Dhuxulaysatada Oo Fara Ba’an Ku Haya Gobolka Sanaag Iyo Dareenka Dhiillada Xambaarsan ee Taagan

suleiman

Gobolka Sanaag oo ah gobolka guud ahaan jamhuuriyada Somaliland ugu balaadhan ahna dhul deegaan ahaan aad u qurux badan dihina oo aanay hore wax badan iu yeelin xaalufinta deegaanka ee Somaliland faraha baas ku haysaa.

Ka dib kormeer maalmo dhawra qaatay oo aanu kujoognay gobolkaas Sanaag Aniga iyo 6 ka mida xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doorto SANAAG isla markaaana ujeedadayadu ahayd xogogaal u noqoshada xaalada gobolka ayaa anigu waxaan si gaara indhaha ugu hayay bal dhibka iyo horumarka xaga dhulka,dhirta iyo daaqa haysta,  waxase  marqudha na taabtay dhamaantayo weftigayagii dhawaaq dheer oo dhamaan masuuliyiintii iyo hormoodkii gobolka ee aanu lakulanay ay si iskumida oo ay muuqato inay ka damqadeen noogu sheegeen .

Waxa sawiro iyo hadalba nalagu deeqsiiyey halkaka dhuxulaysiga iyo xaalufinta deegaanku marayso oo ah halkii ugu danbaysay, ee uu abidkii dhulkani gaadho waxay masuuliyiinta ugu saraysa oo ay ka mid yihiin, Badhasaab ku-xigeenka gobolka, Xoghayaha gobolka , Mayorka  magaalada CEERIGAABO, taliyaha Qaybta ee Booliska ka ciidamada mileteriga madaxda Jaamacada iyo guud ahaan madaxdii kale ee aanu lakulanay noo sheegeen in dhuxulaysiga gobolku hada noqotay ganacsiga ugu sareeya isla markaana uu noqday faldambiyeed abaabulan oo aan si dhib yar loogu dhacayn wax kaqabashadiisa.

Waxa dhuxusha ka ganacsada dumar reer Boosaaso ah, kana dhoofiya deegaanada Puntland, waxay dumarkani soo raacan  gawaadhida dhuxusha , isla markaana waxay u keenaan dadka deegaanka lacag badan gaadiid iyo hub si aan cidi ula hadlin gawaadhidana waxa saaran hub noocyadiisa kala duwan oo hadii xataa bilays loo diro waxa ka dhacaya dagaal xoogan, dadkana waxa  loo qaybiyey oo ay siiyaan mishiinka dhirta lagu jarjaro oo daqiiqado geedka ugu weyn ka dhigaya qurubyo is laaleeg.

Waxaanu indhahayaga ku soo aragnay dhul dhuxulaysigu si laxaadleh ugu fidayo meelaha ugu sii darana waxa ka mida deegaanada (BIXIN, DARARWEYNE, CEEL AFWEYN, MAYDH, LASASURAD IYO CABAYDH) oo dhamaantood ku yaala gobolka Sanaag, waxayaabihii ugu layaabka badnaa ee naloo sheegay ayaa ahayd in ay boolisku maalin dhawayd qabteen nin dhuxusha gubaya oo markii danbe la ogaaday in uu hal god wakiil ka yahay isla markjaana ay heleeen lacag $ 28000 (sidded iyo labaatan kun oo dollar) oo Telesom loo soo dhigay adeega (ZAAD) si uu shaqooyinka dhuxusha ugu fuliyo.

Waxa xusid Mudan dhanka Bariga ee Ceerigaabo inay dadweynaha deegaankaas degeni  kala dagaalameen sii socoshada arintan oo weliba ay ku guulaysteen.

Hadaba gobolkan oo ah gobolada ugu qaalisan xaga deegaanka ahna dhul qani ku ah dhir aan gobolada kale ku oolin, ayaa  wuxuu marayaa maanta meel uu u ooyayo musiibo ay dadkiisii u keeneen isla markaana u baahan yahay hiil uga yimaada dawlada, madaxda gobolka iyo bulshada deegaankaba,

Waxaan markale dadweynaha ku dhaqan Jamhuuriyada Somaliland ku baraarujinayaa in deegaankii qaaliga ahaa ee SANAAG caanka ku ahayd maanta gabalkiisii dhacay oo mishiinada yaa;la ee dhirta lagu jarayaa ka badan yihiin 20eeyo sidaa daraadeed u baahan yahay in si degdega wax looga qabto.

Wixii aan Saxay Eebaa ku mahadsan intaan qaldayna shaydaanbaa iska leh

Qalinkii iyo Qormadii:

Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Ceerigaabo Somaliland

cabdisitaar@hotmail.com