Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha oo Khilaafkii Sharci ee Guddoomiye Cirro ka abuuray Golaha Wakiillada ku daray warbixintooda Gabbood-fallada Sannadkan ka dhacay Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha iyo Dimuqraadiyadda ee Somaliland, ayaa warbixin ay kadiyaariyeen Heerka Xuquuqda Aadamaha ee sannakan gudihiisa ku soo bandhigay munaasibad ay maanta kaga qayb-qaateen Xuska maalinta Xuquuqal Iinsaanka Adduunka oo sannad kasta adduun-weynaha laga xuso 10-ka bisha December oo maanta ku beegnayd.

Warbixintan oo ay ciiwaan uga dhigeen Milicsiga Waayaha Dumuquraadiyada & Xuquuqda Aadamaha Somaliland Sanadka 2014, waxa ay ku soo bandhigay 28 qodob oo ka mid ah baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha oo ay sheegeen inay waafaqsan yihiin Diinta Islaamka, iyaga oo warbixintooda oo ay ka soo dheegeen aragtidoo ku xusay in Somaliland xagga hore kaga jirto ilaalinta Xuquuqda Bani’aadamka iyo Xorriyatul-qawlka.

difaaca (1)Waxa kale oo ay warbixintooda kaga hadleen heerka dimuqraadiyadda Somaliland, iyaga oo aragtidooda ku saleeyey cidda iska leh masuuliyadda khilaafaadka soo noq-noqda ee doorashooyinka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda dusha u saaray Guddoomiyaha golaha Wakiillada oo ay ku tilmaameen inuu ku kacay gabbood-fallo sharci.

Warbixinta Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha iyo Dimuqraadiyada Somaliland oo dhinacy badan taabanaysa ayaa u qornayd sidan:-

“Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad-doonka iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay guud ahaan shacbiga Somaliland iyo beesha caalamka ee ay isku aragtida yihiinba aanu la qaybsanaynaa dareenkayaga aanu xusayno Maalinta Xuquuqda Aadamaha Adduunka 10 Dec. 2014.

Maanta  waxanu xusaynaa 28 qodob oo ka mid ah 30 qodob ee uu ka kooban yahay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga adduunku (Universal Diclaration of Human Rights ‘UDHR’) kuwaasi oo aan ka hor imanayn Diinteena Islaamka.

2-da Qodob ee kale waxay sheegayaan in qofku marka u doono uu diintiisa ka bixi karo marka uu doonana ku soo noqon karo iyo aadamigu marka ay gaadhaan da’da guurka (18 sano jir) way is guursan karaan iyadoo aan loo eegin luqad, midab iyo diin, 2dan qodob waxa naga reebtay xuskooda diinteena Islaamka.

Jamhuuriyada Somaliland Sanadkan sii dhamaanaya ee 2014, waxa ay wali ku naaloonaysaa in ay noqoto guud ahaan dalka mandaqada Geeska Afrika ugu wanaagsan dhinacyada xoriyadaha rayidka, siyaasada warbaahinta iyo xaqa ra’yi dhiibashada taasi oo ay Hay’ada Caalamiga ah ee Freedom House seddexdii sano ee ugu dambeeyay Warbixintooda Dunida ee Xoriyadaha ku sheegtay in Somaliland ay ka jirto xoriydaa madaxbanaanida ay ka marayso 4.5, halka xoriyadda rayidka ay ka marayso 5, xoriyada siyaasadana ay ka noqotay 4, taasi waxay muujinaysaa in Somaliland ugu horayso heerka ku dhaqanka Xoriyadaha aasaasiga ah dhamaan waddamada mandaqada bariga iyo geeska Afrika.

Sidoo kale Xoriyada Madaxbanaanida Saxaafadda Madaxabannaan ee Gaarka Loo leeyahay ayaa Somaliland 20 sanadood ee ugu dambeeyay ay ahayd dalka ugu fiican Geeska Afrika oo wadamada ku yaal aanay kaba jirin saxaafad gaar loo leeyahay oo madaxbanaani tusaale Itoobiya, Sudan, Eritiria Djibouti. Tan macnaheedu in Saxaafada Madaxabnaan ee Somaliland aanay ku dhicin wax xadgudubyo ah, Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay diiwaangaliyeen sanadkan 2014, suxufiyiin lagu xidhxidhay, qaar Maxkamadaha dalku ku xukumeen ciqaab xadhig iyo ganaac lacageed labadaba, sidoo kale sanadkan Maxkamadaha dalku waxay xayireen labo ka mid ah Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay oo kala ah Hubaal Media Network, iyo Haatuf Media Network, kadib markii xukuumadu ku eedaysay in ay ku xadgudbeen arimihii ka reebanaa saxaafada oo ay ka mid yihiin xogaaha la xidhiidha ciidanka iyo eedo kale oo ah faafin warar been abuur ah iyo sumcad dilid.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u yihiin kaalintii lafdhabarka ahayd ee 20 sanadood ee ugu dambeeyay Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland ka soo qaaday dhismana dalka iyo dimuquraadiyada. Sidoo kale waxa ay macluumaad buuxda ka hayaan ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland, in kadib mudo dheer oo warbaahinta Somaliland ee Madaxbanaani ay ku shaqaynaysay nidaam aan lahayn shuruucdii aasaasiga ahayd ee warbaahinta, anshaxa saxaafada xorta ah iyo aqoontii mihnadeed, in ay warbaahimo badan oo gaar loo leeyahay oo ka jira Somaliland noqdaan qaar fuliya dano shaqsi kuwaasi oo gabi ahaanba ka hor imanaya ama dhibaato gaadhsiinaya xoriyadihii aasaasiga ahaa iyo xuquuqdii bulsho iyo qofeed ee muwaadiniinta, sidoo kale waxa bushada Somaliand haatan si wayn u dareemeen dhibaatooyinka qoyska iyo ubadka ay dhaqan iyo diin ahaan warbaahinta muuqaal araga ah ee Afka Soomaaliga ku hadasahaa u gasytaan.

Difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland, waxay aaminsan yihiin dib u dhaca geedi socodka dimuquraadiyada, dib u dhaca doorashooyinka iyo muranka hay’adaha dastuuriga ahi halka ay ka soo burqanayaan in ay tahay Golaha Wakiillada Somaliland, tusaale Gud. Golaha Wakiilada ay xidha dhawr shaadh ee dastuuri ah waa gudoomiyihii aqalka hoose ee sharcidajinta isla markaana waa gudoomiye xisbi siyaasadeed laba xil oo is hubin lahaa ayuu hal ruux ku wada fadhiyaa, iyadoo ruuxaasina uu ka ilaaliyo in golaha uu hor yimaado xeernidaamiye ama xeer hoosaad awoodihiisaasi is khilaafaya qaar hoos u dhiga.

difaaca (2)Werwerka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada rayidka ah ee Dimuquraadiyada Somaliland maanta hayaa ee ay maalinta Xuquuqda Aadamiga Adduunka ay la wadaagayaan beesha caalamka iyo daneeyayaasha dimuquraadiyada Somaliiland ayaa ah talaabooyin dhabarjabin ku ah hay’adaha dastuuriga ah ee dalka iy nidaamka dawaliga ah ee dal dimuquraadi ah ka jira oo dhawaan dibada u soo baxay kuwaasi oo uu si badheedh ah uu ugu kacay Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland MUD. Abdiraxman Abdilahi Ciro kaib markii uu xeerarkii diiwaangalinta madaniga ah oo galahiisu ansixiyay uu isagu wax ka badal shaqsi ah ku sameeyay.

Marka loo dhabo galo Xaalada Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee guud ahaan sanadkii 2014, xadgudubyada xuquuqda aadamiga iyo xoriyadaha aasaasiga ahi ayaa dhinacyo badan hoos u dhacay marka loo eego xadgudubyada la diiwaangaliyay sanadihii 2010 – 2013. marka laga reebo tacadiyada ay la nool yihiin bulshada Somaliland ee la takooro oo iyagu madiidin u ah Takoor soo jireen ah oo dhinaca dhaqanka ku salaysan, waxana kale oo ay dibada ka yihiin nidaamka cadaalada iyo Garsoorka Somaliland, oo aanay sida qaalibka ah helin, Beelaha Somaliland ee laga tirada badan yahay kuma laha xubno iyaga ka soo jeeda ciidamada kala duwan ee amaanka, iyo hawlwadeenada garsoorka iyo Xafiisayada Xeer Ilaalinta ee degmooyinka dalka,

Bulshada la hayb sooco ee Somaliland kama helaan hay’ada sharcifulinta iyo garsoorka Somaliland wax cadaalad ah habo yaraatee, waxana la diiwaangaliyay beero iyo hanti ay ka haystaan xubno ka soo jeeda beelaha aqlabiyada ah.

Waxana talaabadan guurtidu xoojisay la xisaabtan la’aantii horeba uga dhex jirtay Golayaasha Sharcidajinta dalka, oo iyagu dantooda ugu fadhiya kuraasta barlamaanka dalka.

Sidii loo xaqiijin lahaa habsami u socodka hawlgalada sahaminta iyo baadhitaanka shidaalka Madaxwaynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo saaray qaraar uu ku aasaasayo Ciidamda Ilaalada Shidaalka Oil Protection Unit, kuwaasi oo laga soo xuli doono ciidamadii dalka ee hore u jiray isla markaasina hoos tagi doona Wasaarada Arimaha Gudaha. Ciidamadan ayaa waxa maalgalinaysa shirkada wayn ee Genel oo sheegtay in ay tabobarka qalabaynta iyo hawlgalinta ciidanka ilaalada shidaalka ay ku bixin doonto adduun gaadhaya 25 milyan oo dollar.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay hoosta ka xariiqayaan in xukuumada Somaliland qaado talaabooyin ay talada badhkooda ka siinayso bulshooyinka ku nool deegaanada laga fulinayo sahaminta Shidaalka iyo macdanta. Si taasi loo suurtogaliyo waa in:

-Xukuumada Somaliland barnaamuj wacyigalin ah oo si taxadar badan ay u wada diyaariyeen una fuliyaan Wasaarada Macdanta iyo Tamarta, la taliyayaal caalami ah oo takhasus u leh mawduuca, Shirkada Shidaalka/Macdanta, bulshada iyo indheergaradka deegaanka baadhista laga fulinayo

-Waa in xukuumada Somaliland ka hortagtaa in cid kale qabsato maskaxaha shacabka Somaliland.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee wadooyinku in ay kor u qaadayaan helitaanka bulshada ee baahiyaha aasaasiga ah, oo uu ugu horeeyo adeegyada amaanka iyo garsoorku, iyo helitaanka gargaar caafimaad xiliga loo baahan yahay. Waxana ay ku bogaadinayaan Madaxwayne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa ku dhiirashada iyo hirgalinta mashaariicda hirgashay ee Wadooyinka Dalka, Waxa kale oo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland soo dhawaynayaan Midowga Yurub oo markii ugu horaysay si toos ah u taageeray dhismaha wadooyinka dalka.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ka walaacsan yihiin saamaynta xun ee balwada cunista jaadku ku yeelatay Hay’adaha sharci fulinta Somaliland oo u xilsaaraa sugida amaanka muwaadiniinta, u kuurgal taxadir ah oo kormeerayaasha xadgudubyada Xuquuqda Aadamiga Somaliland ku sameeyeen falal amaan daro oo ka dhacay gudaha xabsiyada dalka kadib markii maxaabsiitii dambiyada culus ku xukunaa saraakiishii iyo ciidamadii asluubta ee ilaalinayay ay gacanta u galiyeen hub iyo rasaas.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ku rumaysteen xogogaalnimada falalkaasi dhaawaca wayn ku ah amniga qaranka ee ka dhacay xabsiga ugu ilaalinta adag dalka oo dhan in ay sababta koowaad ee ku kaliftay in askartu iyo saraakiisha Ciidanka Asluubtu Maxaabiistii ay waardiyaynayeen ay tahayd baahida balwada qaadka oo ka ku kaliftay in ay ka iibiyaan hubkii ay ku waardiyaynayeen jeelka iyo maxaabiista ku xidhan. Qabatinka Balwada Qaadka ee xubnaha ciidamada sharcifulinta Somaliland waxay Amaanka Qaranka ku keeni karaan falal dhabarjab ah oo waxyeeladoodu ay qoto dheeraato.

Sidaasi darteed, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Mud. Siilaanyo si xoogan uga codsanayaan qaylo dhaantooda ku aadan aafadan qaran.

Mud. Madaxwayne dalka jaarka aynu nahay ee Qaadku inooga yimaado Xukuumada ka jirtaa ciidamadeeda ma qorto ruux balwada jaadka leh balse ruuxa caba khamriga ciidankooda way u qaataan. Taasi waxay daliil u tahay in uu Jaadku khatar badan ku yahay Amaanka Wadanka, Sidoo kale waxa Mudane Madaxwayne aad ka war haysaa in dhawaan Baarlamaanka dalka Ingiriisku in uu dalkiisa ka xaaraantinimeeyay qaadka in lagu cuno ama laga ganacsado, iyadoo darooga heerka 3aad ay ku qiimeeyeen khubarada dalkaasi.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland Mudane Madaxwayne maadama oo aad mudadan aadka u kooban ee aad hogaaminaysay Qaranka Somaliland aad ku dhiiratay isla markaasina aad suurto galisay EEBE idadmkii mashaariic aan xataa muwaadiniintu ku riyoonaynin in ay suurtogali karto, waxa ka mid ah Idaacada Cusub ee Radio Hargeisa, Idaacadaha Quraanka, Darajooyinka Ciidamada, Mushahar kordhinta shaqaalaha iyo Ciidamda dalka 100%. Waxbarashada Dugsiyada Hoose Dhexe ee dalka oo la’cag la’aan aad ka dhigtay, yagleelida xafiisyadii qaranka oo ahaa sidii uu gumaysigii ingiriisku kaga tagay, Furistii Axsaabta Siyaasada iyo Tirtiridii Gudiyadii Nabadgalyada Qaranka, iyo ku qancinta shacbiga dalku in aanay sugin gacan shisheeye oo ay aaminaan in ay isku tashadaan oo dhistaan wadooyinka ceelasha dugsiyada iyo caafimadkooda. Guud ahaan Taariikhda Duuga ahi way qori in aad sababahooda lahayd guulahaa maguurta ah.

Mud. Madaxwayne waxanu si naxariisle kaaga codsanaynaa in aad soo saarto qaraar madaxwayne oo aad ku xaaraantinimaynayso in shaqada dawlada iyo ciidamada kala duwan loo qaato ama la qoro ruux muwaadin ah oo leh balwada qaad-cunista. Sidoo kale Mudane Madawxayne qorshaha mudo xileedkaaga 2aad ee soo socda ku darsto in aad dalka ka suurto galiso mashaariic lagu nacsiinayo cunista jaadka bulshadeena si acmaasha wanaaga ah iyo qaad cunistu ay aad u kala fogaadaan, tusaale in Maxkamdaha dalku marag aanu ka furi karin ruux cuna jaadku iwm.

Waxa hubaal ah oo Mudane Madaxwayne hadii taladan aad naga qaadato aad seeska u dhigaysaa in dalka Somaliland u horseeday jiilal gacmahooda lagu aamino.”

Dhinaca kale, munaasibadda ay Difaacayaasha Xuquuqda Aadumuhu ku soo bandhigeen warbixinta, waxa gunaanadkeedii ka-qaybgalayaasha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Haweenka Beelaha la takooraa kaga dhawaaqeen 2 urur bulsho oo ay samaysteen Muwaadiniin ka soo jeeda bulshada la hayb sooco ee Somaliland waxan la kala yiraa 2 urur bulsho Hanoqaad Mirgnilized Minority Women Development organization iyo Ururka Horumarinta Waxbarashada Caruurta Laga Tirada Badan Yahay