Dhulgariirka Dumiyay Inta Badan Dhismayaashii Dhaadheeraa Ee Taywan Oo Dhimasho Dhaliyay

Hargeysa(SLpost)-Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay dhulgariir ku dhuftay Taiwan, dad badan oo kalena waxa ay ku hoos xaniban yihiin dhismooyin dumay.

160206055637_taiwan_sismo4_640x360_ap_nocredit

Dhulgariirka oo cabirkiisa ahaa 6.4 magnitude ayaa waxa uu inta badan dumiyay dhismooyin dhaadheer oo ku yaalla magaalada Tainan.

Kooxaha dab demiska ayaa badbaadiyay in ka badan 2 boqol oo qof, kuwaasi oo ku jiray dhismooyin liicay.

Dhulgariirka ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay, xilligaasi oo dadka badankood ay jiifeen.

Waxaa hadda la joojiyay inta badan adeegyada tareennada, gaar ahaan kuwa ka imanaya koofurta Taiwan, xilli dad badan ay safrayaan sanadka cusub ee Shiinaha awgiis.