Diyaarad Dagaal Oo Ku Burburtay Caasimadda Dalka Nayjeeriya

Lagos, (SLP)- Diyaarad dagaal oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ku soo dhacday magaalada Lagos ee caasimadda dalka Nayjeeriya.

Dele Alonge, oo ah af-hayeen ka hadlay diyaaradda ciidanka ee burburtay ayaa sheegay in diyaaraddaas iyadoo ku jirta hawl-gal tabobar ah, barqadii jimcaha ay soo dhacday.

Waxa kale oo uu sheegay af-hayeenku, in diyaaradaas iyadoo ku jirta tabobar ay hawada ku ciladawday, ka dib soo fadhiishadii ay dhulka kusoo degi ay dhacday, isagoo intaas raaciyay inaanay gaysan wax khasaare nafeed, balse ay burburisay qalab ciidanku ku tabobaranayay oo goobta yaalay

Mr. Alonge waxa uu intaas ku daray duuliyihii diyaarada Adesola Amosun, loo diray baadhis la xidhiidha wixii sababay soo dhicitaanka diyaaradaas.Nigerian-Airforce-Helicopter-500x300

Somaliland[post

Wararka Afrika