Difaacayaasha Xuquuqal Iinsaanka Somaliland oo ka Walaacsan Xukunnada Deg-degga ah iyo Guddiyada Nabadgelyada ee xukuumaddu dib u hawl-galisay

Hargeysa (SLpost)- Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha Somaliland, ayaa walaac ka muujiyey hab-dhaqanka hay’adaha Ammaanka ee ku wejahan Xukunnada deg-degga ah iyo Guddiyada nabadgelyada oo xukuumaddu madxweyne Siilaanyo mar kale dib boodhka uga tuntay, kaddib markii loo adeegsaday xukunno deg-deg ah oo aan maxkamad la marin dhalinyaro tiro badan oo laga qab-qabtay magaalada Hargeysa, kuwaas oo la sheegay inay ku kaceen falal waxyeelaynaya ammaanka caasimadda.

difaacayaashaXukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa wakhtigii talada dalka ay ku guulaystay meesha ka saartay isla markaana tir-tirtay Guddiyo nabadgelyo ooh ore dalka uga jiray xilligii xukuumaddii UDUB, kuwaas oo go’aamin jiray xukunno deg-deg ah oo aan maxkamadaha la marin, taas oo ka mid ahayd Shuruudihii Xisbiga Kulmiye u ballan-qaaday shacabka xilligii uu ololaha ku jiray, balse wax laga fuliyey markii ay talada dalka ku guulaysteen sannadkii 2010-kii.

Haseyeeshee, sida ay walaaca kaga muujiyeen, difaacayaasha Xuquuqda Bani’aadamka Somaliland, wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa mar kale boodhka dib uga tuntay dabba-qaadda Xukunnada aan Maxkamadaha la marin ee lagu qaado muwaadiniinta iyo guddiyada Nabadgelyada oo ku-takri-fala Awoodaha Garsoorka dalka.

Bayaan ka soo baxay Ururrada Xuquuqal Iinsaanka Somaliland, ayaa lagaga digay cawaaqib-xumada ka dhalan-karta dib u soo cusboonaysiinta iyo ku-dhaqanka Xukunnada aan la xalaalayn ee Guddiyada Nabadgelyadu ridaan iyo in meel lagaga dhaco xuquuqda Dastuurka dalku u siiyey muwaadinka inuu iska-difaaci karo eedaha loo haysto iyo Garsoorka Xalaal ah, waxaanay madaxweynaha Somaliland ugu baaqeen inuu dib-u-habayn ku sameeyo hay’adaha Sharci-fulinta, isla markaana khubaro aqoon-durugsan u leh loo hawl-galiyo sidii loo abuuri lahaa shuruuc jidaynaysa la-dagaalanka dambiyada Abaabulan iyo Kooxaha Xag-jirka ah.

Bayaankan oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Ururrada Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Suleiman Ismaacil Bulaale isla markaana lagu soo bandhigay sida ay ururrada Xuquuqal Iinsaanku u arkaan go’aamadan, ayaa u qornaa sidan: “Xukunada Ciqaabta Xadhiga Adag ah ee shalay ay bilowday Maxkamada Gobolka Maroodijeex in ay ku xukunto dhalinyarada Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo Booliska Somaliland ku soo eedeeyo falal amaandaro Difaacayaasha iyo Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan qaar lid ku ah Mabaadii’da Cadaaladda iyo dhexnimadii garsoorka dalkeena.

7 Feb. 2015 ayay Maxkamada Gobolka Maroodijeex ku xukuntay dhalinyaro tiradoodu kor u dhaafayso 50 xubnood ciqaab xadhig oo u dhaxaysa Shan bilood ilaa Hal Sano oo Xadhiga Adag ah, dhalinyaradaasi oo Hay’adaha sharcifulinta Somaliland ku soo eedeeyeen in ay xiliyada habeenkii ka sameeyaan caasimada falal amaandaro.

Sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha sarsare ee Booliska iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland waxa dhalinyarada la xukumo lagu xidhi doonaa xabsiyo aad uga fog deegaada ay ku nool yihiin waalidkood, si aanay waalidku u awoodin in ay xabsiga dhexdiisa ku quudiyaan ama si joogto ah ugu booqdaan caruurtooda, isla markaasina dhalinta la xukumaa u dareento xabsi adag oo kulul.

Difaacayaasha iyo Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan qaabka dhalinyaradan loo maxkamadeeyay iyo xukunada lagu riday dhamaantood ay lid ku yihiin xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee Aadamaha ee uu damaano qaaday dastuurka Somaliland iyo Aaladaha Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamigu.

Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan in Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland markii ay ku fashilmeen hawshii ay qaranka u hayeen ee dhinaca Amaanka, ka dib markii ay waxba ka qaban kari waayeen musuqmaasuqa naafeeyay hay’adaha sharcifulinta Somaliland gaar ahaan Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta, Dambi Oogayaasha, ay taasi sababtay in Magaalooyinka waawayn ee Somaliland hoy u noqdaan xadi aad u farobadan oo ah Maandooriyayaasha gaar ahaan noocyada xashiishadaha khatarta ah iyo Khamriga, taasi oo marka lagu daro iyadoo aanu dalka ka jirin goobo ay dhalinyarada Somaliland kaga fakadaan balwadaha xunxun sida garoomo ciyaareed, Golayaal Madadaalo, iyo Maktabado keentay in dhalinyarada dalku in ay isticmaalaan ka ganacsadaan oo meherad ka dhigtaan mukhaadaraadka xashiishada iyo khamriga.

Dhalinyaradan xukunada cadaalada ka baxsan lagu riday ayaa isugu jira ardayda dhigata Jaamacadaha iyo Dugsiyada Aasaasiga ah ito qaar da’doodu ka yar tahay qaangaadh iyadoo Taliska Guud ee Boolisku sheegeen in da’yarta la xukumo la gayn doono xabsiyo ka fog magaalooyinka ay degan yihiin waalidkood.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ayaa u aqoonsaday in Xukunadani la mid yihiin kuwii ay soo saari jireen Gudiyadii Nabadgalyada Degmooyinka iyo Gobolada Somaliland oo adeegsan jiray Xeerkii Public Order Law ama Xeerka Xukunka Degdega ah ee Nabadgalyada Guud. Xeerkaasi iyo Gudiyadaasi isticmaali jiray ayaa Madaxwayne Siilaanyo wax yar kadib markii uu talada dalka la wareegay July 2010 uu digreeto madaxwayne ku tirtiray.

Dayarta dalka oo masuuliyiinta D/Hoose iyo kuwa xukhumada Dhexe ay si shaqsi ah ugu tagrifaleen Garoimadii iyo dhulkii Danta Guud ee dhinyarada looga samahn lahaa goobo ay ku madadaashaan ama Maktabado ay aqoon ka korodhsadaan.

Tani iyo markii uu qabtay talada dalka Somaliland xisbiga KULMIYE lama arag hal askari oo boolis ah oo la waydiiyay ama cadaalada lagu hor geeyay dambi uu muwaadiniinta ka galay ama tacadi uu gaystay, macquulna maaha Booliska iyo Sharcifulinta Somaliland waa Ceeb ka saliim.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u yihiin in waxan haatan lagu ciqaabayo Da’yarta Somaliland ay qayb wayn ku leeyhiiin hay’adihii Sharcifulinta ee u xilsaaraa amaanka oo uu dishooday Musuqmaasuq meelo yaxyaxle maraya.

Musuqmaasuqa Booliska Somaliland naafeeyay wuxuu sababay in 70% dacwadaha ka soo bilaabma Saldhigayada Booliska dalku ay Saldhiga iyo dambibaadhayaasha jooga gacmahooda ay kaga leexdaan cadaaladii.

Waxa hubaal ah oo u doodayaasha xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee Somaliland ka warqabaan in kor u kaca xadiga soo gala dalka mukhaataraadka halista ah ee Xashiishada loo nuugo sida buuriga iyo kuwa dareeraha la cabo lagu darsado iyo Khamriga oo si xad dhaaf ah u dalkeena ay sababta koowaad keenaan Musuqa xadhkaha gooystay ee Booliskeena dhex miranaya. Iyadoo dambibaadhayaasha iyo saraakiisha Booliskeena iyo ciidankeena xabsiyadu qabatimeen kuna walfeen isticmaalka balwada geedka KADABGOOYE ee Qaadka ama Jaadka ayaa maanta sababtay in cadaalad darada ka taagan saldhigyada Booliskeenu ka xumaato tii Siyaad Barre aynu kula dagaalanay.

Ururada u Dooda Xoriyadaha Dastuuriga ah ee muwaadiniinta waxay ka walaacsan yihiin Xadgudubyada ku talogalka u eeg ee Xukuumada Somaliland ay ku qaaday da’yarta dalka, waxana aanu leenahay Xadhig iyo Xabsi Adag oo Ubadka laga fageeyo waalidkood xal maaha.

Waxanu ugu baaqaynaa Madaxwaynaha Qaranka Mud. Siilaanyo in uu dib u haybayn balaadhan ku sameeyo hay’adaha sharcifulinta waxan haboon in khabiiro caalami ah oo aqoon fiican u leh la tacaalida dabmiyada abaabulan ee xuduudaha isaga gudba, aqoon durugsana u leh la dagaalanka argagixisada dhiiga qabow, iyo abuurida boolis dadku la xisaabtami karaan uu dunida ka soo kiraysto,” Sidaas ayaa lagu sheegay Bayaanka Difaacayaasha Xuquuqal Iinsaanka Somaliland.

SOMALILANDPOST.NT