Dhul-gariir Xooggan oo saamayntiisa laga dareemay Gobollada Galbeebka Somaliland

boramaBorama/Wajaale (SLpost)- Dhul-gariir xooggan, ayaa Cawaysinkii caawa laga dareemay magaalada Boorama ee xarunta gobolka, waxaanu argaggax ku abuuray badi dadweynaha ku dhaqan magaaladaas oo ah meesha kaliya ee gudaha Somaliland inta badan lagu arko dhul-gariirka.

Baaxadda Dhul-gariirka oo xoogganaa awgeed, ayaa sababay in laga dareemo Degmooyinka Gabiley iyo Tog-wajaale, in kasta oo heerkiisu aanu la mid ahayn sida looga dareemay magaalada Boorama oo ah magaalo ku dhex-taala Dhul buuraley ah.

Sida ay shabakadda wararka ee Somaliland u sheegeen dadweyne ku dhaqan magaalada Borama oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay, Dhul-gariirka ayaa magaaladaas si xooggan laga dareemay Abbaaro 10-kii Fiidnimo ee Caawa, isla markaana uu argagax ku abuuray dadka magaalada oo guuxiisu dibadda uga soo saaray guryahooda xilli dadka waayeelka ah iyo Carruurta qaarkood hurdeen.

Ilaa immika ma jiro wax khasaare ah oo laga soo warramay dhul-gariirku inuu geystay, maamulka degmada iyo gobolka Awdalna kama hadal maadaama oo ay xilli habeennimo ah tahay.

Dhinaca kale, magaalada Tog-Wajaale oo ku taala xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, dhul-gariir Xoogan ayaa laga dareemay dhul-gariirka oo watay guux sida dabaysha oo kale ah, sida ay noo xaqiijiyeen dadweyne ku dhaqan magaalada qaarkood oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay.

Haseyeesehee ilaa immika lama soo werin wax khasaare oo ka dhashay dhul-gariirka.

Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa inta waxa ka dhaca dhul si xooggan loo dareemo, haseyeeshee ma jirto wax khasaare buuran ah oo ka dhashay dhul-gariirka inta badan marka laga reebo waxoogaa burbur soo gaadhay saqafyada guryaha qaarkood.

SOMALILANDPOST.NET