Difaaca Chelsea ee David Luiz iyo Garry Cahill oo diyaar ah Kulanka Final-ka Champions League

[S]Lpost Sports – Labada Ciyaartoy ee Difaaca kooxda Chelsea, David Luiz iyo Gary Cahil, ayaa ku guuleystay inay ka soo kabtaan dhaawacyadii muddooyinkii u dambeeyey ragaadiyey si ay diyaar ugu noqdaan kulanka finalka Champions League oo gundhig u ah mustaqbalka kooxda ee xilli-ciyaareedka dambe.

Guul-darradii 4-1 ay kooxda Liverpool kaga badisay Salaasadii todobaadkan ayaa laga dareemi karaa in haddii ay ku fashilmaan inay ka badiyaan kooxda Bayern Munich 19-ka Bishan ay ka dhigayso in Chelsea ay dibadda ka tahay tartanka Champions League xilli-ciyaareedka dambe, iyada oo weli ay u raacdo khasaaraha maaliyadeed ee soo gaadhay kooxda oo dhan £50 milyan.

Haseyeeshee, tabobaraha ku-meel gaadhka ah ee kooxda Robert Di Matteo, waxa uu bilaabay inuu garoonka tabobarka ku soo daro labadan ciyaartoy ee furaha u ah difaaca dhexe maalintii Shalay ahayd.

David Luiz oo isagu ku dhaawacmay kulankii semi-finalka FA Cup ee ay kaga badiyeen 5-1 kooxda Tottenham, ayaa isaguna horumar fiican samaynaya.

Labadan ciyaartoy ayaa la filayaa inay fure u noqdaan difaaca dhexe kulanka ay ku wejahayaan Bayern Munich maxaa yeelay kabtan John Terry iyo Branislav Ivanovic waxa ganaax kaga maqnaan doonaan kulankaas. David Luiz waxa uu ka ciyaari doonaan booskiisii hore ee uu hadda hayo Ivanovic halka Cahill uu beddeli doono John Terry.

Sidoo kale, Cahil ayaan kooxda u safan ilaa kulankii lugta labaad ee ay Barcelona ku reebeen gurigeeda wakhtigaas oo uu dhaawac jilibka ahi soo gaadhay.

In kasta oo aanu shalay ku jirin garoonka tabobarka kooxda, haddana waxa ay u dhawdahay inuu ka qayb-galo kulanka ugu dambeeye horyaalka ee ay la yeelanayaan kooxda Blackburn maalinta Axadda ee todobaadka soo socda.

SLpost News

sports@somalilandpost.net