DILKII UGU FOOSHA XUMAA EE KA DHACA HARGEYSA: Haweenay Meydkeeda la jar-jaray oo haddana Dhegar-qabayaashii Dilay Gurigooda ku hoos aaseen

news1Hargeysa (SLpost)- Gabadh Ganacsato ah oo muddo toddobaad ah Raq iyo Ruux la la’aa ayaa manta Meydkeedii laga soo saaray dilGuri ku yaala Barriga Hargeysa daaradiisa kadib markii qoyska gurigaas oo ay lacag ku lahayd inta ay Dileen dabadeed inta ay God u qodeen ku Aasay.

Marxuumadda la Dilay oo la odhan jiray Ruqiya Siciid Ayaanle ayay Booliiska Somaliland baadi goobayeen halka ay ku danbaysay kadib markii qoyskoodu muddo shan cisho ka hor ay waayeen, wakhtigaas oo ay qoyskoodu sheegeen in ay Hooyadeed inta ay la soo xidhiidhay u sheegtay in ay lacag ka doonanayso gabadh ay lacag ku lahayd oo ay magaceeda u sheegtay.

Booliiska ayaa markii warbixinta la soo gaadhsiiyey soo xidhay gabadha ugu war danbaysay gabadhaas la waayey kadib-na waxa dhacday in Taliyaha Qaybta Booliiska Barriga Hargeysa oo ay is xigeen carruur ay nin nin ay xigto ahaayeen oo ay kala tageen u dhashay uu Damiintay balse markii qoyskii gabadha la waayey ogaadeen Dacweeyeen Taliyaha kaasoo loo xidhay kiiskaas hase yeeshee markii danbe waxa la soo qabtay Gabadha iyo Carruurteedii oo dhan.

Booliiska ayaa isla markii ay dadkaas soo qab qabteen waxa ay Mobile-kii gabadha la doon doonayey ka heleen Gabadh yar oo ka mid ah Qoyska ay lacagta u doonatay, balse waxa ay qariyeen in ay Xog dheeraad ah sheegaan, Booliisku kamay quusan in ay helaan raadad dheeraad ah, waxaanay isku dayeen labadii maalmood ee ugu danbeeyey in ay Qoyska su’aalo weydiiyaan waxaanay maanta qirteen Dilka Haweenaydaas iyagoo sheegay in ay Meydkeeda ku aaseen daarada gurigooda, halkaas oo ay Booliisku manta ka soo saareen.

Marxuumada la Dilay ayay Booliisku Meydkeeda  keeneen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo lagu baadhayo Nabarada ay u dhimatay ee lagu dhuftay, iyadoo dadweyne farabadan oo dhacdadan la amakaagsani soo buux dhaafiyeen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

Wararka dheeraadka ah ee ka soo baxaya dhacdadan oo dhif iyo Naadir ku ah Shacabka Somaliland ayaa sheegaya in Gabadha la Dilay oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag ay ahayd Dumarka Haftada ama Hagbadaha ku jira, iyadoo lala xidhiidhinayo mashruucii Jiif oo Jaqdii dhibteedu illaa hada taagan tahana in lacago ay ku lahayd balse dhacdadan imika loo Dilay ay ahayd lacag Toddoba Kun oo Doolar lagu sheegay oo ay Gabadhan Dishay ku lahayd, taasoo isaga dhigtay in ay siinayso balse shirqool Dil ah oo qoysku ka wada qayb qaateen u maleegtay.

Sheekooyin kale oo lala xidhiidhinayo dhacdooyin caynkan oo kale ah ayaa la isla dhex marayaa Hargeysa, waxaanay dad badani manta iyo maalmahanba ku sheekaysanayaan Dumar iyo gabdho kale oo inta sidan oo kale loo waayey lagu  tiriyey in ay Tahriibeen balse dhacdadan manta soo shaac baxday dad badan dareen kale u abuurtay, taasoo keentay in ay dad badani walbahaar dib u galaan.

WMG