muujinayaan intay innoo kala jiraan iyaga iyo Dadka reer Galbeedka ahi. Intaas oo jeer ayey innagu soo noqdeen Nimanka reer Galbeedka ah ee Qaadhaan-bixiyeyaasha la yidhaahdo, doorasho qabto mooyee Mucaawino hooya oo u naxariista Dadkiinna kamaannaan maqal. Markaa, Ninna inta uu kuu jiro kuuma soo dhaafi karo.”

Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Xuseen Boos oo halkaas ka hadlay, waxa uu ka mahad-celiyey Caawimadaas, waxaanu yidhi; “Amiirka Kuwait iyo Shacabkiisuba, aad bay ugu mahadsan yihiin Deeqdan ay inna soo gaadhsiiyeen, waanan u ducaynaynaa Allaah hakaa Abaalmariyo ayaannu leenahay Boqorka.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo halkaas isaguna ka hadlay, waxa uu yidhi; “Sheekh Sabaax aad iyo aad baannu ugaga mahadnaqaynaa Deeqdaas uu Maanta innoo keenay, waxaanannu leenahay waannu kaa guddoonnay.”

Maayerka Berbera, Badhasaabka Saaxil, Weftiga Kuwait ka socday iyo Xubno ka tirsan Guddiga Abaaraha ee heer gobol, ayaa shalay-ba bilaabay qaybinta Raashinkaas, iyaga oo Qoysas ka tirsan Dadka Abaaruhu ku saameeyeen gobolka Saaxil duleedka magaalada Berbera ugu qaybiyey Raashinkaas Mucaawinada Boqorka Kuwait u soo diray Somaliland.