Dhul-garriir Baaxad Weyn Oo Ruxay Dalka Iran & Dhimashada Oo Sii Kordhaysa

Tehran (SLpost)- Todoba iyo Soddon  qof ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyey, tiro ku dhow 850 oo qof oo kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, kadib markii dhul-gariir baaxadiisa 6.1 oo cabirka dhulgariirada lagu qiyaaso  ahi, uu ku dhuftay deegaan dadku ku badan yahay oo ku yaala koonfurta wadanka Iran.

IranEarthquakeDhul-gariirkan ku dhuftay magaalada Kaki, oo 60 mayl (96 km) dhinaca koonfur bari kaga began, xaruntii ugu horeysay ee lagu farsameeyo quwada  Nucliyeerka wadanka Iran ee Bushehr, ayay masuuliyiinta wadankaas iyo shirkadda Ruushka ah ee ka caawisa farsamaynta Nucliyeerku ba, xaqiijiyeen inaanay wax dhibaato ahi soo gaadhin xarunta warshadu ku taalo.

“Wax khasaare ahi masoo gaadhin xarunta awooda nucliyeerka Bushehr,” sidaa waxa idaacada la iska arko ee qaranka u sheegay ,gudoomiyaha gobolka  Bushehr, Fereidoun Hasanvand.

Gudoomiyuhu wuxuu kaloo ka war bixiyey khasaaraha uu dhaliyey dhul-gariirku, waxaanu xaqiijiyey in tirada dadka ku dhintay gaadhay 37 qof, dhaawacuna yahay 850 ay ku jiraan, 100 qof oo loola carraray cusbitaalada xaaladooda oo darran awgeed.

Iran EarthquakeMadaxa xarunta  nucliyeerka Iran, Mr Maxamuud Jacfari, oo isna la hadlay wakaalada wararka ee Mehr news agency, ayaa sheegay inaan dhulgariirku wax dhibaato ah soo gaadh siin xarunta ay ku taalo warshadu, wuxuuse cadeeyey in haddii cabirka dhulgariirku gaadhi lahaa 8, dhibaato uu u geysan lahaa rugta.

Biyihii iyo nalkii ayaa ka go.ay badi dadka ku nool deegaanka uu ka dhacay dhul-gariirku, sida u warbaahinta u sheegay, gudoomiyaha degmada Shonbeh, Ebrahim Darvish, oo ah meelaha dhul-gariirku  dhibaatooyinka ugu daran gaadh siiyey.

SOMALILANDPOST.NET