Dhoofkii fashilmay xogaha musuq iyo sirihii ku qarsoona!!!

Anigoo magacaygu yahay siciid cabdi xadhigle waxaan bulshada u iftiiminayaa maqaalkaygan aan ciwaanka uga dhigay dhofkii fashilmay kaso noqon doona qorme taxana ah oo xogo dhab ah ku salaysan waxanu ku bilaabmay  Tan iyo intii xukumada talada haysa  jirtay ayaa TVGA QARANKA  oo dallka gudihiisa laga daawan jiray ay dad muwaadiniin ahi sababeen in laga daawado Qaarada Yurub  arintaasina waxay keentay in gaadhitaanka TVGA QARANKA laga daawado ingiriiska ay jaanisyo dhof ka raadiyaan qaarka mida ahAGAASIMAYAASHA wasaarada warfaafinta igoo sobob uga dhiganaya in ay soo furayaan xafiisyo ku yala wadamada qaarada Yurub .

Maalin salaasa ah galin dabe ayaa ay safar wada galeen agaasimaha guud iyo agaasimaha waxada TVGA QARANKA waxanuu ahaa safar ay sii wada ogaayeen shaqaalaha warfaafinta in agaasimayaashu  magaca dawlada dibada ugu baxayaan gaar ahaan magaalada London  waxana xusid mudan in uu jiray dhaqaale badan oo ay sahay ahaan u qaateen labada agaasime waxa safarkooga ka bilaabeen dhinaca galbeed ee magaalada hargayasa iyoo gaadhi ku tagay caasimada dalka itoobiya ee adiis ababa  oo qaatay in ay ku gaadhan maalin iyo habeen .markii ay sal dhigteen labada agaasime adiis ababa ayaa shan cisho oo nasasho ah  ka dib waxay anba qaadeen  hawlgalkii dhoofka waxanay xidhiidh la sameeyeen safaarada ingiriisku ku leeyahay magalada adis ababa o u muuqatay mid ay buux dhaafiyeen dad tiro badan oo soomali ah oo qorshaal kala duwan ku doonaya dhof. balse dhoofka agaasimayaashani wuu ka diwanaa kaa dadka kale, waayo muu ahayn mid qorshansanaa ama ay dawladi daritay, balse waxa uu u muuqday mid ku yimid fikrado qurbe jacayl oo aan rukumo adag ku taagnayan. Sikastaba aha ahaatee toban kii maalimood ee u horeeyay waxay ku  dhamaadeen waraysiyo iyo inter viyo ay safaaradu la yeelatay  labada agaasime

Hordhicii waraysiyada ee safaaradu waxa uu meesha ka saaray nidaamkii markii ay ku socdeen  ee ahaa in ay yihiin saraakiil ka socda dawlada gaar ahaan wasarada warfaafinta balse marki ay qorshehas ay waxaba ka hirgali waayan ayaa waxa bilaabmatay in shicibnimo la adeegsado oo lala mid noqdo dadka kale ee dhoofka u jooga adiis ababa .Dadku kala nasiib badane agaasimaha guud ee warfaafinta faysal cali sheikh waxa uu dib uu u bilaabay waraysi kale oo ay la yeelatay safaarada ingiriisku waxanu ka codsaday in uu ingiriiska sobobo caafimaad u tagayo

uu horana u tagay waxana la eegay waraaqihiisii hore ee safarkii ee ingiriiska ku tagay faysal cali sheikh maalimo ka dib ayaa waxa u soo baxay  jawaabo, ah in uu yahay  qof la, aamini karo oo basaborkiisa uu ku dhacay fiise hore oo ingiriis ah oo uu ku tagay ingiriiska

Waxa  hadaba su,aali ka taagan tahay xaalada agaasimaha waxada TVGA QARANKA  axmed saleeban( DHuxul) oo adiis ababa kaga dhoofay agaasimahiisi ay u wada socdeen dhoofka.

axmed saleeban dhuxul waxa uu is ku dayay inuu isna shicibnimo adeegsado mar hadii ay shaqayn wayday tii kale dawladu  waxa uu bilaabay in uu tago safaarada ingiriiska si waraysi lola yeesho waxa xusid mudan in dhoof jacalka aan qorshannayn uu sobobo in dhaqaale badan oo sadexdii cishaba uu mar uu diro agaasimaha waxada barnaamijyada TVGA QARANKA  xuseen c/laahi deeqsi  waxa is waydiin mudan lacagtaasi nocma ayay ahayd ama xadi intee leeg ayay ahayd?? Lacagtani waxay hayd shirkado loo xayaysiiyay ganacsigooga iyo ha”yado caalamiya o barnaamijyo lo sii dayay taas oo ahayd in lacagtani ay ku dhacdo qasnada wasaarada maaliyada balse may dhicin waxa hubaal ah in maalintii u horaysay loo diray labada agaasime ee midi dhoofay lacg dhan 12000 DOLLAR o laga qaaday shirkado ganacsi oo ahayd xayaysiis afar billd ah taas oo uu si qarsodiya u diri jiray madaxa barnaamijyada TVGA QARANKA

 lasoco qaybaha danbe iyo  qormadan dhofkii fashilmay  iyo hantida qaran ee lagu lunsaday dhoof jacalka aan qorshaysnayan

QALINKII SICIID CABDI XADHIGLE