Dil-dillaaca Xisbiga UCID oo Cirka isku-shareeray iyo eedihii ugu kululaa oo Garbyada is-hayaa isu jeediyeen

Hargeysa, 26 July 2011 (Somalilandpost)- Xiisadda iyo loollanka hogggaaminta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID lagu kala jiidanayo ayaa mar kale circa isku sii shareeray, isla markaana u muuqata mid aan ka soo rayn lahayn, ka dib markii ay shalay labada Garab ee sida muuqata Xisbigaasi u kala jabay uu mid waliba geestiisa u qabtay bandhigyo uu cududdiisa taageero ku muujinayo, Saxaafaddana si gooni-gooniya ula kala hadleen, iyada oo dhinac weliba ku hanjabay inuu tallaabooyin horle qaadayo.

Garab ka mid ah Garabbada UCID u kala jabay, ayaa waxa hor kacaya Guddoomiyaha Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbigaas Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), halka garabka kalena ay hor socdaan Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbigaas Aadan Maxamed Mire Waqaf, Xoghayaha guud Muuse Maxamed Guuleed (Inji) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Khilaafka ayaa soo baxay ka dib markii fadhi  ay isugu yimaaddeen Guddida fulinta ee xisbigaasi Axaddii dorraad ay ku go’aamiyeen in ay xilkii  guddoomiynimo ka dhammaaday Faysal Cali Waraabe. Isla markaana, beddalkiisa ay si ku meel gaadh ah ay ugu doorteen Guddoomiye Aadan Maxamed Mire Waqaf.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Xarunta dhexe ee Xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa shalay kula hadlay taageerayaashiisa, ayaa khudbad uu halkaa ka jeediyey ku sheegay in khilaafkan soo kala dhex galay ay wadaan xunbno sida uu sheegay ahaa kuwii ka dambeeyey guul-darradiii Xisbiga ka soo gaadhay Doorashadii Madaxtooyadda ee bishii June 26-keedii 2010, ka dhacay dalka. Isla markaana, waxa uu Faysal ku dooday in xubnaha ku hawlan inay talada Xisbiga ka maroorsadaan dhammaantood ay yihiin kuwo uu wax ka dhigay isagu oo uu abaal badan u galay.

“Waxaan ka xumahay in dad asxaabtayda ahaa  oo aan abaal ku wada lahaa ay gundahayga dagaal ka ridaan aad baan uga xumahay. Walaallayaal, waxa weeye Raggii Xisbiga magaca ku yeeshay, waxa weeye Raggii derajada ku yeeshay Xisbiga , waxa weeye ninkii ugu horreeyey aan Xisbigan ka sharraxo  ee aan ka dhigay Maayar  ku- xigeenka ee  aan lahaa magaalada Hargeysa ha qurxiyo ayaa dagaalka ka kow ah Maxamed Uurcadde. Walaallayaal waxa ku xiga  saaxiibkay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) oo aad ogtiyihiin  dagaalka aan u galay sidii uu u noqon lahaa Guddoomiyaha Baarlamanka oo aan doonayey in uu  dalka hagaajiyo Xisbigana wax taro, waxa isna ku xiga Aadan Maxamed Mire Waqaf saaxiibkay waxa xilka lagaga qaaday sharaf-darro  oo aan saaxiibkaygii Xisbiga ila dhisay Axmed Cabdi Siciid aan idhi is casil aan isna (Waqaf ) ka dhigay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad.” ” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe.

Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “ Xisbigu sharci buu leeyahay haddaynaan sharciga ilaalin waxba noqon mayno, illaa maanta iima muuqato Ragga leh  Xisbiga ayaannu guul gaadhsiinaynaa inay  wax qaban  karaan guusha ay gaadhsiinayaan may anna I gaadhsiiyaan, ninna kun qof ma keenin Cabdiraxmaan anaa jecel in aan u dhiibo, Waqaf anaa jecel in aan u dhiibo. Laakiin  midna ma soo saari karayo, Xisbiga immika urur baa la innagu celiyey haddii aynu soo baxno qofka reer Somaliland ah ee aan arko in uu hoggaamin karo  waan u dhiibayaa, waana taageeraynaa.”

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in aan Xisbigu baabbi’i doonin oo uu sii jiri doono khilaaf kasta oo laga dhex abuuro. Faysal oo arrintaa ka hadlaaya wuxuu yidhi; “Xisbiga UCID maaha mid baabbi’i doona ee wuu sii jiri doonaa, isla markaana khilaafka jira lagu soo afjari doono sifo sharci ah.” Faysal waxa uu ugu baaqay xubnaha Xisbiga in ay ilaaliyaan midnimadooda.

Ugu danbayntii waxa isna halka ka hadlay Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID, Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), oo ka mid ahaa masuuliyiinta ay Guddoomiye Faysal isku aragtida yihiin, oo kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay in xalay (Habeen-hore) la jabsaday xarunta Xisbiga UCID oo laga qaatay Shabbadii Xisbiga, Computer-kii Xisbiga iyo lacag gaadhaysa 7,000 oo Doollar. “Walaallayaal waxaan idiin sheegayaa in xalay (habeen-hore) la jabsaday xarunta Xisbiga, waxa la qaatay Shaabbaddii Xisbiga UCID, waxa la qaatay Computer-kii Xisbiga, waxa la qaatay 7,000 kun oo Doollar oo xisbigu lahaa ayaa lala baxay, nimankaasi waa Budhcad-xisbiyeed, laakiin Xisbiga UCID la dagaallami maayo afarta nin oo waxa lagala socdaa gudo iyo dibadba.” Ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo).

Wakiilka Xisbiga UCID ee dalka Sacuudiga Axmed Maxamed Siciid iyo Xubno kale oo ay ka mid tahay Guddoomiyaha Garabka Haweenka UCID Marwo Xaliimo, ayaa iyaguna halkaa ka hadlay, isla markaana tilmaamay inaan wakhtigan loo baahnayn in UCID laga dhex abuuro khilaaf iyo dhibaatooyin wiiqi kara sumcadda Xisbiga, isla markaana loo baahan yahay in si deggan looga wada tashado waxa la isku diiddan yahay.D

Dhinaca kale, Garabka ka horjeeda Guddoomiyaha Xisbiga ee is-beddal-doonka UCID, ayaa kulan ku yeeshay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, kaasoo hadallo dhaleecayn ah uga jeediyeen Guddoomiyaha wakhtigu ka dhammaanayo Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, iskuna magacaabay Xoghaye ku-xigeenka cusub ee kooxda is-beddal-doonka Xisbiga UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa eedo kulul u jeediyey Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha Wakiillada oo ka hadlay kulan ay isugu yimaaddeen xubnaha ka tirsan xisbiga UCID ee ku dhawaaqay is-bedelka ayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID ku sifeeyey lacagtii Giimbaarta ahayd ee laga bedelay Burco. “Caayi maayo Faysal oo waa saaxiibkay, laakiin waxaan leeyahay lacagtii Burco laga beddelay waxa la yidhaahdaa Giimbaar, saaxiibkay Faysal Cali Waraabe-na waxa uu noqday Giimbaar oo waa la beddelay. Saaxiibkay waxa ka soo hadhay dhawr kalmadood waxaana ka soo hadhay Aniga…Aniga, saaxiibkay wuxuu leeyahay Xisbiga waan iskaga tagi lahaaye’ cid aan ku aammino ayaan la’ahay dadka ila jooga oo dhami waa xashiish, xataa Guddoomiyihii hore waxa uu leeyahay Qarankan Somaliland la yidhaahdo cid aan ku aammino oo ka naxaysa oo joogtaaba ma jirto, waxaan u malaynayaa inay taasi qaranka meel ka dhac ku tahay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxamaan-Cirro.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay waxyaabihii u ka dhashay khilaaf dhexmaray xubnaha ka tirsan Guddida fullinta xisbiga UCID iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu yidhi; “Saaxiibkay waxa uu shalay cambaareeyey Guddidii fulinta ee shirtay, waxaanu u tagnay Guddoomiyaha annagoo ixtiraamayna, waxaannu u geynay qoraal aannu kaga codsanayno inuu qabto shirkii billaha ahaa ee Guddida fulinta ee xeerka ku qornaa, waxa uu hadalkiisii ku bilaabay; ‘Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ma aqoonsani, Guddoomiye Ku-Xigeennada 2-aad iyo saddexaadna ma aqoonsani.”

“Maanta (shalay) wuu hadlay ayaa la yidhi Faysal Cali oo wuxuu yidhi xisbiga anigaa iska leh xisbiguna waa xisbi reer Hargeysa ah. Waar miyaanu xisbigu ahayn xisbi qaran? Soo kuwan gobolladii oo dhammi fadhiya. Waxaannu leenahay xisbiga UCID waa xisbi qaran. Shirkii dhacay shalayto shir-beeleed muu ahayn, wuxuu ahaa shir Guddi fulineed oo xisbi, mid qof soo abaabulay muu ahayn ee waa shirkii billaha ahaa ee Guddida fulinta. Guddoomiyihii hore waxa uu shirkayagii ku sifeeyey inaanu nahay SSC. SSC waa reer Somaliland, afartii nin ee xalay ka hadlayay TV-gana waxaannu leenahay xisbiga ayaad ka tirsan tihiin, cid idinka saartay ma jirtee idinku ha fallaagoobina ee xisbigii wuu idin sugayaa.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Waxa kale oo kulankaas ay isugu yimaaddeen xubnaha ku dhawaaqay is-beddelka ka hadlay masuuliyiinta xisbigaas ka midka ahaa oo dhammaantood ka warramay qaabka isbeddelka ay doonayaan ku yimi iyo sida ay u arkaan hoggaanka cusub ee ay doorteen.