Dilal mar kale maanta ka soo cusboonaday deegaanka Ceelbardaale, meyd nin la dilay oo la keenay Cisbitaalka Gabiley iyo taliyaha booliska oo gaadhay deegaankaas

 Gabiley, (SLpost)- Hal qof ayaa maanta lagu dilay deegaanka Cabdale Sacadka oo ka tirsan deegaanka Ceel bardaale marxuunkaas oo magaciisa la odhan jiray Iid Muuse Kaamil oo ka mid ahaa xoolo dhaqatada ku noolayd jiida deegaankaas kana soo jeeda gobolka gebilay.

Dilka marxuunkan ayaa daba socda falkii arxan darida ahaa ee habeen hore ka dhacay deegaanka Seemaal ee ay ku dhinteen Sadex qof oo aan waxba galabsan.

Warar kala duwan oo naga soo gaadhaya deegaanka Ceel bardaale iyo deegaanada ku teedsan ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ilaa maanta ay gaadhay Sadex qof inkasta oo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisa in tirada dhimashada ka badan tahay halka qof . Warku wuxuu intaas ku darayaa in jewi colaadeed oo xoogan laga dareemayo deegaanadaas ay mashaqadu ka dhacday.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland General Maxamed Saqadhi Dubad oo hor kacaya cutubyo ka tirsan ciidanka booliska ayaa maanta u ambo baxay deegaanada ay ka dhaceen falalkan dilka ah isla markaana raadgoobaya soo qabashada dadkii fuliyay ama ka danbeeyay dilalkaas lagu khaarajiyay muwaadiniin aan waxba galabsan.

Maydka Marxuunka ayaa isla galabta la soo gaadhsiiyay Magaalada Gebilay halkaas oo qorshuhu yahay in lagu aaso.

Maayarka Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay dilalka macno darida ah ee soo noqnoqday kana dhacaya deegaankaasi, waxaanay tacsi u dirtay dhamaanba qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkaas ay gacanta ka xaq darani dishay, iyadoo ilaahay uga bariday intii dhimatay uu samir iyo iimaan inaga siiyo.

SLpost News Desk

Kaafi20@hotmail.com